• RSS Somali VOA

    • Trump oo Noqday Madaxweynaha Mareykanka January 20, 2017
      Donald John Trump ayaa maanta noqday madaxweynaha 45-aad ee dalka Mareykanka, wuxuuna dalka hoggaamin doonaa afarta sano ee soo socota.
    • Warbixin: Waa kuma Donald John Trump? January 20, 2017
      Donald John Trump oo sideeddii November 2016 loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Mareykanka ayaa maanta xilkaas si rasmi ah u qaban doona marka la dhaariyo.
    • Taariikhda Caleemo Saarka Madaxweynaha Mareykanka January 20, 2017
      Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa maanta la caleemo saarayaa, waxaana munaasabadda dhaarta ee Donald Trump shaashadaha caalamnka ka daawan doono malaayiin qof.
    • Yabarow iyo Jawiga Washington DC ee Maanta January 20, 2017
      Ku dhawaad hal milyan oo ruux ayaa goob jog u noqon doonta munaasabada lagu caleema saarayo laguna dhaarin doono madaxweyne Trump, halka malaayiin ruuxna ay ka daawan doonaan shaashaddaha caalamka.
    • Trump oo Maanta Loo Dhaarinayo Madaxweyne January 20, 2017
      Madaxweynaha dooran ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in maanta uu si rasmi ah u noqdo madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka, kadib marka uu xilka kala wareego madaxweyne Barak Obama.
    • Millatariga Senegal oo Gudaha u Galay Gambia January 20, 2017
      Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u aqoonsaday Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia, Adama Barrow inuu yahay hogaamiyaha sharciga ah, xilli madaxweyne Yahya Jammeh uu wali diidanyahay inuu awooda wareejiyo.
    • Doorka Soomaalida Norway ee Gurmadka Abaaraha Soomaaliya  January 19, 2017
      Hey’adaha aanan dowliga aheyn ee ka shaqeeya arrimaha gargaarka ee dalka Norway iyo madaxda jaaliyada Soomaalida Norway, ayaa kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Oslo waxay kaga hadleen sida ugu wanaagsan ee kaalmo deg deg ah loo gaarsiin karo dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira Soomaaliya.
    • Mexico oo Dowlada Mareykanka u Gacan-gelisay El Chapo Guzman January 19, 2017
      Dowlada Mexico ayaa xalay usoo gacan gelisay Dowlada Mareykanka, Joaquin "El Chapo" Guzman oo ah gangistarka ugu weyn ee kooxaha ka ganacsado daroogada ee dalka Mexico.
    • Fallanqeyn: Faro-gelinta lagu Sameynayo Gambia January 19, 2017
      Waddamada Galbeedka Afrika oo ay ugu horreeyaan Senegal iyo Nigeria ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ciidamo u diraan dalka Gambia, waxaana maanta ku eg muddada loo qabtay in madaxweyne Yahya Jammeh uu xilka ku wareejiyo Adama Barrow.
    • Madaxweyne Xasan oo ka Hadlay Abaarta January 19, 2017
      Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in gobollo badan ay dhammaanayaan dadkii da’da ahaa iyo caruurta, oo ay soo hareen dadkii xoogga lahaa.
    • Jarmalka oo Ballanqaad u Sameeyey Jubbaland January 19, 2017
      Safiirka dowladda Jarmalka u fadhida Soomaaliya Jutta Frasch oo shalay gaartay magaalada Kismaayo iyo madaxdweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka wada hadlay dhibaatooyinka dhanka nolasha ee ka taagan deegaanada Jubbaland.
    • Wareysi: Hooyo Wiilkeeda Lagu Haysto Saxaraha January 19, 2017
      Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa haatan lagu haystaa saxaraha u dhexeeya Suudaan iyo Liibiya. Cali Ibraahin oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa ka mida dadka gacanta ugu jira kooxaha loo yaqaano magafayaasha ee ka ganacsada tahriibka. Haddaba saamayn noocee ah ayaa falalka tahriibku ku reebaan qalbiga hooyooyinka ubadkoodu tahriibaan. Weriyaha VOA ee Boosaaso […]
    • Barrow oo Lagu Caleemo Saarayo Senegal January 19, 2017
      Madaxweynaha la doortay ee dalka Gambia Adama Barrow ayaa maanta sheegay in caleemo saarkiisa lagu qaban doono safaaradda Gambia ee dalka deriska la ah ee Senegal, kadib markii hoggaamiyaha muddada dheer hayey talada Yahya Jammeh uu diiday inuu xukunka ka dego.
    • 60 Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Mali January 19, 2017
      Koox xagjir ah oo xiriir la leh ururka al-Qaida ayaa sheegatay mas,uuliyada weerar isqarxin ah oo Arbacadi shalay lala eegtay xero milatari oo ku taala waqooyiga dalka Mali, halkaas oo ay ku dinteen ugu yaraan 60 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 115 kale.
    • ​Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 354 January 18, 2017
      Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 354-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.  
    • Fallanqeyn: Maxaa Xiga Doorashooyinka Somalia? January 18, 2017
      Cabdirashiid Kahliif Madaxa Machadka Daraasaadka ee Heritage ee fadhigiisuyahay magaalada Muqdisho ayaa fallanqeynaya.
    • Al-Shabab oo Dishay Askari u Dhashay Uganda January 18, 2017
      Ururka Al-Shabab ayaa shalay sheegay inay dileen askari u dhashay Uganda oo ay hayeen tan iyo bishii September ee sanandkii 2015-ka.
    • Doorashada Aqalka Hoose oo ka Dhacday Muqdisho January 18, 2017
      Doorashadii xubnaha Aqalka Hoose ee matalaya Somaliland ayaa mar kale maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana maanta la doortay saddex kursi.
    • Wararkii ugu Dambeeyey Xaaladda Cadaado January 18, 2017
      Iska dhac dhex maray ciidamada Nabad Sugida iyo Booliska degmada Cadaado ee caasimada ku meel gaarka ah ee Galmudug ayaa shalay sababey dhimashada afar askari iyo dhaawaca shan kale. Iska horimaadkan ayaa ka dhashay kadib markii ciidanka Nabadsugidu ay tageen xarunta Xildhibaanada Galmudug oo dhawaan loo diidey in ay kulamo ku qabsadaan madaxtooyada Galmudug […]
    • Madaxweynaha Shiinaha oo ka Digay Dagaal Ganacsi January 18, 2017
      Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa dowladaha dunida uga digay halista ka iman karta dagaal ganacsi, xilli uu ka hadlay Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee magaalada Davos ee dalka Switzerland.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 45 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Gollaha Wasiirada KMG ka Ah oo Xadeynta Baddaha Soomaaliyeed Ka Saaray Road Map ka


astaanta-qaranka13Muqdisho: Kadib markii ay dadka Soomaaliyeed qeylo dhaan weyn ka

 

Muujiyeen Xadeynta baddaha Soomaaliya oo sanadadii dambe

 

 

 

Soo Noqnoqoneysay kadib markii ay Baarlamaanka KMG ka ah laba jeer

 

 

 

kala hor yimaadeen qorshe ay wadamo badan oo deris iyo Caalami ahba ku doonayeen in ay Badda Soomaaliya inta Nacfiga leh kula wareegaan inta ay Soomaalida dhulka Jiifto ayay markii u horeysay Gollaha Wasiirada


ku soo biireen dareenka Soomaaliyeed ee ah in aan laga hadli karin xiligan  Xad baddeed Shirkii gollaha

wasiirada ee 11.10.2001 ka dhacay Muqdisho oo waxyaabo badan looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa in dhamaan

Dokumentiyada Dowlada ee Xiliga KMG ka ah laga Saaro Xadeynta EEZ ka War-saxaafadeedkina waxa uu u qornaa sidan:-

 

War-Saxaafadeed

Shirka Golaha Wasiirada

Muqdisho, 11 October 2011


Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin warbixin safarkii Ra’iisul Wasaaraha, Qaraxii 4ta October,Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada (NSSP) iyo arrimaha badda.

Golaha Wasiirada waxey maanta warbixin ka dhageysteen Ra’iisul Wasiiraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ee safarkii shaqo ee uu ku tagey Qaramada Midoobey, Mareykanka, Canada, Denmark iyo Ethiopia. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in safarkan uu ahaa mid guul iyo isafgarad ku soo dhamaaday oo caalamku ay aad ugu qanacsanaayeen horumarka dhanka amniga, gar-gaarka bani’aadanimo, xiriirka Dowladda Federalka iyo Maamulada dalka ka jira, dib-u-heshiisiinta iyo maamul wanaaga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in caalamku ay aad ugu soo gurmadeen arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo, hase yeeshee uu caalamka kala soo hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa oo ummadda soomaaliyeed loo soo gaarsiin lahaa mashaariic horumarineed oo soo celiya adeegyadii bulshada iyo nolol maalmeedkii shacabka soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaruhu waxuu sheegay in loo baahanyahay in Roadmap kii 6da September ay Soomaalidu saxiixdeen la dhaqangeliyo.

Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo qubaro Soomaaliyeed ayaa laga dhageystay warbixin la xiriirta qabyo qoraalka Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada (NSSP), dood dheer ka dib waxaa la go’aamiyey in qabyo qoraalka lagu soo sameeyo saxitaan iyadoo la tixgalinayo macluumaadkii iyo fikradihii goobta laga soo jeediyey, isla markaana la soo ururiyo fikradaha Saraakiisha Soomaaliyeed, ka dibna wadatashi loogu gudbiyo ka soo qeybgalayaashii shirkii wadatashiga ahaa. Qabyo qoraalka Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgeyada (NSSP) ayaa lagu soo celin doonaa golaha wasiirada si ay u ansixiyaan ka dibna loogu gudbiyo Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Wasiirka Kalluumeysiga, Qeyraadka Badda iyo Bey’ada iyo qubaro Soomaaliyeed ayaa laga dhageystay warbixin la xiriirta arrimaha Badda. Dood dheer ka dib golaha Wasiiradu waxey go’aamiyeen in arrimaha badda sida EEZ laga saaro dhammaan dokumentiyada sida Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada iyo Roadmapka.

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegay inay wadaan dadaalo ay kula xiriirayaan eheladii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay, si warbixin dhameystiran ay ugu soo gudbiyaan golaha wasiirada, sheegayna in Dowladda Turkiga ayaa qaaday 36 ka mid ah dhaawacii. Wasiirku waxuu sheegay inay arrimahooda u marayaan heer wanaagsan una mahadceliyey shacabka soomaaliyeed oo si wanaagsan ula shaqeeyey. Golaha Wasiiradu waxey kaloo go’aamiyeen in 8dii wasaaradood ay dib u howlgalaan loona saaray guddi ka soo talo bixiya 3 maalmood gudahood, iyagoo sheegay inaysan Al-Shabaab marnaba laga aqbaleynin inay hakad geliyaan u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

– DHAMAAD –

One Response

  1. waan ku faraxsanahay waxaana mahad u calinayaa aqoonyahanada iyo geesiyiinta dharbaaxada ku dhuftey calooshood u shaqeystayaasha wasiirada isku sheegaaya hantida maguurtada ahna siisanaya warqado nin facood ah warqad uu sameeyey euro kuna riyoonaaya guri nin facood ah uu leeyahay

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: