• RSS Somali VOA

    • Xaaladda Buuhoodle oo Degan Kadib Dagaal Culus August 21, 2017
      Xaaladda magaalada Buuhoodle ayaa maanta degan ka dib markii dagaal uu ka dhacay maalintii sabtida, halkaas oo dad badani ay ku dhinteen.
    • Al-Shabaab oo Weerar ku Qaaday Afgooye August 21, 2017
      Maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabab ayaa xalay weerar ku qaaday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
    • Warbixin: Mooshinada Baarlamaanada Maamul Goboleedyada August 21, 2017
      Moshinada ka dhanka ah madaxda iyo la kala safashada khilaafyada siyaasadeed ee soo ifbaxa waxay ahaayeen shaqooyinka ugu xasaasiyadda badan ee laga dhex dareemi jiray – baarlamanaddii qaran ee soo maray Soomaaliya. Sanadihii u dambeeyay waxaad moodaa in mowjadahaha mooshinadu ay u wareegeen dhinaca maamul goboleedyada oo laba ka mid ah shanta maamul gobolee […]
    • Xariga Suxufiyiinta Somaliland oo Kordhay August 21, 2017
      Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ee fadhigeeduyahay magaalada Hargeysa ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in kow iyo toban suxufi la xiray tan iyo bishii April, halka kow iyo toban kalena la xidhay sanadkan bilawgiisii. Tiradaas ayaa ka dhigaysa suxufiyiinta guud ahaan lagu xidhay Somaliland sanadkan 22 suxufi, sida ay xaruntu sheegtay. Wariyeheenn […]
    • Kenya oo Qorsheeneysa Weerar ka Dhan ah Keymaha Boni August 21, 2017
      Miltariga dalka Kenya ayaa axaddii shalay ku amray dadka ku nool hareeraha keynta Boni ee ku teedsan xeebaha Kenya inay ka fogaadaan halkaas muddo 48 saacadood ah. Amarkan ka soo baxay ciidamada Kenya ayaa lagu sheegay inay duqeyn xooggan ku qaadi doonaan deegaanka, si ey uga sifeeyaan maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo halkaas ku dhuumaaleysta, weera […]
    • Neymar oo dhalleeceeyey guddiga maamula Barcelona August 21, 2017
      Xiddigii hore ee kooxda Barcelona Neymar, oo hada u dheela kooxda PSG ee dalka Faransiiska, ayaa weerar afka ah ku qaaday guddiga maamula kooxdiisii hore. Neymar oo hadlayey kadib kulankii shalay ay kooxdiisa PSG 6-2 kaga adkaatay naadiga Toulouse, ayaa sheegay in Barcelona ay u qalanto dad ka wanaagsan guddiga iminka maamula. “Afar sano ayaan joogay kooxda […]
    • Ninka Fuliyey Weerarkii Barcelona oo la Aqoonsaday August 21, 2017
      Mas’uuliyiinta dalka Spain ayaa maanta sheegay inay rumeysan yihiin in darawalkii waday baabuur dad ku weeraray magaalada Barcelona, islamarkaana dilay 13 qof, uu yahay 22 jir u dhashay dalka Morocco.
    • Manchester United oo dib ula saxiixaneysa Ibrahimović August 21, 2017
      Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la filayaa inay toddobaadkan hehsiis cusub la saxiixato weeraryahan Zlatan Ibrahimović, oo hadda aan wax koox ah u cayaarin. Xiddigan 35 jirka ah, ayaa sanadii tagtay u cayaaray United, hase yeeshee waxaa dhaawac xooggan uu kasoo gaaray jilibka, intii ay socotay cayaartii Europa League ee ay la cayaareen naadiga An […]
    • Dowladda: Hirshabeelle Ha Doorato Madaxweyne Cusub August 20, 2017
      Wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaiya ayaa sheegtay in xil ka qaadista madaxweynaha maamulka Hirshabeela ay sharci tahay.
    • Waraysiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland August 20, 2017
      Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ku sugan Laascaanood ayaa ka hadlay barnaamijka kaadh-qaybinta codbixiyayaasha Somaliland.
    • Wicitaanka Dhegaystaha: Xeerka Argagixisada August 20, 2017
      Kusoo dhowaada barnaamijka Wicitaanka Dhegaystaha oo toddobaadkan ku saabsan xeerka argagixisada ee dhawaan uu ansixiyey golaha Wasiirada ee Soomaaliya. Sahra Cabdi Axmed ayaa innala socodsiinaysa
    • Hawl-galka Koonfur-Galbeed ee ka Dhanka ah Shabaab August 20, 2017
      Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay inay degaanka u dhexeeya Afgooye iyo Bariire ay ka nadiifiyeen maleeshiyada ururka Al-Shabab kadib weerar ay qaadeen maalintii shalay.
    • Dowladda Soomaaliya oo La Dagaalamaysa Dawooyinka Dhacay August 19, 2017
      Munaasabad lagu daah furayey Sharciga Habraaca Daweynta Soomaaliya oo ay soo agaasintay Wasaarada Caafimaadka ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
    • Wararki Ugu Danbeeyey ee Horyaalada Kubadda Cakta Yurub August 19, 2017
      Waxaa todobaadkaan bilowday horyaalada kubadda cakta ee Talyaaniga iyo Spain, Halka Ingiriiska iyo horyaalada kale ee Yurub ay maalmahanba socdeen.
    • Barnaamijka Caweyska Washington August 19, 2017
      Barnaamijka Caweyska Washington waxaad ku dhageysataan qodobo suugaan iyo maaweelo isugu jira oo xiisa badan.
    • Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Bariire August 19, 2017
      Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Midowga Africa iyo ciidamo aan badenyn oo ajnabi ah ayaa saakay weerar ku qabsaday deegaan Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose.
    • Xuska Maalinta Gargaarka Bani Aadminimada August 19, 2017
      Maanta oo dunida laga xusay maalinta gargaarka caalamiga ah, iyadoo loo isticmaalay jeedinta baaqyo ku aadan dhowrista shaqaalaha gargaarka iyo fududeynta marintada gargaarka
    • Bannon oo Shaqada Aqalka Cad Laga Eryay August 19, 2017
      Steve Bannon, madaxa istaraatiijiyada Aqalka Cad ayaa xilkii laga qaaday. Banon oo ka mid ahaa dadka uu sida weyn u dhageysan jiray madaxweyne Trump ayaa afkaartiisu ay u janjeertaa dhinaca midigta fog ee xisbiga Jamhuuriga.
    • Horyaalka Jarmalka oo Bilowday  August 19, 2017
      Horyaalka dalka Jarmalka ee Bundesliga ee xilli ciyaareedkan cusub ayaa xalay si rasmi ah u furmay, iyadoona kooxda heysata horyaalnimada ee Bayern Munich ay guul ku bilaabatay kadib marki ay 3-1 ku garaacday Bayen Leverkusen.
    • Monaco oo Taariikh Cusub u Dhigtay Horyaalka France August 19, 2017
      Kooxda difaacaneysa horyaalnimada dalka Faransiiska ee Monaco ayaa noqotay naadigi ugu horeeyey oo 15 kulan oo xiriir ah oo ka tirsan horyaalka dalkaasi badisa, kadib marki ay xalay 1-0 uga badiyeen Metz.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 47 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Shirkii Gollaha Wasiirada Ee X.KMG Ah Ay Maanta Muqdisho Ku Yeesheen oo uu Ka Qeyb Galay R/wasaare Hore oo Ree Yurub Ah


astaanta_qaranka-300x22810Muqdisho: Shirkii Caadiga ahaa ee Ay Gollaha Wasiirada oo maanta

 

 

 

Muqdisho ka dhacay uuna shir-Guddoominayey Ku-Simaha

 

 

 

R/wasaaraha Xuseen Carab Ciise, oo la sheegay in looga hadlay

 

 

 

Qodobo badan oo ay ka mid ahaayeen Shirka London Siyaasada isboorbiga Dalka Magaabista Jagada Taliyaha Ciidanka Asluubta oo ku dhowaad  Sanad ah banaaneyd

 

WAR-SAXAAFADEEDKINA WAA KAN :-

War-Saxaafadeed Shirka Golaha Wasiirada Muqdisho, 16 February 2012 Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ayaa maanta waxaa shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xuseen Carab Ciise, waxaana looga hadlay arimaha amnigawarbixin laga dhageystay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norway, magacaabis Taliyaha Ciidanka Asluubta, siyaasadda Isboortiga dalka, warbixinno laga dhageystey wasiiro iyo shirka London iyo in cunaqabateynta laga qaado dalka. Ugu horreyntii waxaa golaha warbixin siiyey Ra’iisul Wasaarahii hore ee Norway Kjell Bondevik oo ka sheekeeyey waayo aragnimadiisa markii uu Ra’iisul Wasaare ahaa oo uu hoggaaminayey 3 xisbi oo xukuumadda ku wada jiray kuwaasoo aad u kala fikir duwanaa. Waxuu sheegay in kalsooni laga dhex-abuuro dowladda dhexdeeda inay muhiim tahay sheegeyna furaha guusha inay tahay kalsooni abuurista iyo xiriirka joogtada ah. Sidoo kale waxuu xusay 5 arrin oo muhiim u ah siyaasadda oo kala ah Wadatashi, Xiriirin, Wadahadal, heshiis guud oo loo dhanyahay, iyo Isu-Tanaasul. Waxuu sheegay in shantan qodob ay keenayaan wadajir bulshada dhexdeeda ah. Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey Mr Bondevik sheegeyna in golahu ay ka faa’iideysanayaan khibradiisa oo uu la wadaagay goalaha Wasiirada. Waxuuna sheegay in Mr Bondovik uu yahay saaxiib Soomaaliyeed. Golahu waxey warbixin ka dhageysteen Wasiirada Amniga oo sheegay in horumar ay ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ka sameeyeen dhanka ex-control, howlgalkuna uu ahaa mid lagu guuleystay. Golahu waxey isku raaceen in shacabka laga saacido dib-u-dejinta oo beesha caalamka laga codsado inay gar-gaar deg-deg ah la soo gaaraan. Wasiirka Garsoorka & Arrimaha Diinta ayaa golaha soo hor-dhigay musharax si loogu magacaabo jagada Taliyaha Ciidanka Asluubta. Dood dheer ka dib golahu waxuu isku-raacay in Mudane Cabdi Maxamed Ismaaciil loo magacaabo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka, Badda iyo Dekedaha ayaa golaha warbixin ka siiyey shuruucda dhul xeebeedka iyo muhiimadda Illaalinta Dhul Xeebeedka oo wasaaraddu ay xaq u leedahay inay iyadu maamusho oo hay’adaha kale ee dowladdu aysan awood u laheen inay bixiyaan Dhul Xeebeedka Soomaaliya.Golahu waxuu isku raacay in guddi heer wasiir ah oo ka kooban Wasaaradaha Garsoorka, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Howlaha Guud, Arrimaha Bulshada iyo Difaaca ka soo warbixiyo xaaladda dhabta ah si go’aan looga gaaro. Golahu waxey ku ammaaneen shacabka sidii ay goobaha dowladda u banneeyeen iskuna raaceen in goobaha dowladda inta hartay laga baxo isla markaana aan la bixin karin, lana dhisan karin dhul ka mid ah goobaha dowladda. Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa golaha u soo gudbiyey siyaasadda Isboortiga Soomaaliya kana codsaday in loo ansixiyo. Dood dheer ka dib, golahu waxey isku raaceen in Wasaaraddu ay dhaqangeliso siyaasadda Isboortiga ee Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa golaha u soo gudbiyey xeerka Isgaarsiinta Qaranka. Xeerkan ayaa ah sharci dheeri-gelinaayo in nidaam dowli ah loo sameeyo adeegyada Isgaarsiinta. Golahu waxey isku raaceen in dokumentiga la soo akhristo ka dibna usbuuca danbe laga doodo si loo ansixiyo. Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda ayaa golaha warbixin ka siiyey Shirka London iyo meesha uu marayo iyo in loo baahanyahay in golahu ay aragti mideysan ka qaataan. Golahu waxey isku raaceen in dib-loo dhiso hay’adaha amniga loona helo tasiilaadkii ay u baahnaayeen, in xasilinta degmooyinka iyo gobolada la taageero, in hay’adihii dhaqaalaha la xoojiyo, iyo in dib-u-dhiska dalka laga saacido dowladda. Sidoo kale waxuu ka codsaday golaha inay u codeeyaan in Soomaaliya laga qaado Cunoqabateynta Hubka ee saran. Dood dheer ka dib golahu waxuu isku raacay in Soomaaliya cunaqabateynta laga qaado oo laga codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey tixgeliyaan codsida Dowladda Soomaaliya, si dib-u-habeyn loogu sameeyo ciidanka Soomaaliyeed oo ay u helaan tasiilaadkii ay u baahnaayeen si Al-Qaeda looga sifeeyo dalka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: