• RSS Somali VOA

    • An error has occurred; the feed is probably down. Try again later.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 49 other subscribers
  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Waxaasaa Kaa Raganimo ah Cabdullahi Yusuf inuu Afyaheen u Magaabo Tifaftirahii Idamalle.com Kadib markuu Waajibkiisi Ka soo Baxay


   Tafaftiraha Idamaale.com oo ku caan baxay qoraaladda aan dhexdhexaadka ahayn ee Xagjirnimada ku saleysan mararka qaarkoodna lagu aflagaadeeyo qabaa’iladda qaar ee Soomaaliya ayaa loo magacaabay Xilka Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo uu kala wareegay Bari Bari ooh ore xilkaas u ahaa.

Hadaba sida aan ogsoonahay shaqsigaas ku caan baxay qoraalada xun xun ee uu ku soo daabaco Bogga Idaamale.com, ayaa ah mid magacaabida xilka loo magacaabay sharaf ku dhac ku noqoneysa Warbaahinta Soomaaliyeed.

Isagoo aan ognahay in uu bahdilay sumcada saxaafada, isagoo u adeegsaday magaca saxaafadeed qaabab xun xun, sida adeegsiga qaabeeleedka ah.

Xuseen Maxamed Maxamud Xuubsireed ahna tafaftiraha iyo ninka iska leh shabakada Idamaale.com, ayaa la sheegaa in ay isku laf ka soo wada jeedaan Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf, waana tan kaliya ee loogu dhiibay, iyadoo la ogsoon yahay in sharciga Saxaafada uu meel kaga dhacay.

Dadka qaarkood ayaa waxa aamisan yihiin inuusan aheyn Nin u qalma jagadaas ama Nin ku hadli kara magaca aqalka Madaxtooyadda ama magaca Ummadda Soomaaliyeed.

Magacaabistan ayaa ah mid dhaawac culus gaarsiineysa Sharafta iyo Karaamada Saxaafada iyo ixtiraamka loo hayo xafiiska madaxwenaha, Iyo Xiriirka la doonayo in la la sameeyo bulshadda soomaaliyeed.

Shabakada Idaamale.com ayaa ah mid soo daabaceysa hadalo xaqiiqda ka fog, iyadoo sheegi jirtay in dad aan dhiman ay tiraahdo wey geeriyoodeen, waana mida ay dadka ula yaabaan shabakadaas ku caan baxday hadalada xaqiiqda ka fog

Waxaan ognahay in Xafiiska Madaxweynaha uu baahi weyn u qabo in lagu sameeyo dayactir xagga isgaarsiinta iyo xiriirka bulshadda Soomaaliyeed. Waxaase naxdin iyo murugaba leh in Xuseen Maxamed Maxamud (Xuubsireed) ahna tafatiraha iyo ninka iska leh shabakada Idamaale.com loo magacaabp afhayeenka Madaxtooyada dad badan oo ka tirsan shacabka Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyey arinkaas waxa ayna ku tilmaameen mid aan laga fiirsan oo ummadda Soomaaliyeedna sii kala fogeynaysa.

 hadaba halkaan riix hadaad rabto inaad ogaato inuu yahay qofka tifaftiraha idamaale waqtigii la sameeyay meeshii lagu sameeyay iyo qofka sameeyay

  FaahfaahintaIntaRiix

Leave a comment