• RSS Somali VOA

    • An error has occurred; the feed is probably down. Try again later.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 49 other subscribers
  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Sanguboow Xikmadaadi Ma dhamaatay Gabayadaadi Iyo Ruwaayadihii Gumeysi Diidka Ma Tuuridbaa ???????Somaliya Maxaad u sheegeysaa Markan Marka Xiga???


sangub.jpgWarkii Sangub Oo Dhan Halkan  Ka Daawo 

30kii janaayo xafladii lasoo been abuuray ee ay iskugu yimaadeen taageerayaalka cabdullahi yusuf ee ka dhacday minsota sida meela kale qaarba ka dhacay xaflado ay soo abaabuleen dad aan ogeeyn waxa jira ama soo socda sida ay horeba  soomaali u tiri ninka aan waxa jooga garan waxa soo socdana ma garta dad aad inaad afartan sano soo sameeysid gabayo ruwaayado heeso murti badan oo aad ku diidaysay xabashida iyo gumeystaha oo dhan oo ay umada kuugu sacbido maantana iyadoo xabasho ay taangiyadeeda xamar iyo kismaayo dhex yaalaan oo waxa meesha jooga aanay dowlad eheeyn ee ay xabashi tahay iyo gumeysigii qarniga 21,labaatanaad  inaad tiraahdo waxaan taageerayaa dowlada adigoo magac culus ku dhex lahaa umada soomaaliyeed iyadoo gaal iyo muslilmba la wada og yahay inay aysan dowlad xalaal ah ka jirin meesha maxaad beri sheegeysaa oo aad gumeysta dambe uga hadli kartaa hadiiba aad adiga shan boqol oo sano kadib gumeysta taagertay maxaan kaa dhageeysanaa mase sii haysan karnaa cajaladihii aan kaa duubanay ee aad uga hadlaysay qeybiskii afrika iyo qeybtii ithopia ka soo gaartay somalia iyadoo aan ognahay inay somaliya maanta u baahantahay dowlad iyadoo aan ognahay in maanta somaliya ay mareyso labaatan sano oo dowlad la aan aha iyadoo aan ognahay in jiil kaamil ah oo soomaali ah ay dhuntay ooy khasaartay iyadoo aan ognahay in hadaan la helin dowladnimo in ay soomaaliya qatar ku sugan tahay hadan ma ahan tan mirahii aan doonaynay inaan gurano 17sano oo dowlad la aan ah kadib adna waxay umada kuu haaysatay nin ku jira indheer garadka marka fankaagi iyo xikmadaadi inay maanta ku soo dhamaato halkaas ma ahan wax lagaa filaayay

                      qore :cabdiraxman aallow

Leave a comment