• RSS Somali VOA

    • An error has occurred; the feed is probably down. Try again later.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 49 other subscribers
  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Madaafiicda AMISOM oo Maanta Meeshii Ugu Dheereed Abid Gaartay iyadoona Warshada Maslax Suuqa Xoolaha iyo Xaafadaha Ugu Dambeeya Dayniile Dad Ku Laysay


artille Madaafiic Bartilmaameed Ah oo ay Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowlada La dhaceen galabta
Xaafado Aad uga Fog halka laga soo riday ayaa geystay qasaarooyin iskugu jira dhimasho iyo
Dhaawac Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho waxaa ugu yaraan
Ku geeriyooday inta la ogyahay  6-qof oo rayid ah halka 15-kalena ay ku dhaawacmeen
Madaafiicdan oo gabal dhicii maanta lagu garaacay Degmooyinka Hiliwaa iyo Dayniile ayaa gaaray Warshada Maslax oo ku taala Xaafadaha ugu dambeeya ee dhinaca Degmada Balcad oo ah halka looga soo baxo Magaalada Muqdisho

Marka loo socdo gobolada dhexe  inkastoo aanay jirin wax dagaalo ah ayaa hadana waxaa la aaminsan yahay in ay jireen Bartilmaameedyo loola dan lahaa oo ay dagan yihiin Kooxaha ka soo horjeeda
Dowlada kuwaasoo ay wararka qaar sheegayaan in lala helay dhowr goobood oo ka mid ah inkastoo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay ayaa dhinaca kale Kooxda Shabaab ay beeniyeen in ay
Wax qasaaro ah ka soo gaareen Madaafiic la sheegay in ay ku dhacday Xarunta ugu weyn Ciidan ahaan Shabaabka Muqdisho oo ah Warshada Maslax Meelo ka mid ah Dayniile iyo waliba
Degmada Huriwaa isku soo wada duuboo waxay u muuqataa in ay Muqdisho waji Cusub sii galeyso Maadaama ay Bakaara ka Nasatay Duqeyn ayna Madaafiicdi kor u dhaafeen Muqdisho oo dhan 

buqaqable@windowslive.com

buqaqable@yahoo.com

Leave a comment