• RSS Somali VOA

    • Marcelo oo Loo Heysto Eedeymo Canshuuro La Xiriira October 17, 2017
      Xiddiga Real Madrid, Marcelo, ayaa masuuliyiinta Spain waxay ku eedeynayaan in uu ku lug yeeshay wax isdaba marin xagga canshuuraadka ah oo ku dhow €490,000 (£436,000; $576,000).
    • Leicester City oo Erisey Tababarihii Kooxda October 17, 2017
      Leicester City ayaa shaqadiika erisay tababarihii kooxdaaasi Craig Shakespeare, afar bil uun ka dib markii uu saxiixay heshiis seddex sano ku kacayay.
    • Gurmad ku qulqulaya magaalada Muqdisho October 17, 2017
      Waxaa sii socda gurmadka caalamiga ah ee gaaraya magaalada Muqdisho, iyadoo ay maanta gaareen dayuurado sida dawo iyo qalab caafimaad, kuwaa oo qaakood dib u qaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa Muqdisho.
    • Aqalka Cad oo Cambaareeyay Qaraxii Muqdisho October 17, 2017
      Waxaa isa soo taraya cambaareynta caalamiga ah ee loo soo jeedinaya kuwi ka danbeeyay qaraxi uu dhiiga badani ku daatay ee 14-ki October.
    • Puntland oo ka qeyb galeysa gurmadka Muqdisho October 17, 2017
      Maamulka Puntland ayaa sheegay inay dayuurad iyo dhaqaatiir u soo dirayaan Muqdisho, si ay uga qeyb qaataan gurmadka dadkii ku dhaawacmay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Muqdisho. Wariyeheenna Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan ka soo dirtay magaalada Boosaaso.    
    • Amina Maxamed oo ka hadashay Qaraxa Muqdisho October 17, 2017
      Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Aamina Maxamed ayaa ka hadashay kaalinta Kenya ee gurmadka loo fidinayo dadkii wax ku noqday qaraxii Muqdisho. Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay 281 qof, waxaana ku dhaawacmay dhowr boqol oo kale. Wariyeheenna Yaasiin Ciise Wardheere ayaa warbixintan ka soo diray Nairobi.  
    • Minnesota: Xus Loo Sameeyay Dhibbanayaashii Weerarka Zoobe October 17, 2017
      Munaasabad loogu baroor-diiqay dadki ku dhintay weerarki 14-ki bishaan October ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnasota.
    • Qaar Ka Mid ah Dhaawacyadii Muqdisho oo la geeyey Turkiga October 17, 2017
      Dhaawacyada 35 ruux oo ka mid ahaa dadki si daran ugu dhaawacmay weerarki Sabtidi hore ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay fiidkii ka dagay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.
    • Kulamada Caawa ee Tartanka Yurub October 17, 2017
      Waxaa caawa dib u bilaaban doona koobka kooxaha horyaalada Yurub ee Eufa Champions League.
    • Milan: Montella Meelna Uma Socdo October 17, 2017
      Maamulka sare ee kooxda AC Milan ayaa ku hagoogtay tababaraha naasigaasi Vincenzo Montella kadib marki ay kooxda ku jabtay kulanki ay Axadi la dheeshay naadiga ay aadka u xafiiltamaan ee Inter Milan.
    • Leicester 1-1 West Bromwich October 16, 2017
      Ciyaar xiisa laheyd oo caawa dhex martay kooxaha Leicester City iyo West Bromwich Albion ayaa kusoo dhamaatay barbarro 1-1.
    • Warbixin: Aabbe laba ilmo ku waayey qaraxii Muqdisho October 16, 2017
      Aabahan ayaa qaraxa ku waayey 2 canug oo uu dhaley oo gadeyey tabakaayadii uu ku gadanayey ganacsiga markii qaraxa uu dhacayay.
    • Jabuuti oo dhaqaatiir usoo dirtay Muqdisho October 16, 2017
      Dhakhaatiir iyo xirfadlayaal kale oo caafimaad oo ka socda dalka Jabuuti ayaa maanta yimid magaalada Muqdisho, si ay u caawiyaan dadkii ku dhaawacmay qaraxyada.
    • Fallanqeyn: Maxaa laga baran karaa qaraxii Muqdisho? October 16, 2017
      Su’aalahaas iyo kuwo kale ayaa Haaruun Macruuf uu hordhigay Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi oo horeyna usoo noqday agaasimaha nabad-sugidda  Soomaaliya iyo Cabdi Xasan Xuseen Cabdi Yare oo isna horey usoo ahaa madaxa sirdoonka ee Punland.
    • Somaliland oo cambaareysay Qaraxii Muqdisho October 16, 2017
      Xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada siyaasadda, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaanay tacsi u direen shacabka ay waxyeelladu soo gaadhay iyo dawladda Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo VOA la hadlay ayaa qaraxyadaasi ku til […]
    • App-ka Cusub ee VOA laga Dhageysto. October 16, 2017
      Dhageysayaasha VOA waxaa loogu bishaareynayaa in VOA Somali ay soo saartay app cusub oo bilaash ah oo lagu shuban karo taleefonnada, tabletyada iyo aaladaha kaleba.
    • Qaar ka mid ah dhaawacyadii Muqdisho oo loo qaaday Turkiga October 16, 2017
      Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii magaalada Muqdisho ka dhacay 14-kii October ayaa maanta loo qaaday dalka Turkiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.
    • Dadkii ku dhintey qaraxii Muqdisho oo gaarey 276 qof October 16, 2017
      Wasaarada Warfaafinta ayaa warsaxaadeed ay soo saartey ku sheegtey in dhimashadu tahay 276 halka dhaawacana uu gaarayo 300 oo qof.
    • Wareysi: Shan Wiil oo Hal Qoys ah oo Ku Dhintay Weerarkii Muqdisho October 15, 2017
      Dadka kale ee dhintay waxaa ka mid ah qoys ay ka baxeen shan qof kuwaasi oo iskugu jiray laba wiil oo wada dhalatay iyo laba wiil oo kale oo ay abtiyaal u ahayeen oo iyagu laftoodu wada dhashay.
    • Bannaanbax Ka Dhan ah al-Shabaab oo Muqdisho ka Dhacay October 15, 2017
      Waxa xilligii fiidka ee magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay banaanbax ay dhigayeen dadweynaha magaalada muqdisho.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Wafdi uu Hogaaminayo Ugaaska G/jecel oo Maanta Muqdisho Soo Gaaray


DSCN0527-2Muqdisho: Wafdi uu Hogaaminayo Ugaaska Beesha G/jecel Ugaas

 

 

 

C/raxmaan Ugaas C/llaahi Ugaas Muxumad ayaa maanta ka soo dagay

 

 

 

Garoonka Aadan Cabdulle int airport Wafdigan oo ka yimid Gobollada

 

 

 

Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa Airporka Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirro, Xildhibaanno, Culumaa’udiin, Odayaal dhaqameed, Dhallinyaro wax garad iyo Haweenka Beesha G/jecel iyo Beelo kale oo ay walaalo yihiin  intaas kadibna wafdiga Ugaaska ayaa loo galbiyay

Hoyga wasiirka Wasaaradda Biyaha,Tamarta, Patroolka Kheyraadka iyo Macdanta Dr C/qaadir Dhicisiow

 

 

 

Halkaasoo Xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyay Ugaaska iyo Wafdigii la socday Goobtii ay Munaasabada

 

 

 

Soo dhoweynta ah ka dhacaday ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Madaxdii ka soo Qeyb gashay oo ay

 

 

 

Ka mid ahaayeen Xildhibaan Muuse Nuur Amiin iyo Xildhibaan Xildhibaan Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne

 

 

 

Kuwaasoo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay soo gaareen Wafdiga ugaaska oo maalmahan la sugayay

 

 

 

Xildhibaan Muuse Nuur Amiin ayaa sheegay in Ugaaska looga baahan yahay howl adag firfircooni iyo Cadaaladna

 

 

 

Ay ku dheehan tahay uuna ku dadaalo sidii ay beesha uu ugaaska u yahay uga qeyb qaadan laheyd

 

 

 

Geedi socodka Nabada dhinaca kale Xaaji Cusmaan Cadaawe Aadan oo kamid ah odayaasha Dhaqanka Beesha G/jecel

 

 

 

Ayaa sheegay in ay maanta farxad weyn ay u tahay odayaasha dhaqanka iyo dhamaan wax garadka beesha

 

 

 

in ay yimideen wafdigii Ugaaska oo ay maalmahan oo dhan sugayeen Ugaaska C/raxmaan Ugaas C/laahi

 

 

Ugaas Muxumad oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu u yimid ka qaybgalka shirka Odayaasha

 

 

Dhaqanka oo haatan ka socda magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay inuu ku dadaalli doono inuu u cadaallad falo

 

 

 

dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada uu Ugaaska u yahay isagoona sheegay in uu mar walba qaadan doono talada ay G/jecel isku raacaan

4 Responses

  1. ruunkanet’dow waxaan maqli jiray odaga maxaad ku ogeed indho la’an hadana dadcunis bu ku darsaday !!!!! ewelbaad gaaljcel kalla disheen hadana ilmo ugaas cabdullaahi inaad kalla dishaan miyay idinka maresa !!!!! indr adiga iyo kuwa meesha kuqaran iyo kuwa kallo badan gaaljecel idinka dharagsan waxaa tihiin kawa gaaljecel kadhigay looma ooyan inlagu tilmaamo ow dhulbahan gabyaya isku tilmaamo sida loduleeyay inu gaaljecel lamid noqday ciilow way adinka gaaljecel u macada …. waxaad tihiin carte kuwi iibsadau 2bo kamida 6di kursi ee gaaljecel loqondeyay ciiloow way … ya idinka iibsaday QANYARE o tolkiisa murusade u sad badinayay !!!! waxaan dawaday univeral tv dod adiga nin xawadla ah kkkk wadadashay laakiin waqti idhaafi baad so bararuktay. waxaad tihiin kuwi goamiyay hiiraan in north iyo south lo qeybiyo ayado weligeedba qeyb saneed, waxaad tihiin kuwo arimaha gudaha so maray e aan hal degmo gaaljecel u sameen . aaloow alle waxaad tihiin kuwo haday maxakiin iyo shariif hoosjegenba gaaljecel ka ilaaliya tolkood inay madaxa so qaadan, allow alle …. kanna waxaad isledihiin dhiigshiilte yaalow ha idinku so darro barlamanka ,,,,, waxaad tihiin kuwa gaaljecel ciilka iyo ceebta u huwanyahy lo wakiisho reerkaas yusan madaxa so qaadin wax ku qaata shaqale ba tihiin kama hadli kartaan meel ragga asagaagin kahadlay. adinko frm hiran ila cirif ugu danbeye e juboyinka ciilow way waxaad tihiin kuwi qalinka ku jiiday gaaljecelka juboyinka in lagaraaco o lo adegsado kenyati waxi wax diidayay iyo waxi wax ogolanayayba daaroodbay ahayeen. maba tirinkaro godobta aad gaaljecel kagasheen, laakiin ogaada gaaljecel oon wax noqon inadan weligiin wax noqoneen, marxladkastood soo marteen dib u eeg maanta ergadii 1 nin bu gaaljecel qeyb u helay inu shirka qabiilkasto 10nin kabadan u fadhida inu idin faristo kkkkkkk meeqo xildhibaan baad sugesaan ma 1 mise .5 in ledinku darro kkkkkkk taariikhda mugdiga eed dhigteen wa ledin kaydin. ubadkiina wu dhaxli hadan isdaba qaban e adan wax kabadalin gaaljecelka ad ku farisateen, gaaljecelna magaciisa ku ceesha adinko dulesan e aan nin asagin ah kor u eegi karin. waan idinla talin waqtigan kalla guurka reerkiina macag kasameesta o dad ka muuqda meeshay joogaan noqda e nin jeebka ninkalle codkiisu ugu jiro hanoqonina, hadaad saan ku aaqirsataan gaaljecel cod idin siidoona majiro balse kuwo badan ba u ololeen doona oyagoon korsi doon eheen sidan markalle reer u iibsan taasna inay kaqeyb qaatan insha allah waxaa ku balamay dad badan o gaaljecel oday walba leh. taariikhda idinka qoresay inkuma so koobi karro waxaan adinka xaabo iska dhigay asc

  2. ogaysiis qoraalkaas adigu gaar ku yahay e ha u badhigin webka … inaad ku qoraan ilaaway

  3. Kaalay gaaljecel samoow meeqa ugaas aay leeyihiin waa yaabayeee mid muqdishooo joogaaa doowladuuna taageersan yahay midna maalin dhexdaas aa tuulada show lagu caleema saareyay alshabaab ayuna taageersanayahy kaasna marka seee cml kiiiin waaaaye reeer oday gaaaljecelk samoooow maxaaaa idiinka si ah

  4. Maxaaa been loo shegayaa? Wepsiteka ma waxaa lo samee in been iyo bara bagaanda lagu faaafiyo? Waraaada Allah ka baqa C/raxmaaanka aad ugaaas leedihin ma ahan Ugaaas eey duubeen beesha Gaaljecel ama ku yimid Qaab Sharci so jireen ah. Anigo ku hadlaya magaca Beesha waxaan halkan si toos ah ugu sheegayaa in Gaaljecel uu waqtigaan laheen Ugaas o kaliya Ugaas Gaaljecelna waxaa u danbeesi UGAAS MUXUMAD allah u naxariiste C/lahi Ugaasna waxuu ahaa nin Kamid ah Askarti Siyaad barre cid duubtina ma jirta Cid uu Ugaas u ahaana ma jirta Habar Gaaljecel Ugaas ayeey Leeyihin asigo ku yimid qaab sharciyeysan waana UGAAS XASAN UGAAS YUSUF UGAAS IDIRIS. C/raxmaan C/lahi Ugaas maxumed asna waa ugaas abti same Lahuba ayagana Ugaas beey duubayaan dhawaan Nimankiinan Abtisama ee Gaaljecel isku diray Allah ka baqa o dadka aad isku direesan joojiya Gaaljecelna kaligin ma tihin ee wax iska bedela!

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: