• RSS Somali VOA

    • An error has occurred; the feed is probably down. Try again later.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 45 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Xil-ka Qaadis Maanta Lagu Sameeyay Wasiirkii Shaqada TFG da iyo Mid Cusub oo Loo Magacaabay ( War-Saxaafadeed )


astaanta_qaranka-300x22815Muqdisho: Laba Wareegto oo maanta Soo wada baxay kana soo baxay

 

 

Xafiiska Madaxweynaha DKMG ka ah Sh Shariif Sheekh Axmed ayaa Xil 

 

 

Ka qaadis loogu sameeyey Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Bulshada,Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Ispoortiga ayadoo isla maantana Wasiir Cusub loo magacaabay Wasaaradaasi. Wareegtooyinka ayaa hadaba ukala qornaa Sidan:-


 

XEER MADAXWEYNAHA j.s. Lr.124, taariikh 19/04/2012

Xil Ka Qaadis Wasiir

Markuu arkay:- Qodobka 44aad,xubintiisa 3aad ee Axdiga kumeel gaarka ah;

Makuu arday:- Qodobka 2aad ee Sharci Lam. 14 ee 3dii Juun 1962kii iyo wax ka bedelkii ka dambeeyey

Nidaamka Dowladda (Ordinamento del Governo);

Makuu tixgeliyey:- Soo Jeedintii Ra’isulwasaaraha,Sumad XRW/481.04.12 kuna taariikheysan 18ka April

2012, oo ku saabsaneyd xil gudasho la’aanta Wasiirka WasaaraddaShaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Sboortiga

Asagoo Aqoonsaday:- In ay waajib tahay in shaqada Qaran loo guto si hufnaan,amaanno iyo karti ku Dheehanyihiin;

Wuxuu soo sarayaa Xeerkaan:

Qodobka 1aad

Waxaa xilkii Wasiirnimo ee uu hayey laga qaaday: Mudane Maxamed Muxiyidiin Sheekh Mursal oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Isboortiga.

Waxaana Wareegtadan ku saxiixan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed

Wareegtada kale ee iyana lagu magacaabay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyara iyo Isboortiga ayaa u qorneyd sidan:-

XEER MADAXWEYNAHA j.s. Lr.125,taariikh 19/04/2012

Magacaabid Wasiir

Markuu arkay: Qodobka 39aad, Farqadda 2aad, Qodobka 44aad Farqadda 1aad, Xafarka”e” Axdiga KMG ah ee J.s.

Makuu arkay: Qodobka 78aad, Farqadda 4aad ee Dastuurka 1960kii

Makuu Tixgeliyey: Soo Jeedinta Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ee ku sumadeysan

XRW/481.04.12 taariikh 18 April 2012

Markuu garwaaqsaday: In Jagada Wasiirka Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Isboortiga Banaanaatay ayna waajib tahay in la buuxiyo si ay dani ugu jirto maslaxadda umadda Soomaaliyeed

Wuxuu Soo Saaray Xeerkan Soo Socda:

Qodobka 1aad

Laga billaabo marka uu Madaxweynuhu saxiixo Dekreetadan waxaa Mudane Maxamuud Jirde Xuseen loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Federaalka KMG ah.

Wareegtanna waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: