Muqdisho : kadib qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ay
Maanta lagu Xasuuqay dad badan oo aan waxba galabsan
kuna sugnaa Xarunta Theaterka Qaranka Magaalada Muqdisho
waxaa isa soo tarayay wararka ku aadan qasaaraha qaraxaas oo ay ka mid ahaayeen Wariyayaal Xildhibaano Wasiiro iyo Xubno ka mid ah ururada Bulshada qaraxan oo ay sheegatay Kooxda shabaab oo beryahan u muuqatay
Mid quus joogta oo ay iskugu mid yihiin shacabka Soomaaliyeed Madaxda dowlada iyo waliba
Ciidamada iyagoona ku faanayay Cid kastoo gacantooda ku dhimata hadaba wararkii ugu
Dambeeyay ayaa Xaqiijinaya in isku darka tirda dhaawaca iyo dhimashada ay Gaareyso 27 qofood
Dadka dhaawaca ah oo isbitaalada Muqdisho loo kala qeybiyay ayaa waxaa ugu caansanaa
-
C/wahaab Ugaas Khaliif (wasiirka ganasiga)
-
Dr C/naasir Xaaji (wasiirka maaliyadda)
-
C/laahi Goodax Barre (wasiirka qorsheynta)
-
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa
-
Xildhibaan Mowliid Macaane
-
Cabdi Xaaji Goobdoon (La taliyaha raysul wasaaraha ee dhanka warbaahinta)
-
Abwaan Axmadey Cabdi Gaashaan
-
Xildhibaan Yaasiin Bucul
waxaa kaloo jira wariyayaal gaaraya todobo qofood oo dhaawacyo culus iyo kuwo Fudud qaba
Halka dadka geeriyooday ilaa hada lagu soo koobay Labadii Hagaamiye ee Isboortiga soomaaliyeed Xiligan daadihinayay Wiish iyo Mugaabnbe iyo laba qofood oo rayid ah
Leave a Reply