• RSS Somali VOA

    • Howlgal ka Dhan ah Al-Shabaab oo ka Dhacay J/Hoose December 9, 2016
      Ciidamada amniga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa maanta hawlgal ka sameeyey deegaan ku yaalla dhinaca waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo.
    • DF Somalia oo ka Hadashay Joojinta Xoolaha December 9, 2016
      Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay heshay warqad ka timid dhinaca Sucuudiga oo sheegaysa in si ku meel-gaadh ah ay u joojiyeen dhoofka xoolaha Soomaalida iyagoo taasina ay u sababeeyey arrimo caafimaad.
    • Barnaamijka Faaqidaada: Doorashooyinka Soomaaliya December 9, 2016
      Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay doorashooyinka labada Aqal ee Soomaaliya ka socda iyo tan madaxweynaha ee la filayo in dhamaadka bishan lagu qabto caasimada Soomaaliya.
    • Waqti Cusub oo Loo Qabtay Doorashada Madaxweynaha Somalia December 9, 2016
      Go'aankan ayaa waxaa lagu gaaray shir ay lahaayeen madaxda Madasha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya oo shalay lagu soo gebogebeeyey magaalada Muqdisho.
    • Shacabka oo Dib ugu Laabanaya Qandala December 9, 2016
      Dadweynihii horey uga cararay magaalada oo muddo bil iyo 12 cisho ah ay haysteen maleeshiyada Daacish ayaa iminka billaabay inay magaalada dib ugu soo laabtaan.
    • Djibouti oo Dib u Celineysa Qaxooti Ethiopian ah December 9, 2016
      Dawladda Djibouti iyo hay’adaha qaabilsan muhaajirtiinta ayaa billaabey iney ka dhoofiyaan garoonka diyaaraddaha ee Djibouti dad tahriibayaal ah oo u dhashey Ethiopia oo laga so celiyey dalka Yemen.
    • Baarlamanka K/Koonfureed oo Xilka Ka Qaaday Madaxweynaha December 9, 2016
      Golaha Qaranka Korea-da Koonfureed ayaa u codeeyey in xilka laga qaado madaxweynaha dalkaas Park Geun-hye.
    • Sacuudiga oo Hakiyey Xoolihii Soomaaliya December 8, 2016
      Qaar ka mida ganacsatada Xoolaha ee ku sugan magaalada Jeddah ayaa VOA la wadaagay qoraal ay sheegeen in lagu hakiyey xoolihii ka iman jiray Soomaaliya.
    • Shirka Madasha oo Maalintii Labaad ka Socda Muqdisho December 8, 2016
      Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shir ay leeyihiin hoggaamiayaasha madasha oo iyagu ka dooddaya arrimaha doorashada Soomaaliya.
    • 10 Qof oo Ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Goof-Gaduud December 8, 2016
      In ka badan 10 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dagaallo maanta duleedka magaalada Baydhaba ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda Somalia iyo maleeshiyada Al-Shabaab.
    • Kenya oo Lagu Eedeeyey Dilal Sharci Darro Ah December 8, 2016
      Urur aan dowli ahayn oo lagu magacaabo Haki Afrika ayaa ku eedeeyey ciidamada ammaanka Kenya inay fuliyeen tobaneeyo dilal aan sharci ahayn oo ay u geysteen dad la waayey intii u dhaxeysay 2012 illaa 2016, kuwaas oo muslimiin ah.
    • Ilhan Omar oo Sheegtay in La Handadey December 8, 2016
      lhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhawaan loo doortey aqalka wakiilada ee gobolka Minnesota ayaa sheegtay inuu handadey wadihii taksi ay raacday.
    • Natiijada Doorashada Ghana oo Maanta La Shaacinayo December 8, 2016
      Afhayeen u hadlay guddida doorashada ee dalka Ghana ayaa sheegay in guddigu ay maanta bilaabi doonaan sii daynta natiijada doorashadii madaxweynaha iyo tii baarlamaanka ee dalkaas ka dhacday, waxayna ku baaqeen in xaaladda la dejiyo.
    • Ciidamada Puntland oo Qabsaday Qandala December 7, 2016
      Ciidamada Puntland ayaa maanta dib u qabsaday magaalada Qandala ee Gobolka Bari oo ay muddo ku dhow 40 malamood haysteen maleeshiyada taabcsan ururka Daacish.
    • Waraysi: Siyaad Maxamuud Cali December 7, 2016
      Xafiiska Senator Amy Klobuchar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee ay Soomaalidu degto ayaa sheegay inay soo gaadhay baaqyada ka imanaya Soomaaliya ee ku saabsan abaarta ku dhufatay degaanno ka mid ah Soomaaliya.
    • Muqdisho: Kulan Looga Hadlay Tacaddiyada Haweenka December 7, 2016
      Sanad walba, laga soo bilaabo 25-ka November oo ah maalinta caalamiga ah ee dabar goynta tacadiyada ka dhanka haweenka ilaa iyo 10-ka December oo ah maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda aadanaha, waxaa dunida lagu qabtaa mashaariic lagu taageerayo haweenka iyo wacyigelin ku aadan tacadiyada dhinaca Jinsiga ah. Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho ayaa […]
    • Obama oo Jeediyey Khudbadda Amniga Qaranka December 7, 2016
      Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa shaley jeediyey khudbadiisii ugu danbeysey ee ammaanka qaranka.
    • Somaliland: Shir Looga Hadlayo Doorashooyinka oo Furmay December 7, 2016
      Shir lagu lafa gurayo geedi socodka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ka furmay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.
    • Norway: Wiil Loo Qabtay Dilka 14 Jir Soomaali ah December 7, 2016
      Booliska dalka Norway ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen wiil 15 sano jir ah oo labo maalmood ka hor dil u gaystay wiil Soomaaliyeed oo 14 sano jir ah oo lagu magacaabay Yacquub Cabdullahi Xasan.
    • Mareykanka oo Ka Digay u Safarka Ethiopia December 7, 2016
      Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sii wadda inay muwaadiniinteeda uga digto halista uga iman karta u safarka dalka Ethiopia.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 45 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Fatwo Ay Soo Saareen Ku Dhowaad 30 Ka Mid ah Cullimada Waaweyn Ee Soomaaliya Ayaa Dadka Looga Digay Manhajka Sh Xassaan oo Lagu sheegay in uu Yahay Takfiiriga


xasaanQaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata

 

 

Jaamacadda islaamiga ah ee Al-Madiina ayaa su,aal ay soo-

 

 

waydiiyeen culimada soomaaliyeed Ee magacyadoodu hoos ku qoran

 

 

 

yihiin oo ku saab sanayd manhajka uu aaminsanyahay Xassaan Xusseen ayaa waxa ay u qornayd sidan .

إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها

من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن

محمدا عبده ورسوله وبعد:


Horudhac:

Xilli kasta waxa uu allaah u doortay diintan culimo caadiliin ah oo ka ilaalisa marin habaabinta kuwa xadgudbsan,iyo been abuurka kuwa baadilka ku sugan iyo qaloocinta kuwa jaahiliinta ah, sidoo kale waxaa allaah ina faray in aynu culimada u celino wixii ku saabsan arimaha Diinta sida Allaah uu yidhi ( )فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون maxaa yeelay culimadu waa halka ay ummaddu u cararto waqtiyada fitanku dhacaan xaqqa iyo baadilkuna is dhex galaan.

Sidaa daraadeed haddii aanu nahay ardayda wax ka barata jaamaccadda islaamiga ah ee Al-madiina , anaga oo culimadayada soomaaliyeed u hayna ixtiraam iyo jacayl aan la sifayn karin diintuna ay ina farayso in la jeclaado oo la ixtiraamo kuwa allaah ku nooleeyay manhajka salafka , sababna uu uga dhigay inay ku hanuunaan dad aan tiradooda la soo koobi karin, allaah waxaan u waydiinaynaa in uu khayr kaga abaal mariyo culimadeena dadaalka dacwadeed ee ay ummadooda u hayaan

Su,aasha:????

Culimadayada sharafta mudan: waxa aan idinka qarsoonayn waxyaabaha uu Xassaan Xuseen ku faafiyo muxaadaraadkiisa iyo duruustiisa kuwaas oo meel ka dhac ku ah culimada iyo ardayda soomaaliyeed ee cilmiga diinta ku

Halgan.net

hawlan ,Ummaddooduna uga markhaati kacday khayr iyo wanaag, ilaa xad uu gaadhay arinkiisu in uu si badheedh ah ula jahro gaalaysiinta culimada ka dib markii uu soo dhameeyay dhaleecayntooda iyo caydooda kuna xukumay fisqi iyo inay yihiin )ءوس رابحأ وأ ءوس ءاملع( .(culimo xunxun)

Qaar ka mid ah cajaladihiisa waxa uu ku yidhi: ( Jamaacada Al-Ictisaam agtayda waxa ay ka yihiin koox gaalo ah oo diinta ka ridawday , waxaana loola macaamilayaa sida dadka ridooba), waxa uu ula jeedaa hadalkan jamaacada la yidhaahdo Al-Ictisaam Bilkitaabi Wasunnah oo ay ka mid yihiin badanka culimada salafiyiinta ah ee soomaaliya, sidoo kale waxa uu ku sheegay cajaladihiisii ugu dambeeyay in lagula dagaalamo oo lagu laayo culimadaas meel kasta . )في الحل والحرم(

Qaar ka mid ah cajaladihiisa Waxa uu ku dooday inuu banaanyahay dilka qof caalim ah haddii fasaadkiisa lagu joojinayo in la dilo , waxaana uu sheegay in ka wax dilay mujaahid yahay ka la dilayna shahiid yahay ( )يكون

قاتله مجاهداً والمقتول شهيداً !!!!

waxa uu gaalaysiiyay cid kasta oo ku hoos nool goobaha ay ka taliyaan maamulada riddoobay – waa sida uu hadalka u dhigaye- tusaale ahaan goobaha uu ka taliyo sheekh shariif, madaxwaynaha dawladda ku meelgaadhka ah, maamullada Puntland,S/land,iyo soomaali galbeed xukunkaasna kuma kala saarin haba yaraatee ruux caalim ah iyo mid caammi ah toonna , ha aaminsanaado waxa ay aaminsanyhiin maamulada uu gaalaysiiyay ama yaanu aaminsanaane –waa sida uu sheegtaye.

Hadaba su,aashayadu waxa ay tahay:

 Muxuu yahay manhajka ninkaasi?

 Waa maxay mawqifka sharcigu ka qabo?

 Waa maxay xukunka in la dhegaysto cajaladihiisa iyo duruustiisa?

Halgan.net

Jawaabta Culimada:

بسم الله الرحمن الرحيم، الحمد لله ، والصلاة والسلام على رسول الله ، وعلى آله وأصحابه أجمعين ،

وبعد

Culimadu waxay in badan u kuur galeen waxyaabaha ka soo fulay ninkaa la sheegay kuwaas oo isugu jira masaa,il iyo fataawooyin xag jira iyo weliba arimo kale oo munkar ah ayna ka mid yihiin kuwan hoos ku qoran:

1. wuxuu gaalaysiiay si aan kala reebis lahayn qabaa,il soomaaliyeed isaga oo magacyadooda ku sheegay cajaladihiisa

2. wuxuu gaalaysiiyay dhamaan muslimiinta ku nool goobaha ay ka taliyaan xukuumadaha uu ku tilmaamay inay diinta ka riddoobeen

3. wuxuu baneeyay dhiiga culimada ku khilaafsan ra,yigiisa gaalaysiinta iyo fahamka jihaadka isaga oo xujjo ka dhiganaya in fasaadkooda la horistaagayo

4. wuxuu ku gaalaysiiyay culimada iyo ducaadda qaar ka mid ah jamaacaadka islaamiga ah arimo ismoodsiis iyo male awaal ah

5. wuxuu booriyay gaalaysiinta dadka iyo fududaynteeda ,iyo weliba in albaabkeeda loo furo guud ahaan ardayda iyo dadwaynaha kaleba arinkaas oo ay ka dhalatay in lagu ciyaaro xaqqa laguna dhiirado khalqiga.

6. wuxuu booriyay dilka culimada iyo ducaadda khilaafsan ra,yigiisa meelkasta oo ay joogaan.

7. wuxuu caadaystay cayda iyo aflagaadada culimada iyo ducaadda iyaga oo uu ku tilmaamayo inay yihiin jawaasiis iyo adeegayaal shisheeye.

8. wuxuu ku caanbaxay ku ciyaaridda aqwaasha culimada sida in wax laga jaro hadalkooda ama lagu siyaadiyo ,la kala hor mariyo ama la kala dib dhigo laguna masabido culimada wax aanay sheegin.

Halgan.net

Ka dib markii ay culimadu baadhis xeel dheer ku sameeyeen manhajka ninkaas magaciisu kor ku xusan yahay gaar haan masaa,ilka ( الأسماء

والأحكام ) waxaa u cadaatay in manhajkiisu yahay manhajka khawaarijta fogaatay ee xadka ka talawday kuwaas oo wax ku gaalaysiiya waxaan gaalnimo ahayn, isla mar ahaantaana aan raacin dabarada ( dawaabidda) sharcigu u dejiyay gaalaysiinta iyo waxa lagu gaaloobo, fududaystana dhiigga iyo xurumaadka kale ee muslimiinta iyo culimadooda.

Ninkani waxa uu ka mid yahay kuwa sunnada ka baxay khilaafka uu khilaafay daraadii iyo ka bixitaanka uu dibada uga baxay, sidoo kale waxa uu ka mid yahay kuwa ummadda ku baxay gaalaysiin tooda iyo banaysiga dhiigooda daraadeed sida ku sugan xadiiska muslim weriyay :

).. ومن خرج على أمتي يقتل برها وفاجرها ، ولا يتحاشى من مؤمنها ، ولا يفي لذي عهد عهده،

فليس مني ولست منه.(

Qofkii ku baxa ummaddeyda oo oo dila midkeeda wanaagsan iyo keeda xunba, isaga oo aan ka dhowrsaneynin mu’minkeeda, mid ballan lahaana aan ballantiisii u oofinineynin, iga mid ma aha aniguna ka mid ma ihi.

قال شيخ الإسلام ابن تيمية رحمه الله : والخوارج هم أول من كفّر المسلمين،يكفرون بالذنوب – –

)972/ ،ويكفرون من خالفهم في بدعتهم، ويستحلون دمه وماله")مجموع الفتاوى 3

Sheekhul islaam ibnu taymiyah alle ha u naxariistee wuxuu yidhi: khawaarijtu waa dadkii ugu horreeyay ee muslimiinta gaalaysiiya, waxay dadka ku gaaleysiiyaan danbiyada, waxaa kale oo ay gaaleysiiyaan ciddii bidcadooda ku khilaafta, waxayna banneystaan dhiiggeeda.

وقال ايضا : " وهم أول من كفّر أهل القبلة بالذنوب ، بل بما يرونه من الذنوب، واستحلوا دماء اهل

)184/ القبلة بذلك ")مجموع الفتاوى 7

Sidoo kale wuxuu yidhi khawaarijtu waa kooxdii ugu horreysay ee dadka qiblada u tukada danbiyo ku gaaleysiiyay,ama wax ay iyagu danbi u arkaan ku gaalaysiiyay, dhiiggoodana sidaas ku banneystay.

وقال أيضا : ولهم خاصتان مشهورتان فارقوا بهما جماعة المسلمين وأئمتهم :

أحدهما : خروجهم عن السنة وجعلهم ما ليس بسيئة سيئة، أو ما ليس بحسنة حسنة، وهذا الذي أظهروه

في وجه النبي صلى الله عليه وسلم حيث قال له ذو الخويصرة التميمي : اعدل فإنك لم تعدل .. .

Halgan.net

الثاني : أنهم يكفرون بالذنوب والسيئات، ويترتب على تكفيرهم بالذنوب استحلال دماء المسلمين

.)79/ وأموالهم ، و أن دار الإسلام دار حرب ، و دارهم دار إيمان " ) مجموع الفتاوى 42

Sidoo kale wuxuu yidhi: khawaarijtu waxay leeyihiin labo arrimood oo ay gaar la yihiin oo ay kaga bexeen jamaacada muslimiinta iyo madaxdoodaba:

1. waxay ka bexeen sunnadii iyaga oo wax aan danbi aheyn danbi ka dhigay, ama wax aan wanaag aheyn wanaag ka dhigay, arrinkaasina waa midkii ay nabiga ula badheedheen, markii uu dulkhuweysira al tamiimi ku yidhi : ( caddaalad samee caddaalad maadan sameynine)…

2. waxay wax ku gaaleysiiyaan danbiyada iyo gafafka, waxayna arrintaas ka dhaliyaan inay banneystaan dhiigga muslimiinta iyo xoolohoodaba, iyo in daarta islaamku tahay daar xarbi ( dagaal) daartooduna ay tahay daar iimaan ( nabad galyo)

وقال عنهم أيضا :" .. فإنهم يعتقدون رأيا هو خطأ وبدعة ويقاتلون الناس عليه، بل يكفرون من خالفهم

، فيصيرون مخطئين في رأيهم ،وفي قتال من خالفهم أو تكفيرهم ولعنهم ، وهذه حال عامة أهل

الأهواء كالجهمية … إلى قوله : والخوارج المارقون أئمة هؤلاء في تكفير أهل السنة والجماعة وفي

. )635/ قتالهم ")منهاج السنة 1

Waxaa kale oo uu yidhi : waxay caqiideysanyihiin aragti khaldan iyo bidco, haddana dadka ayey kula dagaalamayaan, waliba waxey gaaleysiinayaan ciddii khilaafta, sidaa daraadeed caqiidadoodu waa khalad waxaa kale oo ay ku khaldanyihiin in ay la dagaalamaan ciddii khilaafta, iyo inay gaaleysiiyaan ama lacnadaan, arrintaasna waxaa lagu yaqaannaa dhammaanba dadka hawa raaca ah sida jahmiyada…. Ilaa uu ka yidhi: khawaarijta diinta ka dhex baxday ayaa kuwaas madax ugu ah gaaleysinta ahlu sunnaha iyo la dagaalankoodaba.

وقد ذكر شيخ الإسلام أيضا أن تسليط العوام كما يصنع المذكور على تكفير العلماء من أصول – –

176 (:"… ثم هو مع هذا بين أن علماء المسلمين / الخوارج فقال بعد كلام )الفتاوى الكبرى ) 3

المتكلمين في الدنيا باجتهادهم لا يجوز تكفير أحدهم بمجرد خطأ أخطأه في كلامه، وهذا كلام حسن

تجب موافقته عليه؛ فإن تسليط الجهال على تكفير علماء المسلمين من أعظم المنكرات؛ وإنما أصل

هذا من الخوارج والروافض الذين يكفرون أئمة المسلمين؛ لما يعتقدون أنهم أخطئوا فيه من الدين، وقد

اتفق أهل السنة والجماعة على أن علماء المسلمين؛ لا يجوز تكفيرهم بمجرد الخطأ المحض … اه.

Mar kale waxa uu sheekhu sheegay: in caammada oo lagu sallido gaaleysiinta culimada – waa sida uu yeelo ninka la soo sheegaye- ay ka mid tahay usuushii khawaarijta, wuxuuna yidhi: haddana waxa uu caddeeyay in ayna bannaaneyn in lagu gaaley siiyo culimada muslimiinta

Halgan.net

ee ka hadla arrimaha ijtihaadiga ah, gaf ka dhacay daraaddii, hadalkaasina waa hadal wanaagsan oo in lagu raaco ay tahay.

Maxaa yeelay in dadka jaahiliinta ah lagu sallido culimada gaaleysiin tooda waxay ka mid tahay munkaraadka waaweyn,waliba waa asal ka mid ah usuusha khawaarijta iyo raafidada ( shiicada) ku gaaleysiiya madaxda muslimiinta waxyaabo ay la tahay in ay ku gafeen oo diinta ka mid ah, ahlusunnuhuna waxay isku waafaqsanyihiin in aanay bannaaneyn in culimada muslimiinta lagu gaaleysiiyo gaf kaliya.

Sidaa daraadeed culimada magacyadoodu hoos ku qoran yihiin waxa ay cadaynayaan iyaga oo arrintaas uga jeeda u naseexaynta ummadooda ah iyo ilaalinta diinta arrimahan soo socda:

1- manhajka ninka magaciisu kor ku xusan yahay waa manhajkii khawaarijta ee kulminayay in diinta iyo aduunkuba fasahaadaan ,waxaana waajib ah in laga digo

2- ma banana in la cuskado waxyaabaha uu culimada ka soo guurinayo ilaa laga hubiyo masaadirteeda asliga ah , maxaa yeelay amaano ma laha lagumana kalsoonaan karo.

3- Ma banana in laga ganacsado cajaladihiisa iyo kutubtiisa xambaarsan masaa,ilka iyo aqwaasha munkarka ah ee la soo sheegay

4- Sharci ahaan uma banana ardayda yaryar iyo dadka caammada ah inay dhagaystaan duruustiisa iyo cajaladihiisa iyo inay akhristaan qoraaadiisa toona, sidoo kale waxaan banaanayn in masaajidda muslimiinta gacanta loo geliyo ama loo fasaxo si aanu dadka muslimiinta ah caqiidadooda uga fasahaadin.

5- Culimadu waxay dusha ka saarayaan ninka la soo sheegay inuu mas,uul ka yahay in badan oo ka mid ah waxyaabaha soomaaliya ka dhacaya ee ay ka midka yihiin dilka culimada iyo dadka aan waxba gaysan sababna waxaa u ah in arimahaasi dhacaan fataawihiisa guracan ee xaqqa baalmarsan.

6- Culimadu waxay ugu naseexaynaysaa ninkaas in uu ilaahay u toobad keeno oo ka gaabsado gaalaysiinta muslimiinta iyo banaynta dhiigooda, sidoo kale culimadu waxay ugu naseexaynayaan qaraabada iyo ehelka ninkaas inay gacmihiisa qabtaan oo ka celiyaan dhibaatada uu umadda muslimiinta ku hayo.

Halgan.net

Arimahaas oo dhamina waxay ka mid yihiin oo soo guda gelayaan hadalka alle iyo rasuulkiisa ee ahaa.

وتعاونوا على البر والتقوى ولا تعاونوا على الإثم والعدوان، وقوله، صلى الله عليه وسلم: انصر أخاك

ظالما أو مظلوما ، قالوا : هذا المظلوم ، فما بال الظالم ؟ قال : تحجزه عن الظلم . وقوله، صلى الله

عليه وسلم : الدين النصيحة . قلنا لمن ؟ قل : لله ولكتابه ولرسوله ولأئمة المسلمين وعامتهم .

وصلى الله وسلم على نبينا محمد وعلى آله وأصحابه ومن تبعهم بإحسان إلى يوم الدين

Magacyada Culimada saxiixay:

1. sh. Maxamed cabdi Umal

2. sh.C/raxmaan maxamed Qayliye

3. sh. Cali Warsame xasan

4. sh Maxamuud Ciise Maxamuud

5. sh. C/qaadir Nuur faarax

6. sh. Yuusuf Aadam Muxamad

7. sh. Daahir aw cabdi yuusf

8. sh. Axmad daahir xasan xuseen

9. sh. C/raxmaan Sheekh Cumar

10. sh. C/naasir xaaji Axmad

11. sh. Maxamuud sh.Maxamed Shibli

12. sh. Muxamad Idiriis Axmed

13. sh. C/laahi Sheekh Nuur

14. sh. Maxamuud Xaaji yuusuf

15. sh.Axmad maxamed Sulaymaan

16. sh.C/laahi daahir Jaamac (baashe)

17. sh. Maxamuud Sh. Axmed Xasan ( Ubuu shayba)

18. sh. C/raxmaan Maxamed Cilmi (Abyad)

19. Dr.C/rasaaq maxamuud takar

20. Dr.maxamuud C/raxmaan Maxamed (Hoori)

21. Dr.C/raxmaan sh.C/laahi Cumar

22. Dr.C/laahi Xasan Ibraahiim

23. Dr.Haaruun sheekh Xuseen

24. Dr.Aadam sheekh cali saalax

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: