• RSS Somali VOA

    • Dowladda: Hirshabeelle Ha Doorato Madaxweyne Cusub August 20, 2017
      Wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaiya ayaa sheegtay in xil ka qaadista madaxweynaha maamulka Hirshabeela ay sharci tahay.
    • Waraysiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland August 20, 2017
      Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ku sugan Laascaanood ayaa ka hadlay barnaamijka kaadh-qaybinta codbixiyayaasha Somaliland.
    • Wicitaanka Dhegaystaha: Xeerka Argagixisada August 20, 2017
      Kusoo dhowaada barnaamijka Wicitaanka Dhegaystaha oo toddobaadkan ku saabsan xeerka argagixisada ee dhawaan uu ansixiyey golaha Wasiirada ee Soomaaliya. Sahra Cabdi Axmed ayaa innala socodsiinaysa
    • Hawl-galka Koonfur-Galbeed ee ka Dhanka ah Shabaab August 20, 2017
      Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay inay degaanka u dhexeeya Afgooye iyo Bariire ay ka nadiifiyeen maleeshiyada ururka Al-Shabab kadib weerar ay qaadeen maalintii shalay.
    • Dowladda Soomaaliya oo La Dagaalamaysa Dawooyinka Dhacay August 19, 2017
      Munaasabad lagu daah furayey Sharciga Habraaca Daweynta Soomaaliya oo ay soo agaasintay Wasaarada Caafimaadka ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
    • Wararki Ugu Danbeeyey ee Horyaalada Kubadda Cakta Yurub August 19, 2017
      Waxaa todobaadkaan bilowday horyaalada kubadda cakta ee Talyaaniga iyo Spain, Halka Ingiriiska iyo horyaalada kale ee Yurub ay maalmahanba socdeen.
    • Barnaamijka Caweyska Washington August 19, 2017
      Barnaamijka Caweyska Washington waxaad ku dhageysataan qodobo suugaan iyo maaweelo isugu jira oo xiisa badan.
    • Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Bariire August 19, 2017
      Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Midowga Africa iyo ciidamo aan badenyn oo ajnabi ah ayaa saakay weerar ku qabsaday deegaan Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose.
    • Xuska Maalinta Gargaarka Bani Aadminimada August 19, 2017
      Maanta oo dunida laga xusay maalinta gargaarka caalamiga ah, iyadoo loo isticmaalay jeedinta baaqyo ku aadan dhowrista shaqaalaha gargaarka iyo fududeynta marintada gargaarka
    • Bannon oo Shaqada Aqalka Cad Laga Eryay August 19, 2017
      Steve Bannon, madaxa istaraatiijiyada Aqalka Cad ayaa xilkii laga qaaday. Banon oo ka mid ahaa dadka uu sida weyn u dhageysan jiray madaxweyne Trump ayaa afkaartiisu ay u janjeertaa dhinaca midigta fog ee xisbiga Jamhuuriga.
    • Horyaalka Jarmalka oo Bilowday  August 19, 2017
      Horyaalka dalka Jarmalka ee Bundesliga ee xilli ciyaareedkan cusub ayaa xalay si rasmi ah u furmay, iyadoona kooxda heysata horyaalnimada ee Bayern Munich ay guul ku bilaabatay kadib marki ay 3-1 ku garaacday Bayen Leverkusen.
    • Monaco oo Taariikh Cusub u Dhigtay Horyaalka France August 19, 2017
      Kooxda difaacaneysa horyaalnimada dalka Faransiiska ee Monaco ayaa noqotay naadigi ugu horeeyey oo 15 kulan oo xiriir ah oo ka tirsan horyaalka dalkaasi badisa, kadib marki ay xalay 1-0 uga badiyeen Metz.
    • Finland: Weerar Mindiyeyn ah oo Dad lagu Dilay August 18, 2017
      Booliska dalka Finland ayaa raadinaya dad lagu tuhunsan yahay mindiyeyn baahsan oo hal qof lagu dilay, islamarkaana sideed kale lagu dhaawacay, magaalo xeebeedka ku taalla Koofnurta Galbeed ee dalkaas ee Turku.
    • Xubno Loo Maleynayo Shabaab oo Dad ku Gowracay Kenya August 18, 2017
      Mintidiin looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay xalay weerar ku qaadeen tuulada Maleli oo ka tirsan deegaanka Wite ee gobolka Lamu ee dalka Kenya.
    • Madaxii Garsoorayaasha Xiriirka K/Cagta Somalia oo la Dilay August 18, 2017
      Madaxii garsoorayaasha xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya Cusmaan Jaamac Diraac ayaa xalay dablay hubaysan ay toogasho ku dileen magaalada Muqdishu. Dilkaasi ayaa argagax geliyey bahda ciyaaraha Soomaaliya oo iyagu siyaasadda aan faraha la gelin. Marxuumka ayaa la sheegay in dablay bastoolado wadatay ay ka toogteen qaarka sare ee jidhkiisa, xilli uu kusoo […]
    • Faaqidaadda: Soomaaliya iyo Xiisadda Dalalka Khaliijka August 18, 2017
      Maamulka Puntland ayaa dhowaan sheegay inay taageerayaan xulufada dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo xiisad ay kala dhaxeydo dalka Qadar. Mowqifka Puntland ayaa ah mid ka duwan kan dowladda federaalka oo sheegtay inay dhex dhexaad ka tahay khilaafka labada dhinac. Haddaba kala duwanaansha aragti ee dowladda federaaka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada s […]
    • Dhimashada Dhiiqo-guurkii Sierra Leone oo Gaartay 400 August 18, 2017
      QM ayaa maanta sheegtay in dhimashada dhiiqo-guur-kii ka dhacay caasimadda dalka Sierra Leone ee Freetown ay gaartay 400 qof.
    • Spain: Dad la Raadinayo Kadib Weerarkii Argagixiso August 18, 2017
      Dalka Spain ayaa waxaa laga raadinayaa dad la tuhmayo kadib markii weerar argagixiso oo loo adeegsaday laba baabuur ay 13 qof ku dileen islamarkaana 100 kale ku dhaawaceen magaalada Barcelona ee gobolka Catalonia.
    • Mourinho oo weli aan ka rajo dhigin saxiixa Perisic August 18, 2017
      Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa weli doonaya in kooxda uu kusoo biirayo xiddiga kooxda Inter Milan garabka uga cayaara ee Ivan Perisic. Macallin Mourinho oo la sheegay inuu ku qnaacsan yahay xaaladda kooxdiisa, kadib markii ay horyaalka ku furatay 4-0 ay kaga adkaatay West Ham, ayaa rumeysan inuu u baahan yahay cayaaryahan kale oo gara […]
    • West Brom oo diiday yaboohii Man City ee Jonny Evans August 18, 2017
      Kooxda kubadda cagta West Brom ayaa diiday yabooh kooxda Manchester City ay dooneysay inay kula saxiixato daafaca kooxdaas Jonny Evans.  Macallinka kooxdas Tony Pulis oo manata shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in naadiga Baggies uusan saarnayn wax cadaadis ah oo ay ku iibiso laacibkaas. City ayaa la rumeysan yahay inay ku yaboohday 18 milyan oo gini oo ay k […]
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Shirkii Gollaha Wasiirada Maanta iyo Qoodobadii Ka Soo Baxay ( War-Saxaafadeed )


Golaha-Wasiirada_October-26-500x333Muqdisho Axad 11 December 2011  Shir ay maanta yeesheen Golaha

 

 

 

Wasiirada oo uu shir-Guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha

 

 

 

Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr

 

 

 

ah oo ay ka mid yihiin safarkii Ra’iisul Wasaaraha, arrimaha amniga, arrimaha Gargaarka Bani’aadanimo iyo waxqabadka Xukuumadda. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka warbixiyey safarkii uu ku tegey waddamada Qatar, Kuwait iyo Kenya oo uu sheegay in safarku uu ahaa

Mid guul ah oo xiriirkii waddamada carabta dib loo soo nooleeyey, isla markaana kulamadii uu la qaatay Amiirada Qatar iyo Kuwait iyo Ra’iisul Wasaarayaasha labada dalba ay ahaayeen kulamo miro dhal ah oo ay dhammaan mas’uuliyiintii uu la kulmay ay muujiyeen sida ay u daneynayaan shacabka Soomaaliyeed, sheegeena inay garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Qatar iyo Kuwait waxey ballanqaadeen inay sii labo jibaarayaan gar-gaarka bani’aadanimo, isla markaana ku taageerayaan shacabka Soomaaliyeed mashaariic horumarineed si barakacayaasha loogu celiyo guryahooda. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inuu la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qatar iyo Kuwait kalana hadlay sidii ay dib-u-dhiska dalka uga qeyb qaadan lahaayeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu Kenya kula Kulmay Ra’iisul Wasaare Raila Odinga iyo diplomaasiyiinta Midowga Yurub, Jaamicadda Carabta, iyo wakiilada UK, Spain iyo Talyaaniga kalana hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa Roadmap ka. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kala hadlay UK shirka la filayo inuu dhaco 23ka Febraayo isla markaana u sheegay in loo baahanyahay inuu shirka noqdo mid dar-dargeliya dhaqangelinta Roadmapka sida dastuurka iyo dib-u-habeynta baarlamaanka si looga gudbo marxaladda kala guurka ah oo loo helo dowlad rasmi ah.

Wasiirada Amniga ayaa sheegay inay xoojiyeen howlgalada lagu sugayo amniga ee Muqdisho, isla markaana la howlgeliyo roondo si joogta ah uga howlgasha magaalada, tanoo suurtogelisay in la soo qabtay ilaa iyo 35 danbiilayaal isla markaana laga hortagay falal argagaxisonimo ah. Wasiiradu waxey sheegeen in howlgalada lagu sugayo amniga ay si joogta ah u socon doonaan, tanoo yareysay falalkii usbuucyadii hore ka dhacay Muqdisho, shacabkana ay aad u soo dhoweeyeen howlgalada ciidamada amniga.

Guddiga heerka Wasiir ee arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo ayaa sheegay in arrimaha gar-gaarka ay si fiican u socdaan loona baahanyahay in la dhaqangeliyo mashaariicda dib-u-dejinta loogu sameynayo barakacayaasha. Guddigu waxey sheegeen in Hay’adda Mussiibooyinka Qaranka ay howlo muhiim ah qabteen loona baahanyahay in hay’adaha gar-gaarka lagu dhiiri geliyo inay sii labo laabaan gar-gaarka bani’aadanimo oo ay sheegeen inay weli jiraan dad aad u fara badan oo u baahan gar-gaar deg-deg ah.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka codsaday wasaarad walba inay waxqabakeedii u soo bandhigto shacabka Soomaaliyeed si ay isla xisaabtan dhab ah u timaado. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inay waajib tahay in loo adeego shacabka, lana dar-dargeliyo howlaha qaranka iyo shacabka loo hayo.

– DHAMAAD –

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: