• RSS Somali VOA

    • An error has occurred; the feed is probably down. Try again later.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 49 other subscribers
  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Damaca Cabdullahi Yusuf Ee Shirka Dib U Heshiisiinta!!!!!!


Markii ay ciidamada gumeysatada madow xoogga ku qabsadeen Jamhuuriyadda Soomaaliya dhamaadkii bishii diseembar, waxaa kooxda Mbagathi u muuqatay rajo aheyd  inay maamuli karaan dalka oo dhan, ayna yihiin awooda kaliya ee kusoo hartay masraxa siyaasaddeed ee Soomaaliya, maadaama meesha laga saarey maamulkii MMIS, sidaas-dareteedna ay dunida reer galbeedka ka heli doonaan taageero dhaqaalle iyo mid siyaasadeed oo u suurta galisa inay noqdaan awoodda  kaliya ee dalka  wax laga waydiiyo, waxayna Cali Geeddi iyo Korneyl C/llaahi Yuusuf si hal-haleel ah u tageen magaalada Muqdisho si  ay caalamka  u tusaan in ay gacanta ku hayaan dalka oo dhan,  waxayna kulamo siyaasaddeed ku qabteen xaruntii madaxtooyada  ayagoo munaasabado badan ka sheegay inaysan diyaar u aheyn wax dib u heshiisiin ah inay lagalaan xooggaga kasoo horjeedey,  ayagoo adeegsadey erayo jeesjees ah.

Ayadoo maanka lagu hayey in diidmada C/llaahi iyo Geeddi  ee dib u heshiisiintu tahay mid  dhalanteed  ah oon aan dhab ku salaysnayna ogaa awooda ay ku faanayeen inay ahayd tan Itoobiya,  ayaa haddana waxaa muuqatay in labadii todobaad ee ugu horeysay  qabsashadii dalka, in beesha caalamka  iyo Soomaaliduba  madaxa hoos u raariciyeen  si bal loo eeggo halka ay u tallaabsadaan,  iyadoo dhanka kalena laga Continue reading