• RSS Somali VOA

    • Borussia Dortmund oo Taariikh Sameysay September 20, 2017
      Kooxda Brussia Dortmund ayaa noqotay kooxdi ugu horreysay oo Jarmal ah oo aanan wax gool ah laga dhalin dhamaan shanta kulan ee ugu horreysay ee horyaalka Bundesliga taariikhda.
    • Qubanaha VOA, Sep 21, 2017 September 20, 2017
    • Benzema oo Saxiixay Heshiis Cusub September 20, 2017
      Weeraryahanka kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa kordhiyay qandaraaska uu kula joogo kooxdiisa kaddib marki uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo afar sana ah.
    • Madrid oo Martigalinaysa Finalka Champions League September 20, 2017
      Xiriirka kubadda cakta Yurub ayaa maanta ku dhawaaqay garoonka lagu qaban doono finalka koobka Kooxaha Horyaalada Yurub ee loo yaqaano Eufa Champions League.  Xiriirka UEFA ayaa u codeeyay in sanadka 2019-ka lagu qabto finalka tartanka Yurub garoonka kooxda Atletico Madridee Wanda Metropolitano stadium. Garoonkan oo qaada 67 kun oo ruux ayaa la furay 17-ki b […]
    • Dilalka Haweenka ee Gobolka Banaadir oo Batay September 20, 2017
      Dilalka haweenka ka shaqeeya gobolka Banadir ayaa ku soo badaneysay waaydan magaalada muqdisho. Dhowr iyo toban haween ah oo xubno ka noqdey maamulka gobolka Banadir ayaa lagu diley meelo kala duwan oo Muqdisho ah.
    • Ciidamada Kenya oo Ka Baxay Baardheere September 20, 2017
      Ciidamada milatariga Kenya ee ka hawlgalayey magaalada Baardheere ayaa halkaasi iskaga baxay saaka iyaga oo u dhaqaaqay dhinaca xuduudda. Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Soomaali ah ayaa xilligan ku haray magaalada Baardheere.
    • Puntland oo Amar ku Soo Rogtay Kalluumaysiga September 20, 2017
      Puntland ayaa sheegtay in ay maamnuuceen inaan muddo laba sano ah la kalluumaysan karin kalluunka nooca lagu magacaabo Indho Buurka oo uu sheegay in hilibkiisa aan la isticmaalin balse beerka oo keliya ay ganacsatadu iibsato.
    • Dhageyso Xubinta Ciyaaraha September 20, 2017
      Kulanti wanaagsan dhageystayaal ku soo dhawaad Xubinta Ciyaaraha, oo maanta qodobbo xiiso badan ayad ku dhageysan doontaan. Maxamuud Mascadde, ayaa soo jeedinaya.
    • Booliiska London oo Dad kale u Soo Xirey Qarixii London September 20, 2017
      Booliska Britain ayaa sheegey in ay soo xireen laba nin oo kale oo lala xiriirinaayo weerarkii bombaano ee toddobaadkii hore ka dhacay xarunta tareenada London, halkaasoo ay ku dhaaawacmeen 30 qof.
    • Trump oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Qaramada Midoobay September 20, 2017
      Madaxweynaha maraykanka Donald Trump ayaa khudbaddii uu ka jeediyay golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ku soo bandhigay siyaasadda maamulkiisa cusub.
    • 134 Qof oo ku Dhimatay Mexico September 20, 2017
      Wararka ka imanaya dalka Mexico ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dhul-gariir xooggan, oo cabbirkiisa lagu qiyaasay illaa 7.1 Magnitude. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ku soo waramaysa in dhimashadu ay haatan marayso illaa 134 qof.
    • Lacagta Xubinimada QM ee Soomaaliya lagu Leeyahay September 19, 2017
      Danjiraha ayaa sheegay inay sannad walba codsanayeen in dib loo dhigo bixinta lacagtaas, sannadkanna ay sidaas sameeyeen. Wuxuu meesha ka saaray oo been ku tilmaamay in loo diiday Soomaaliya inay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay inay ka hadlaan ama inay codeeyaan.
    • Siyaasiyiin Dhaliilay Taageerda Koonfur Galbeed u Muujisay Sucuudiga September 19, 2017
      Siyaasiyiin ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo maanta Baydhabo ku shiray ayaa ka soo horjeestay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo todobaadkan sheegay inuu taageersanyahay go’aankii dowladda Sacuudiga ay xayiraada ku saartay Dowladda Qatar.
    • Dhageyso Xubinta Ciyaaraha September 19, 2017
      Ku soo dhawaada Xubinta Ciyaaraha, o qodobbada aad ku maqli doontaan ay ka mid yihiin: Kulama Xiiso badan oo maanta dhacaya iyo sidey kooxuhu isku arki doonaan horyaallada qaaradda Yurub qaar. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo jeedinaya.
    • Abaalmarin La Siiyay Xamse Warfaa September 19, 2017
      Gobalka Minnesota waxaa abaalmarin la gudoonsiiyay Xamse Warfaa oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed u dhaqdhaqaaqa arrimaha Bulshada.
    • Trump oo Ka Khudbeynaya Shirka QM September 19, 2017
      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu maanta ka jeediyo khudbadiisii ugu horreysay shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
    • Koobka EFL oo Maanta Furmaya September 19, 2017
      Waxaa caawa dhici doona kulamo ka tirsan wareega sadexaad ee koobka EFL ee dalka Ingiriiska.
    • Milan oo Qandaraaska u Kordhineysa Suso September 19, 2017
      Laacibka baalka midig ee khadka dhexe uga ciyaara kooxda AC Milan Suso ayaa ogolaaday heshiis cusub oo ku kordhinayo qandaraaska uu kula joogo naadiga.
    • Koonfur Galbeed oo Ka Hor Timid Go'aankii DS ee Khilaafka Khaliijka September 18, 2017
      War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu sheegey in maamulkaasi uu taageerayo go'aankii xulufada Sacuudiga ay xiriirka ugu jareen dalka Qadar, bishii June.
    • Hailemariam Desalegn Oo Ka Hadlay Isku-dhacyada Soomaalida iyo Oromada September 18, 2017
      Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn, ayaa ka hadlay rebshadihii dadka badan ay ku dhinteen ee gudaha dalka Ethiopia ku dhex maray Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 47 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Labada Shariif oo isku Raacay in Ay Gaashaanka u Dhigaan Go,aankii Baarlamaanka War-Saxaafadeed


20_DEC_2011Muqdisho :- War qoraal ah oo isla Caawa ka soo baxay Villa Somaliya

 

 

 

Ayaa lagu sheegay in kulan ay Madaxda Dowlada galabta yeesheen

 

 

 

Lagu qaadacay wixii maanta ka soo Baxay Fadhigii Baarlamaanka iyo

 

 

Kulamadii ka horeeyay oo loola jeedo Xil ka qaadistii Gudoomiyaha Baalamaaka warqadan oo aysan si gooni ah Cidna ugu saxiixneen ayaa lagu sheegay in Kulankan ay ka soo qeyb galeen Madaxweynaha R/wasaaraha Gudoomiyaha Xilkiisa lagu

Muransan yahay iyo wasiiro dhowr ah oo iskula jira gudi lagu Magacaabo Gudiga Amniga qaranka

 

Waxaanse la ogeyn inta ay gaarsiisan tahay awooda ay ku diidayaan go,aanada Maadaama ay horeyba

 

Garowe uga soo saareen Amar ah in aan Xarunta Baarlamaanka la furi karin Afar Todobaad arintaasoo

 

Hir gali waysay kadib markii sida la sheegay uu diiday Xafiiska Midowga Afrika  

War Saxaafadeedka ayaa Sidan u qornaa:-

Muqdisho, January 04, 2012) Kulankii caadiga ahaa ee ay maanta isugu yimaadeen Gudiga Amniga Qaranka oo looga hadlay xaaladda amni ee dalku ku suganyahay iyo qalalaasaha siyaasaddeed ee ka aloosan Golaha Baarlamaanka, uuna shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed isla markaana ay kasoo qeyb galeen Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isul wasaaraha Xukuumadda,K/xigeenka Ra’isul wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhiga,Wasiirada Cadaalada,Warfaafinta iyo Wasiir Ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidanka & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxay ku tilmaameen wax laga xumaado dhibaatadi iyo khasaarahii ka dhacay xarunta Baarlamaanka, iyagoo umadda soomaaliyeed uga tacsiyeeyay falalkaas masuuliyad daradda ah ee aan ku habooneyn.

Guddiga iyagoo tixgelinaya marxalada adag ee dalku marayo iyo xaaladaha siyaasadeed, amni iyo fadhiyada joogtada noqday ee buuqa iyo rabshadaha wata, waxay u arkeen in ay lama huraan tahay in ay go’aan ka qaataan si loo badbaadiyo sumcada iyo magaca qaranka Soomaaliyeed, waxay go’aansadeen qodobadda soo socda:

a) In kulanki manta iyo kuwii ka horeeyaba ee lagu dagaalamay iyo go’aanadi kasoo baxay ay ahaayeen kuwa aan ku fadhin sharci, isla markaana waxba kama jiraan ah.

b) In baarintaan deg deg ah lagu sameeyo fal danbiyeeyadi ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee sababay khasaaraha isugu jira dhaawac iyo burbur hantiyeed.

c) Si looga hortago qalalaaso hor leh, loogana baxo marxaladda adag ee dalku marayo waa in lasoo dedejiyaa howlihii dhameystirka iyo ansixinta Dastuurka iyo soo xulidda xubnaha Baarlamaanka cusub.

Ugu danbeyn, Gudiga Amniga Qaranka wuxuu u soo jeedinayaa dhamaan xubnaha baarlamaanka in ay tixgeliyaan Axdiga Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo saldhiga u ah shuruucda dalka.

DHAMMAAD

One Response

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: