• RSS Somali VOA

    • RW Kheyre iyo Shariif Xasan oo Baydhabo ku kulmay November 22, 2017
      Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
    • Dhageyso Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha November 22, 2017
      Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa sidi aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 393-aad.
    • Xagee Buu Ku Furtay Geedigii Hayaanka Doorashada Soomaaliland November 22, 2017
      Somaliland ayaa ugu danbeyntii soo afjartay todobaadyo ay siyaasiyiinta iyo dadkuba ku mashquulsanaayeen ololihii doorashada, cod bixinta iyo sugistii ku dhawaaqista natiijada doorashada.
    • WARBIXIN: Mareykanka oo Kordhiyay Weerarada uu Ka Fuliyo Soomaaliya November 22, 2017
      Dowlada Mareykanka ayaa laba laabtay sanadkaan weerarada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka dagaalama Soomaaliya.
    • 100 Ka Tirsan Shabab oo Lagu Dilay Baay. November 22, 2017
      Mareykanka ayaa sheegay in weerar ay u adeegsadeen diyaarad nooca Dronka ah oo ay ku dileen in ka badan 100 ka tirsan maleeshiyada al-shabab, meel ka tirsan gobolka Bay.
    • Dhageyso Faah-faahinta Kulamadi Xalay Dhacay ee Yurub November 22, 2017
      Waxaa xalay dhacay kulamo ka tirsan Koobka Kooxaha Horyaalkada Yurub. Wararki ugu danbeeyay waxaa inoo haya Maxamuud Mascadde.
    • Sacad Xariiri oo hakad heliyay is-casilaaddiisii November 22, 2017
      Reysal wasaaraha Lubnaan, Sacad Al Xariiri, ayaa sheegey Arbacada maanta in uu dib u dhigayo is casilaaddiisa, kadib markii uu madaxweyne Michel Aoun. uu sidaas ka dalbaday.
    • Madaxweyne Robert Mugabe oo iscasilay November 21, 2017
      Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa is-casilay, sida uu ku warramay afhayeenka baarlamanka dalkaas.
    • Muuse Biixi oo hadlay kadib guushiisa doorashada November 21, 2017
      Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay sida uu arko doorashada musharaxiinta xisbigooda, waxa u qorshaysan iyo sida uu u wajahayo tabashooyin hore uga soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.
    • Kulamada Champions League ee caawa iyo beri dhacaya November 21, 2017
      Ku soo dhawaada dhageystayaal xubinta ciyaaraha, oo aan ku soo qaadaneyno kulmada koobka horyaallada Yurub ee caawa iyo beri dhacaya. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo jeedinaya.
    • Xuska Maalinta Macallinka Soomaaliyeed November 21, 2017
      Waxaa maanta meelo ka mid ah Soomaaliya laga xusay maalinta macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Novembar.
    • Sidee Ayay Soomaalidu u Dhaqataa Geela November 21, 2017
      Geela ayaa ka mid ah hantida ugu qaalisan ee ay leeyihiin Soomaalida ku nool dalka hooyo ee Soomaaliya ama Bariga Africa.
    • Waa kuma Muuse Biixi: Madaxweynaha cusub ee Somaliland? November 21, 2017
      Guddida Doorashada ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxnaa Xisbiga Kulmiye uu ku guulaystay doorashadii dhacday 13-kii bishan.
    • Maxay yihiin caqabadaha horyaalla Muuse Biixi? November 21, 2017
      Guddida Doorashada ee Somaliland ayaa goor dhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay in Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxnaa Xisbiga Kulmiye uu ku guulaystay doorashadii dhacday 13-kii bishan. Muuse Biixi ayaa sida uu sheegay guddiga doorashada waxa uu helay 55.19% codadkii la dhiibtay.. Haddaba Maxay yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee haatan horyaalla Madaxweynaha Cusub […]
    • Muuse Biixi oo ku guuleystay doorashadii Somaliland November 21, 2017
      Guddida Doorashada ee Somaliland ayaa goor dhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay in Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxnaa Xisbiga Kulmiye uu ku guulaystay doorashadii dhacday 13-kii bishan.
    • Nigeria: Qarax ka dhacay masjid oo lagu dilay 50 qof November 21, 2017
      Qof isa soo miidaamiyey oo aroortii maanta isku dhex qarxiyey masjid ku yaalla waqooyiga bari ee dalka Nigeria ayaa dilay ugu yaraan 50 qof.
    • Mugabe oo wajahaya mooshin xil ka qaadis November 21, 2017
      Sharci dejiyeyaasha dalka Zimbabwe ayaa la filayaa inay maanta billaabaan hanaan ay xilka kaga qaadayaan madaxweynaha talada haya muddada fog ee Robert Mugabe, kadib markii uu iska dhego tiray waqtigii loo qabtay inuu isku casilo.
    • Cirro: Ma aqbaleyno Xaqdarro iyo Wax Sharciga Baal Marsan November 20, 2017
      Musharraxa madaxtinimada xisbiga Waddani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta sheegay in aysan aqbali doonin "xaqdarro iyo wax sharciga baal marsan", mar uu ka hadlayey doorashadii madaxtinimada ee 13-kii bishan November dhacday.
    • Rabshado ka billowday dalka Kenya November 20, 2017
      Rabashado xoogan ayaa ka billowdey deegaanka Kisumu oo ah halka uu kasoo jeedo hoggaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga.
    • Jabuuti oo lacag ugu deeqday dhibanayaasha qaraxii Zoobe November 20, 2017
      Dowladda iyo shacabka Jabuuti ayaa ka si deg deg ah uga soo jawaabay u gargaarida dadka ay waxyeelada kasoo gaartey qaraxii 14-biishii October ay magaalada Muqdisho boqolaalka qof ugu dhinteen Zoobe. Hore dowlada Jabuuti ayaa usoo dirtey Muqdisho dhaqaatiir iyo dawooyin caafmaad, hanta waxaana lacag dhan 1 Malyan oo dollar ugu deeqay dadka ay waxyeelada soo […]
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

War-Saxaafadeed Shirkii Garowe oo Xalay Saq Dhexe La Soo Xiray Lana Wada Saxiixay


GAROWEGarowe: Warsaxaafadeed Shirkii Garowe2 oo la soo gabogabeeyey iyo

 

 

 

Madaxda Soomaalida oo wada Saxiixay heshiis

 

 

 

Garowe February 18, 2012—–Shirkii Dastuur u sameynta Soomaaliya ee

 

 

 

loogu magac daray Garowe2 isla markaana magaalada Garoowe ka soconayay saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ayaa caawa saq dhexe la soo gabogabeeyey iyada oo lagu gaaray heshiis buuxa oo ku aadan Nidaamka dalka lagu dhaqayo, Nooca Baarlamaan ee uu yeelanayo iyo weliba hirgelinta Mabaadii’dii Garowe.

Xaflad aad u heer sareysa oo caawa ka dhacday xarunta Jaamacadda PSU ayna ka soo qeybgaleen dhamaan madaxda Soomaalida oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Dowladda Federaalka Mudane Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaankan Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Gaas, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynaha Galmudug Mudane Maxamed Caalin, iyo hogaamiyaha Ahlusunna Waljamaacah.

Munaasabada ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Ambassador Mahiga oo ah ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Q/midoobay, Wasiirka Awqaafta iyo arriimaha Diinta ee Dowladda Jabuuti Mudane Xaamud Suldaan, kuxigeenka Ambassadorka midowga Afrika ee Soomaaliya Hon. Wafula Wmanyiyi iyo ergooyin kale oo matalaysay beesha caalamka.

Madaxweynaha Puntland Dr. Faroole oo ugu horeyntii munaasabada ka hadlay ayaa ku tilmaamay heshiis taariikhi ah oo ay wada gaareen madaxda Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in ay jireen caqabado fara badan balse alle mahadiis markii dambe looga gudbay is faham iyo is qancin, isaga oo si gaar ahna u xusay in heshiiskani uu yahay mid u qalma masiirka ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ambassador Mahiga oo goobta ka hadlay ayaa ku bilaabay hadaladiisa “Wey hagaagtay, waana la guuleystay, dhamaanteena waxaanu nahay kuwo guuleystay”ayuu si kaftan ah u yiri wuxuuna dhanka kale dadweynaha u sheegay in markii la saxiixay heshiiskan uu durba la xiriiray xoghayaha guud ee Q/midoobay Bankimoon uuna u sheegay in Soomaalidu heshiisay.

“Markii aan u sheegay Bankimoon in la heshiiyay, wuxuu igu yiri waa arrin wanaagsan, hadda ayaana u sheegayaa adduunka oo dhan” ayuu mar kale yiri isaga oo xusay in sidoo kale uu ku wargeliyay heshiiskan Mr. Jing Ping oo ah guddoomniyaha midowga Afrika.

Madaxweyne Shariif oo isna ka hadlay heshiiska caawa ayaa ku tilmaamay mid taariikhi ah oo umadda Soomaaliyeed kuwa gudaha iyo kuwa dibaddaba ay ku farxi doonaan.

Dhanka kale, dhamaan madaxda Soomaaliyeed waxay dadweynaha hortooda ku saxiixeen heshiiska, waxaana xusid mudan in heshiiskan uu kaga duwan yahay heshiisyadii hore marka laga tago in gudaha dalka Soomaaliya uu ka dhacay, haddana waxaa la saxiixay caawa saqda dhexe abaara 12:00 ama, waxaana ugu dambeyn xafladu ay soo gabogabowday 01:00 pm.

—-DHAMAAD——

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: