• RSS Somali VOA

    • An error has occurred; the feed is probably down. Try again later.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 49 other subscribers
  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Madaxda Shabaab Doraad Waxaan Duulaan Ku Nahay Mareykan Rush Japan iyo Hunduras Shalayna israel Burundi iyo Ugandha Maantana Yemen UN iyo Beesha Caalamka Xarakada Maxaa Si Ka Ah !!!??


robow Dhageyso:-Xaflad maanta lagu qabtay Xaafada Suuqa
Xoolaha ayay Mas,uuliyiin ka tirsan Kooxda Al-shabaab
Ku soo bandhigeen Maleeshiyaad Tiradooda lagu
Qiyaasay ku dhowaad 400 afar boqol oo wiil iyo hubkooda
Kuwaasoo ay ku sheegeen in ay soo Dhameysteen tababaro
Ciidan oo gudaha lagu bixiyay hadaba dadka indha indheeya
Xaalada soomaaliya ayaa ka bixinaya aragtiyo kala duwan waa marka koowaade
Laga soo bilaabo bilowgii 2007 di markaasoo ay aheyd  markii ugu horeysay ee Ay kooxda Al-Shabaab si Cad u sheegteen in ay ka baxeen Midowgii Maxkamadaha iyo dhamaan garbaha Muqaawamadii ka jirtay soomaaliya oo xiligaas la dagaalamayay Ciidankii Ethiopia

Shabaab way lahaayeen Xeryo Ciidan lagu tababaro wayna lahaayeen Ciidan ka soo Qalin jebiya tababar ciidan maanta ka horna
Ma dhicin in ay soo bandhigaan Ciidan lagu sheegay in ay tabaar dhameysteen Sababtana waxay ku Sifeeynayaan
Dadka u dhuundaloola Xaalka Soomaaliya in ay tahay Niyad dhis iyo isku jimeyn ay taageerayaalkooda niyada ugu
Dhisayaan maadaama uu iclaamku yahay Aalad ka mid ah Aaladaha Dagaalka oo bilihii Dambe waxaa ka socday dhinaca
Dowlada Abaabul iyo Ciidamo loo soo xirayo Tababaro ha ahaato dibadda ama gudaha Dalka waxaa jiray dhoola tus ay
Sameynayeen Madaxda Dowlada haba ugu horeeya Madaxweynaha oo mudo dhowr Asbuuc ah ku taagnaa Tuutaha Ciidanka
isagoona meelo badan Booqasho ugu tagay Ciidamo badan in kastoo aanay wax muuqda qaban Ciidankaas hadana
Waxaa jiray Niyad Samaan ay dareemayeen dadka taageera Dowlada maalmahana waxaa soo baxayay in ay dhinaca
Dowlada wadaan Abaabulkii u dambeeyay ee ay kula wareegi lahaayeen Magaalada Muqdisho Sidaas darteed ayaana
Loo Sababeynayaa in ay Shabaab ku riixday in ay iyagana markooda Sheegtaan in ay soo dhameys tireen abaabul iyo
Tababar dhinaca kale waxaa si weyn la iskaga weydiiyay Qudbadihii meesha laga jeediyay oo si weyn isu khilaafsanaa
Cali dheere waxa uu ka hadlay oo kaliya tababarka iyo in ay dagaalada sii wadayaan halka uu Mansuur Roobow
Qudbadiisa Saaray Dibada iyo Yemen oo uu sheegay in ay u duulaan yihiin Yemen oo ay ka barbar dagaalami doonaan
Al-Qacidada Yeman halka uu Fu,aadna Sheegay in ay Duulaan ku yihiin Beesha Caalamka iyo United Nation ka
Waxaa wax lala yaaba noqotay in ay wali Kooxda shabaabka laheyn ujeedo iyo Mabda,a dagaal hadaan dib ugu noqono
Dhamaadka Sanadkii 2007 da Magaalada Marka ayaa sidan oo kale waxaa ka hadlay nin lagu Magacaabo ibrahim Maqdis kana
Tirsanaa Madaxda Shabaabka kaasoo laga hayo hadalkii Caan baxay ee ahaa in ay duulaan ku yihiin wadamada
Japan Rushka Mareykan Australia iyo Jazeerado aanay dad badan oo Soomaaliyeed Aqoonba u laheyn waxaa
Ku soo xigay ninka Shabaab ugu magacaaban Banaadir kaasoo ku dhawaaqay in Ayduulaan ku yihiin Caasimadaha
Burundi iyo Ugandha isagoo ay bar muuqaal isu joogaan Ciidamo ka socda labadaas wadan wax weyna ka tari la,a
Waxaa ku soo xigay Ciidii la soo dhaafay isla Manuur Roobow oo Salaadii Ciida kadib la hadlay dadweyne isu soo baxay
Magaalda Baidoa in uu ku yiri waxaan duulaan ku nahay israel oo waxaan ka garab dagaalami doonaa Falastiiniyiinta
Maantana waa kan leh waxaan u soconaa Yemen Fu,aadna waaba ka daray oo wuxuu leeyahay waxaan la dagaalameynaa
Beesha Caalamka iyo UN ka ama qaramada midoobay hadalkaasoo aan wax dhadhan siyaasadeed ah laheyn
Sababtoo ah waa marka koowaade Soomaaliya ka Soo dhamow horta markaad rabto in aad u gudubto wadan kale iyo  Caalamka marka labaadna ma jiro Aduunyada Wadan la yiraahdo beesha Caalmaka ama Qaramada midoobay
Qaramada miodoobay waa boqo Sagaashan iyo dhowr dowladood oo gaal iyo islaam iskula jiraan lamana macneyn karo si uu qof Mas,uul ah u yiraahdo
Waxaan la dagaalamayaa Aduunyada oo dhan hadaladan ayaa lagu micnaynayaa Fashal dhinaca kalena muujinaya in aanay Xarakada laheyn wax ulajeedo
Siyaasadeed ama Xukun ah oo u qorsheysan marka laga reebo in ay ku jiraan dagaal aan dhamaan

buqaqable@yahoo.com

buqaqabgle@windowslive.com

buqaqable.com

2 Responses

  1. waxan idinka digaynaa hadii aan xilka ku guulay sano inaan meel kasta oo aad joogataan idiinku iman doono waayo waxaad tihiid xag jirayaal aad u fog fog sidaa aw geed waa in lay din la dagaalmaa oo laydinka xoreeeyaa masaakinnta ad dhigodii cabteen waaana balan taasi hadii alle yiraahdo.

  2. Asc walaalayaal salaan kadib waxaan idiin sheegayaa ood na ogtihiin in wadankayaga dhibaato ka jirto taa mid ka xuna qurbaha nagu haysato oo ah diintii islaamka oo laga tagaayo dhalintii ay gaaloobayaan walaalayaaloow xabada ha la joojiyo oo xal waara ha lala yimaado oo caqli ha shaqeeyo si aan wadankayaga iyo diintayada iyo maatada loo daryeelo xasuuqa daaya waa la daalaye

Leave a comment