• RSS Somali VOA

    • An error has occurred; the feed is probably down. Try again later.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 49 other subscribers
  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Mareykanku Muxuu U Daneynayaa Inay Maxkamaduhu La Dhisaan Dowlad Dowlada Hada Jirta?????????????


 (January 30, 2007)Sida laga warqabo waxaa 26kii bishii Decembar 2006 ka dhoofay magaalada Muqdisho wafdi ka kooban sadex xubnood oo kala ah: Dr. Ibraahim Xassan Caddow, Daahir Maxamuud Geelle, iyo Jaamac Maxamed Qaalib.

Socdaalka wafdigan ayaa ka dhashay wada hadal ay ku baaqday dowladda Mareykanka,

waxeyna wafdigan dhamaadkii bishii Decembar ku howlanaayeen kulamo is daba joog ah oo ay la lahaayeen mas’uuliyiin Mareykan ah oo uu kamid yahay safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya Michael Ranneberger.

Markii ay dhamaadkii bishii Decembar magaalada Kismaayo oo ugu dambeysay ka gurteen xoogagga Maxkamadaha ayey wafdiga uu horkacayey Dr. Caddow u guureen dalka Yeman, halkaasna ay xarun kumeel gaar ah ka dhigteen,

Ciidamadii Itoobiyaanka ee qabsaday dalka ayaa daba galay xoogaggii Maxkamadaha ee u guuray degaanada Jubbooyinka,

 Halkaasna dagaal faraha looga gubtay kula galay xoogagga xaq u dirirka. Guul darrooyin is daba joog ah oo qabsaday ciidankii Itoobiya ayaa keenay in ay Itoobiyaanku taageero mileteri weydiistaan Mareykanka, halkaasna ay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanku duqeyn is daba joog ah ku qaadeen baadiyaha Jubbooyinka, Continue reading

Fatwada Sh C Faaruuq Ee Ku Aadan Cadowga &Dadka Soo watay


  Halkaan Ka Dhageeyso Iyadoo Cod Ah

SHEEKH CUMAR FAARUUQ: Gaalo Ruuxii U Kaashada Dad muslim Ah  waa Gaal Ruuxii Muslim sheegta ee u kaashada gaalo in uu kula diriro Islaamka iyo Muslimiinta waa gaal,  aysan gaalnimadiisu shaki ku jirin. Sidaa darteed waa in sida gaalada oo kale lala dhaqmaa loolana jihaadaaGaalnimada ay ku sifoobeen adadka noocan ah ayaa ah mid ay dad badan ka gaab sadaan amaba ka cabsoodaan, haba yeeshee arinka waa uu ka duwan yahay sida uu Sheekhu inoo cadaynyo asagoo ka soo naqlinaya nusuusta Diinta Islaamka.Nimanka ay nasuusta sida aan shakiga ku jirin ugu sifaynaso gaalnimada, Continue reading

Diinaari oo Dhaawac qaba oo loo Qaaday nairobi


diinaari.jpg

waxaa maanta rogmaday baabuur uu saarnaa ninkii maalmahaan wajiga u noqday dowlada xabashida wadata  cabdiraxman diinaari waxaa lagu soo waramayaa in dhaawaciisa loo qaaday kenya isaga iyo dhowr suxufiyiin ah oo loo waday in beenta baydhabo taala lagu buunbuuniyo oo la yiraahdo waxaa la dooranayaa gudoomiya cusub oo baarlamaan iyadoo kii horeba ay ka mid yihiin waxyaabaha asaaska u ah shuruudaha ay aduunyada ku xirtay dib u Continue reading

Naceeybkii Xabashida OO U Wareegay Maleeshiyaadka Puntland Kayimid


askari-reer-puntland.jpgcidamada_puntland1.jpg

Qudbadii,Qabyalada cad ku dheehned ee uu jediyey Cabdulahi .Xiligi Carta Dhageyso

Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray inay xabashida isku dayayeen inay xaafadaha galaan  iyagoo hub ayaan baareynaa kadibna ay xaafadaha dhacaan oo ay horey u qaataan waxiiba ay isha saaraan oo cajibiya kadib markii ay la kulmeen iska caabin xoog leh oo waliba lagu weeraro  meelaha ay dagan yihiin lagu wareero kadib waxay isku dayeen meelishiyaad laga keenay puntland oo la lee yeehay waxay yihiin poliskii qaranka ayaa bilaabay inay xaafadaha galaan oo ay dadka dhacaan habeen iyo maalin sida aad ka arki kartid sawirkaan ninka la yiri waa polis  Continue reading

Shacab aan ku Rabin Mala Xukumi Karaa???????



geedi.jpgDhageysoYusuf azhari la taliyaha cabdullahi Yusufoo yiri ithopia waxan u keenay inaan diinta ku badbaadinosu aasha waa maya oo shacabku haduusan ku rabin lama xukumi karo waxaana  u daliil ah taas waxaan wada ognahay maalintii nimanka maxkamadaha ah ay qabsadeen asbuucii koowaad magaalada nabad ayay aheeyd ragii maxkamadaha u sareeyayna waxay ahaayeen dad aanan dadka ka baqeeynin oo meel walba kala hadla dadka iyadoo aanan looga baqeeynin wax ugaarsada magaaladana aan hubka gacanta ku jira la aruurin oo qof walba ay haaysato Continue reading

(1)CABDULLAAHI YUUSUFOW: NINNA CAADADII MA DAAYO!!


                              

yusuf.jpgILAAHEY marka uu qowm halligayo wuxuu ku sallidaa qabqable dagaal oo jaahil ah, naxariisdaran, badow ah oo aan haba yaraatee wax xikmad ah lagu arag xarakaadkiisa. Musiibada lagu salliday Soomaaliya waxaa si sahlan looga dheehan karaa sheegashada madaxtinimo ee Col. Cabdullaahi Yuusuf oo ah nin mar kasta si bareer ah ugu dooda inuu yahay kii billaabay basanbaaska, burburka iyo baa ba’a ku dhacay Soomaaliya
Haddaba intaanan guda-gelin falalka iyo ficillada dagaal-ooge Col Cabdullaahi Yuusuf, waxaan marka hore qooraansaneynaa taariikhdiisa oo kooban:

TAARIIKHDIISA
Subax aroor ah sannadkii 1950-kii ayaa Cabdullaahi Yuusuf oo Geel ka waraabinaya tuulo waqooyi kaga beeggan Gaalkacyo oo ay degaan jufadiisu waxaa loo soo qoray Ciidanka Soomaaliya.

Wuxuu markaa ahaa nin dhallinyaro ah oo Geeljire ah, waxaana saddex bilood ciidammada kaga horreeyey Gen Maxamed Faarax Caydiid. Caadada ciidammada waxaa ka mid ah in askariga cusub ee la soo qoro madaxa laga xiiro. Sidaa awgeed, dadka la socda taariikhda ciidanka waxay sheegaan in Caydiid uu ahaa ninkii u madax xiiray Cabdullaahi Yuusuf Continue reading