• RSS Somali VOA

    • Ciidamada Puntland oo Qabsaday Qandala December 7, 2016
      Ciidamada Puntland ayaa maanta dib u qabsaday magaalada Qandala ee Gobolka Bari oo ay muddo ku dhow 40 malamood haysteen maleeshiyada taabcsan ururka Daacish.
    • Obama oo Jeediyey Khudbadda Amniga Qaranka December 7, 2016
      Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa shaley jeediyey khudbadiisii ugu danbeysey ee ammaanka qaranka.
    • Somaliland: Shir Looga Hadlayo Doorashooyinka oo Furmay December 7, 2016
      Shir lagu lafa gurayo geedi socodka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ka furmay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.
    • Norway: Wiil Loo Qabtay Dilka 14 Jir Soomaali ah December 7, 2016
      Booliska dalka Norway ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen wiil 15 sano jir ah oo labo maalmood ka hor dil u gaystay wiil Soomaaliyeed oo 14 sano jir ah oo lagu magacaabay Yacquub Cabdullahi Xasan.
    • Mareykanka oo Ka Digay u Safarka Ethiopia December 7, 2016
      Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sii wadda inay muwaadiniinteeda uga digto halista uga iman karta u safarka dalka Ethiopia.
    • Dhalinyaro Muqdisho ka Bilaabay Wacyigelinta Nabada December 7, 2016
      Ururka Dhalinyarada ee Dhaqdhaqaaqa Kacdoonka Qabyaalad diidka waa urur ay sameeyeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay London, hase yeeshee tan iyo sanadki hore waxay howlo wacyi gelin dhinaa bulshada ah, gaar ahaan dhalinyarada ay ka wadeen qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.
    • In ku Dhow 100 oo ku Dhimatay Dhulgariir ka Dhacay Indonesia December 7, 2016
      Tirada dhimashada dhulgariir xooggan oo aroornimadii arbacada ku dhuftay dalka Indonesia ayaa sare usii kaceysa.
    • ​Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 348 December 7, 2016
      Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.  
    • Muqdisho: Doorashada Xidlhibaanada Waqooyi oo Billaabatay December 6, 2016
      Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka bilaabatay doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee xubnaha baarlamaanka Soomaaliya u matalaya gobollada Waqooyi.
    • Diyaarado Duqeeyey Qandala iyo Dagaal ka Dhacay December 6, 2016
      Wararka ka imanaya Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in hawlgal milatari uu xalay ka dhacay meel 34 km jirta magaalada Qandala oo lagu magacaabo Madlaxo, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo dhinaca amniga ah.
    • Iska Horimaad ka Dhacay Jubbada Hoose December 6, 2016
      Iska horimaad ayaa maanta ka dhacay deganaka Haawina oo u dhexeeya Dhoobley iyo Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose.  Iska horimaadka ayaa dhacay markii maleeshiyada ururka Al-Shabab ay weerar kedis ah ku qaadeen kolonyo baabuur milatari ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya oo saad u siday dhinaca magaalada Dhoobley. Baabuur ay leeyihiin ciidamada milatariga Ken […]
    • Dowladda Somalia oo Ganaaxday Markab Kalluumeysi December 6, 2016
      Wasiir Ku xigeenka Kaluumaysiga Soomaaliya Saciid Jaamac Maxamed ayaa sheegay in markabkan uu yahay mid ay u diideen ruqsadda kalluumeysiga balse sameystay warqado been abuur ah.
    • Liiska Xildhibaanada Lagu Soo Doortay Baydhaba December 6, 2016
      Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa noqday maamulkii labaad ee soo geba gebeeya doorashada xildhibaanada cusub ee Aqalka Hoose ee baaralamaanka Soomaaliya.
    • Trump oo Magacaabaya Xoghayaha Difaaca December 6, 2016
      Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta si rasmi ah ugu dhowaaqo xoghayaha cusub ee gaashaandhigga Mareykanka, marka uu booqdo gobolka North Carolina.
    • Shirka Madasha oo Berri Loo Ballansan Yahay December 6, 2016
      Waxa beri oo Arbaca ah magaalada Muqdisho ka furmayo shirka madasha wada-tashiga qaran, kaas oo looga hadli doono arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
    • Qareenka Qoyska C/risaaq Cartan oo la Hadlay VOA December 5, 2016
      Kadib toddobaad ay aamusnaayeen qoyska Cabdirisaaq Cali Cartan oo ahaa wiil Soomaaliyeed oo la sheegay inuu weerar ka geystay jaamacadda Ohio State ee magaalada Columbus, ayaa waxaa markii ugu horeysay hadlay qareenka difaacaya qoyskan.
    • Ololaha Doorashada Madaxtinimada oo Xoogeystay December 5, 2016
      Ololaha doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa xoogeystay, xilli doorashooyinka xildhibaanada Aqalka Hoose ee baarlamanka oo ka socday dhowr magaalo oo dalka ka mid ah ay marayaan heer gebo gebo ah.
    • Isbitaalkii Ugu Horeeyey oo Laga Hirgeliyey Maxaas December 5, 2016
      Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa markii ugu horraysay laga hirgeliyey cibsitaal adeegyada caaifmaad u fidiya dadka halkaas ku nool.
    • Dagaallo Goosgoos ah oo ka Socda Qandala December 5, 2016
      Iska horimaadyo goosgoos ah ayaa weli ku dhex maraya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada taabcsan Daacish dhulka buuralayda ah ee Koonfur kaga toosan magaalada Qandala.
    • Madaxweyne Xasan oo Tagey Kismaayo December 5, 2016
      Warbaahinta dawladda ayaa sheegtay in madaxweynaha uu magaalada Kismaayo kula kulmayo mas'uuliyiinta gobolka iyo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 45 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Madasha Daljir oo Ka Mid Aheyd Dhinacyadii uu Mahiga Af Lagaadeeyay Ayaa Bayaan Cambaareyn Ah Maanta Muqdisho Ka Soo Saaray


CaptureMuqdisho, Soomaaliya – 4 March 2012) Madasha Daljir waxay ka

 

 

 

Xuntahay isla markaana Dhaleecaynaysaana hadalkii meel-

 

 

 

ka-dhaca ahaa ee ka soo yeeray Ergayga gaarka ah ee Xoghaya

 

 

 

Guud ee Qarammada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Augustine Mahiga. Waraysi uu dhawaantan Mahiga siiyey barta internetka ee Somaliareport.com, waxa uu su’aal geliyey mabaa’diida aasaasiga ah ee Soomaaliya sida diinta Islaamka iyo waddaniyadda, isaga oo su’aal geliyey suuragal ahaanshaha in ay Soomaaliya u sii jirto sidii dowlad qaran ah oo shaqyn karta.


In kasta oo ay tahay arrin aan laga filayn qof haya mansab diblomaasiyadeed, haddana Mahiga waxa uu meel uga dhacay Baarlamaanka Soomaaliya, Madaxtooyada Soomaaliyeed, Raisul-Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Madasha Daljir & weliba ummaddaa Soomaaliyeed.

Waraysigan oo cinwaankiisu ahaa, “La Sheekaysiga Mahiga,” wuxuu yiri, “Inqilaab ayaa ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya.” Wuxuu yiri “kooxda Aala Sheekh” ayaa qabsatay Madaxtooyada.

Isagoo ka hadlaya Madasha Daljir, wuxuu ku andacooday, “waxay abuureen Madal …ah urur Islaami ah oo ay u rogi doonaan xisbi siyaasadeed.” Wuxuu intaa ku sii daray, “kama duwana Alshabaab laakiin hub ayaysan qaadanin.”

Madal si nabad ah siyaasadda looga hadlo, oo hadafkeedda iyo hiig-sigeeduba yahay in ay bulshada Soomaaliyeed u fududayso kuna dhiiri geliso, in ay wadahadal caafimaad qaba ka yeeshaan qaddiyaha waaweyn oo qarankooda horyaalla, in uu Mahiga la mid dhigo koox xag jir ah, oo dhiig daadinaysa, waa meel-ka-dhac xadka ka baxay.

14kii February 2012, ayaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo kala duwan waxa ay aasaaseen Madasha Daljir. Madashu waxay u taagan tahay kobcinta midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo ilaalinta danaha qarankooda; waana madal abuuraysa jawi furfuran si ay dadkeennu uga gudbaan qoqobnaanta fikirka iyo macangaggnimada ayna ugu suurto gasho, in ay ka tashadaan, ka wadahadalaan, kana doodaan arrimaha murugsan ee ka jira dalkeenna. Jawigaan wuxuu dhallinayaa xaalad ummadda Soomaaliyeed ay ku yeelato aragti midaysan, is-dhexgal bulsho iyo is-fahan, loogana gudbo dhibaatooyinka siyaasadeed, dhaqan iyo bulsho ee ka aloosan geyigeenna.

Madasha Daljir waxaa hoggaamiya Wasiirkii hore ee Warfaafinta ee Soomaaliya, waxaana ku xigeen u ah Wasiirkii hore ee caddaaladda iyada oo Xoghaye Guud uu u yahay Wasiirkii hore ee Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta.

Aasaasayaasha Madasha Daljir waxaa ka mid ah aqoon yahanno magac leh oo Soomaaliyeed, wasiirro hore, xubno baarlamaan, madaxda bulshada rayadka oo ay ku jiraan haween iyo dhallinyaro – kuwaas oo dhammaantood ah waddaniyiin sumcad leh oo naf-hurnimo u sameeyeen kaalin mug lehna ka qaatay in Shabaab Muqdisho laga xoreeyo, xilligaas oo Mahiga uu Nairobi fadhiyey laguna kari waayey in uu caasimadda xitaa hal habeen ku hoydo.

Hadal kale oo gaf ah, isaga oo Mahiga ku hadlaya, waxa uu Xildhibaanada Soomaaliya ku tilmaamay in ay yihiin, “dagaal-oogayaal iyo qas-wadayaal,” waxa uuna ugu gooddiyay in uu ka diiwaan gelin doono Maxkamadda Danbiyada Caalamiga si loo maxkamadeeyo.

Maaddaama uu Mahiga ku hadaaqay hadala aysan xambaari karin xafiiska iyo xilka weyn ee uu hayo, asaga ayaa iskiis isaga dhiibay masuuliyaddii weyneyd ee bulshada caalamku u xil-saarteen ee ah heshiis raadiyaha ama nabad doonka Soomaaliya. Warkiisa af-lagaadada ahaa ayaana ka dhigaya mid aan dib-u-heshiisiin ka dhex keeni karin kooxaha Soomaaliyeed ee tartanka siyaasadeed ama colaaddu ka dhex jirto, maaddaama uu isagu qayb ka yahay hardanka siyaasadeed.

Marka dhan kasta laga eegana, Augustine Mahiga waxa uu dhummiyey kalsoonidii iyo xurmadii bulshada Soomaaliyeed, maaddaama ay caddaatay in uu yahay nin xambaarsan fikrado xag jir ah, aanna ku haboonayn diblomaasi – iska daa, wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay.

“Mahiga waxa uu jabiyey xeerarka u yaalla diblomasiyadda, waxa uuna gaaray in yiraahdo Madaxtooyaddii Soomaaliya afganbi ayaa ka dhacay,” ayuu yiri Mudane Cabdullahi Abyan Nuur, oo ah Wasiirkii hore ee Caddaaladdaee Soomaaliya haddana ah ku Xigeenka Madaxa Madasha Daljir.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle oo madax u ah Madasha Daljir ayaa isaguna raaciyey, “Mahiga waxaa ka muuqda takoor siyaasadeed oo waliba huwan saansaan diimeed mana aha wax sax ah ama wax uu xaq u leeyahay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: