• RSS Somali VOA

    • Shirka Madasha oo Maalintii Labaad ka Socda Muqdisho December 8, 2016
      Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shir ay leeyihiin hoggaamiayaasha madasha oo iyagu ka dooddaya arrimaha doorashada Soomaaliya.
    • 10 Qof oo Ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Goof-Gaduud December 8, 2016
      In ka badan 10 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dagaallo maanta duleedka magaalada Baydhaba ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda Somalia iyo maleeshiyada Al-Shabaab.
    • Kenya oo Lagu Eedeeyey Dilal Sharci Darro Ah December 8, 2016
      Urur aan dowli ahayn oo lagu magacaabo Haki Afrika ayaa ku eedeeyey ciidamada ammaanka Kenya inay fuliyeen tobaneeyo dilal aan sharci ahayn oo ay u geysteen dad la waayey intii u dhaxeysay 2012 illaa 2016, kuwaas oo muslimiin ah.
    • Ilhan Omar oo Sheegtay in La Handadey December 8, 2016
      lhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhawaan loo doortey aqalka wakiilada ee gobolka Minnesota ayaa sheegtay inuu handadey wadihii taksi ay raacday.
    • Natiijada Doorashada Ghana oo Maanta La Shaacinayo December 8, 2016
      Afhayeen u hadlay guddida doorashada ee dalka Ghana ayaa sheegay in guddigu ay maanta bilaabi doonaan sii daynta natiijada doorashadii madaxweynaha iyo tii baarlamaanka ee dalkaas ka dhacday, waxayna ku baaqeen in xaaladda la dejiyo.
    • Ciidamada Puntland oo Qabsaday Qandala December 7, 2016
      Ciidamada Puntland ayaa maanta dib u qabsaday magaalada Qandala ee Gobolka Bari oo ay muddo ku dhow 40 malamood haysteen maleeshiyada taabcsan ururka Daacish.
    • Waraysi: Siyaad Maxamuud Cali December 7, 2016
      Xafiiska Senator Amy Klobuchar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee ay Soomaalidu degto ayaa sheegay inay soo gaadhay baaqyada ka imanaya Soomaaliya ee ku saabsan abaarta ku dhufatay degaanno ka mid ah Soomaaliya.
    • Muqdisho: Kulan Looga Hadlay Tacaddiyada Haweenka December 7, 2016
      Sanad walba, laga soo bilaabo 25-ka November oo ah maalinta caalamiga ah ee dabar goynta tacadiyada ka dhanka haweenka ilaa iyo 10-ka December oo ah maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda aadanaha, waxaa dunida lagu qabtaa mashaariic lagu taageerayo haweenka iyo wacyigelin ku aadan tacadiyada dhinaca Jinsiga ah. Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho ayaa […]
    • Obama oo Jeediyey Khudbadda Amniga Qaranka December 7, 2016
      Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa shaley jeediyey khudbadiisii ugu danbeysey ee ammaanka qaranka.
    • Somaliland: Shir Looga Hadlayo Doorashooyinka oo Furmay December 7, 2016
      Shir lagu lafa gurayo geedi socodka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ka furmay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.
    • Norway: Wiil Loo Qabtay Dilka 14 Jir Soomaali ah December 7, 2016
      Booliska dalka Norway ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen wiil 15 sano jir ah oo labo maalmood ka hor dil u gaystay wiil Soomaaliyeed oo 14 sano jir ah oo lagu magacaabay Yacquub Cabdullahi Xasan.
    • Mareykanka oo Ka Digay u Safarka Ethiopia December 7, 2016
      Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sii wadda inay muwaadiniinteeda uga digto halista uga iman karta u safarka dalka Ethiopia.
    • Dhalinyaro Muqdisho ka Bilaabay Wacyigelinta Nabada December 7, 2016
      Ururka Dhalinyarada ee Dhaqdhaqaaqa Kacdoonka Qabyaalad diidka waa urur ay sameeyeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay London, hase yeeshee tan iyo sanadki hore waxay howlo wacyi gelin dhinaa bulshada ah, gaar ahaan dhalinyarada ay ka wadeen qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.
    • In ku Dhow 100 oo ku Dhimatay Dhulgariir ka Dhacay Indonesia December 7, 2016
      Tirada dhimashada dhulgariir xooggan oo aroornimadii arbacada ku dhuftay dalka Indonesia ayaa sare usii kaceysa.
    • ​Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 348 December 7, 2016
      Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.  
    • Muqdisho: Doorashada Xidlhibaanada Waqooyi oo Billaabatay December 6, 2016
      Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka bilaabatay doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee xubnaha baarlamaanka Soomaaliya u matalaya gobollada Waqooyi.
    • Diyaarado Duqeeyey Qandala iyo Dagaal ka Dhacay December 6, 2016
      Wararka ka imanaya Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in hawlgal milatari uu xalay ka dhacay meel 34 km jirta magaalada Qandala oo lagu magacaabo Madlaxo, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo dhinaca amniga ah.
    • Iska Horimaad ka Dhacay Jubbada Hoose December 6, 2016
      Iska horimaad ayaa maanta ka dhacay deganaka Haawina oo u dhexeeya Dhoobley iyo Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose.  Iska horimaadka ayaa dhacay markii maleeshiyada ururka Al-Shabab ay weerar kedis ah ku qaadeen kolonyo baabuur milatari ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya oo saad u siday dhinaca magaalada Dhoobley. Baabuur ay leeyihiin ciidamada milatariga Ken […]
    • Dowladda Somalia oo Ganaaxday Markab Kalluumeysi December 6, 2016
      Wasiir Ku xigeenka Kaluumaysiga Soomaaliya Saciid Jaamac Maxamed ayaa sheegay in markabkan uu yahay mid ay u diideen ruqsadda kalluumeysiga balse sameystay warqado been abuur ah.
    • Liiska Xildhibaanada Lagu Soo Doortay Baydhaba December 6, 2016
      Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa noqday maamulkii labaad ee soo geba gebeeya doorashada xildhibaanada cusub ee Aqalka Hoose ee baaralamaanka Soomaaliya.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 45 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Shirweynihii 8aad Ee Jaalliyada Hiiraan oo Shalay Ka Dhacay Magaalada Geneva Ee Wadanka Switzerland


DSC_0277Geneva:- Shirweynihiii Sanadlaha Ahaa Ee ay Jaalliyada Reer Hiiraan

 

 

Ku yeelan jirtay Sanad Walba Wadanka Switzerland ayaa Shalay 

 

 

oo ay Taariikhdu Aheyd 17. 12. 2011 Ka dhacay Magaalada Geneva

 

 

Ee Wadanka Switzerland ka dhacay  Kulankan oo Sanad kasta Xiliyadan Dhaca, Ayay ka Soo qeyb Galeen dhamaan bulshada ku kala nool Gobollada kala duwan Ee Wadanka Switzerland  kana soo jeeda Beesha G/jecel Shirkan oo sandla ah Ayaa sida caadiga ah waxaa looga hadlaa


Arrimaha markaas taagan kuwa qorsheysan in la qabto sandka soo socda iyo wixii soo  qabsoomay

Sanadkii hore shirka 2011 oo ay ka soo qeyb galeen Dhalinyaro odayaal iyo Haween ayaa ku dhacay

 

Jawi farxadeed is faham aad u Sareeya shirka ayaa ku furmay Aayadaha Qur,aanka kariimka ah

Kadibna gudigii howsha waday labadii sano ee la soo dhaafay ayaa laga Dhageystay warbixino

Guddaha iyo dibada ah kuwaasoo ay ku faah faahiyeen waxyaabihii qabsoomay Sanadkan dhamaadka ah

Ee 2011 kaasoo ay u badnaayeen Kaalintii Xooganeyd ee ay Jaalliyada ka Qaadatay gargaarkii

Abaaraha iyo oonka ee ka dhacay gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyadoona Ay guddiga Jaaliyada

Soo bandhigeen Gargaaro la gaarsiiyay Goboladda min Hiiraan ilaa Jubbada Hoose kuwaasoo goobta

Lagu soo bandhigay Dokumentiyo Sawiro iyo tirada deeqdii gaartay meel walba intaas kadibna waxaa

La guda galay Ajendaha shirka Sanadkan oo u badnaa in la weydiiyo ka soo qeyb Galayaashii Shirka 

Wixii Fekrado Cusub oo ay ku biirinayaan qaabka ay howsha ku soo socotay Taasoo markii si

Saraaxad iyo is dhageysi leh looga hadlay la isku raacay in ay howsha ku socotay Si aad u wanaagsan

Marka laga reebo qodobo dhowr ah oo lagu siyaadiyay Sanadkan Cusub iyadoona Si weyn loo amaanay

Xubnihii shirkan  Marti geliyay ee Reer Geneva intaas kadibna waxaa bilowday Doorashada Gudiga Cusub

Kaasoo la wareegay Hogaaminta Labada Sano ee Soo Socota iyadoona isla goobta  ay Gudigii hore

Ku wareejiyeen Xilkii oo ka koobnaa Dokomentiyo Xisaab Lacageed iyo waliba howshii la qaban  lahaa

Sanadka Cusub ee 2012 ugu dambeyna waxaa lagu heshiiyay in Shirka Sanadka Soo Socda uu ka dhici doona

Magaalada Zurich ee Wadanka Switzerland markay Taariikhdu tahay 1.7.2012 Hadii Alle ogolaado  gudiga Cusub ee  la doortayna waxay kala ahaayeen Sidan hoos ku qoran

  1. Gud. Nuur Nuunow Cabdi

  2. Maxamad X Xuseen Axmad

  3. Xasan Cabdi Ganey

  4. Maxamad Cismaan Camey

  5. C/fataax Maxamad Salaad

  6. Xabiibo Cabdi Cali

  7. Maryan Axmad Cusmaan

DSC_0252DSC_0277DSC_0275p1010033p10100221DSC_0265DSC_0260

DSC_0240shirka_beesha_12

One Response

  1. Aad baan ugu farax sanahay inaan arko beesha gaal jecel siidaan isku imaneyo ayako waato ula jeedo iiney cawiiyaan walalhooda somaliyeed oo dhibateysan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: