• RSS Somali VOA

    • Mareykanka: Burcad Badeed Soomaali ah oo la Xukumay April 27, 2017
      Burcad badeed Soomaali ah ayaa inta noloshiisa ka harsan ku qaadan doona xabsi federal oo Mareykanka ku yaalla, sababo la xiriira inuu weerar ku qaaday Markab ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka, sanadii 2010.
    • Qarax ka Dhacay Meel u Dhow Garoonka Dimishiq April 27, 2017
      Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Dimishiq ee dalka Syria, waxaana ka dhashay dab xooggan, ayada oo la is-weydiinayo sababta keentay.
    • Soomaalida oo Soo Dhaweeyay Go'aanka Mareykanka April 27, 2017
      Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa soo dhaweeysay go,aanki kasoo baxay Hey’adaha Socdaalka Mareykanka ee ahaa inay joojinayaan qabqabashada dadka Soomaalida ah ee sharci darrada ku jooga dalkaan Mareykanka.
    • Xasan Shire oo La Abaalmariyay April 27, 2017
      Abaalmarinta Richard C. Holbrooke Award ee sanad walbaa lagu siiyo magaalada Washington ee caasimada Mareykanka dadka bulshooyinkooda wax tara, ayaa sanadkaan waxaa la siiyey gudoomiyaha difaacayaasha xuquuqda aadanaha Africa, Xasan Shire Sheekh.
    • Mareykanka oo Joojiyey Qabashada Dadka Soomaalida April 26, 2017
      Hey’adaha socdaalka ee Mareykanka ayaa ku wargeliyay safaaradda Soomaalida inay joojinayaan qabqabashada dadka Soomaalida ee sharci darada ah oo aan guryahooda ama goobahooda shaqo loogu tagi doonin.
    • Rabshado la Xiriira Doorashada oo ka Dhacay Kenya April 26, 2017
      Dalka Kenya ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay ku fidaan rabshado goos goos ah oo la xiriira doorashooyinka  mudadoodu soo dhawaatay ee la filayo inay dalkaas ka dhacaan.
    • Ciidamada Kenya iyo Ethiopia oo Xadgudubyo Lagu Eedeeyey April 26, 2017
      Warbixin ay qortay qeybta ilaalinta rayidka ee hay'adaha gargaarka ee ka hawlaga Soomaaliya ayaa ku eedeenaysa ciidamada Kenya iyo Itoobiya iyo kuwa AMISOM in hawklgalladooda Soomaaliya ay xadgudub ku yihiin mabaadi’da bani'aadannimada.
    • Wareysi: La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweyne Farmaajo April 26, 2017
      Xuseen Macalin Maxamud (Damuumaaye) oo ah la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta faah faahin ka bixiyay Qorshaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed.
    • Hiiraan: Dagaal Dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidamada Ethiopia April 26, 2017
      Ciidamada Ethiopia iyo Al-Shabaab ayaa maalintii labaad waxaa uu dagaal goos goos ah ku dhexmarayaa deegaano ku yaalla inta u dhaxeysa magaalada Baledweyne iyo deegaanka Halgan.
    • Boosaaso: Shan Qof oo Qaraxyo Watay oo la Qabtay April 26, 2017
      Taliska qeybta booliska ee gobolka Bari ee Puntland ayaa maanta Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaaladda Boosaaso ku soo bandhigay 5 nin oo la sheegay inay wateen waxyaabaha qarxa.
    • Trump oo Maanta Shaacinaya Qorshe Canshuur Dhimis April 26, 2017
      Filashada qorshaha canshuur dhimista loo sameynayo shirkadaha waa weyn iyo shaqsiyaadka ee madaxweyne Donald Trump ayaa sare u qaaday qiimaha suuqyada saamiyada Mareykanka shalay iyo kuwa qaaradda Asia, xalay.
    • Warbixin: Baarlamanka oo Su'aal Ka Keenay Qorshaha Dhisidda Ciidanka April 26, 2017
      Intiinnii dhageystay idaacaddayadi fiidnimo ee xaley, Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaley dood ka keenay qorshaha difaaca qaran ee lagu dhisayo ciidamada Soomaaliya.
    • Guddiga Difaaca BF oo Diiday Qorshaha Dhismaha Ciidanka April 25, 2017
      Guddiga difaaca ee baarlamanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay qorshaha dhismaha ciidamada qaran ee Soomaaliya ee dhowaan ay isku raaceen dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.
    • Duqeyn ka Dhacday Qeybo ka Mid ah Gedo April 25, 2017
      Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegayo in duqeyn xoogan ay oo dhowr gantaal loo adeegsaday ay ka dhacdey deegaanada War Gaduudo iyo Modaale oo hoos yimaado degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
    • Soomaaliya: Cudurka Daacuunka oo Dilay 500 oo Qof April 25, 2017
      Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in ilaa 500 oo qof ay u dhinteen cudurrada  daacuunka ee ka dhashay abaaraha ka jira Soomaaliya.
    • Baydhaba: Askari Xukun Dil ah lagu Fuliyey April 25, 2017
      Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa saaka waxay xukun toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada booliiska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
    • Turkiga oo Fuliyey Duqeymo ka Dhan ah Kurdish-ka April 25, 2017
      Ciidamada Turkiga ayaa maanta fuliyey duqeymo ka dhan ah mucaaradka Kurdish-ka ee ku sugan waqooyiga Ciraq iyo Waqooyiga Bari ee Syria.
    • Soomaaliya oo la Wareegeysa Sugidda Amnigeeda April 25, 2017
      Mareykanka iyo Midowga Africa ayaa isku raacay inuu soo dhawaaday waqtigii Soomaaliya ay la wareegi laheyd mas'uuliyaddeeda dhinaca ammaanka.
    • Buug Laga Qoray Soomaalida Ohio iyo Minnesota April 25, 2017
      Waxaa xalay magaalada Colombus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka lagu soo bandgigay buug ilaga qoray jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolada Ohio iyo Minnesota.
    • Obama oo Baaq u Diray Dhallinyarada April 24, 2017
      Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama oo markii ugu horeysay dib ugu soo laabtay nolosha dadweynaha tan iyo markii uu xilka ka degay ayaa ugu baaqay da’ yarta magaalada Chicago inay u dhaqdhaqaaqan bulshada, si la mid ah isaga, inta uusan siyaasadda gelin.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Ciidanka Dowlada oo Markii u Horeysay Labada Control Ee Muqdisho Gacanta Ku Dhigay


aMuqdisho : Dagaalo xoogan oo maanta Mar kale ka qarxay goobihii ay Shabaab

 

 

iyo dowlada isku hor fadhiyeen ayay Ciidanka dowlada ka gudbeen Ex-

 

 

 

Control Balcad iyagoona gaaray Xaafada Suuqa Xoolaha ee Magaalada

 

 

 

Muqdisho Wararka laga helayo goobaha dagaalka ayaa sheegaya in Ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM ay Subaxnimadii hore ee saaka gacanta ku dhigeen fariisimooyin ay horay Maleeshiyaadka kooxda Shabaab ugu sugnaayeen oo ay kamid yihiin

Xaruntii  Warshadda Baastada isgoyskii EX Contro Balcad Isbitaalka SOS Xeyle Barrise Shineemo Cabdi Waayeel 

 

Dagaalka oo Sida la sheegayo markii hore qabow ku bilawday  ayaa.la sheegayaa in uu si xoog leh u kululaaday

 

Kadib markii ay Ciidanka Dowlada iyo kuwa AMISOM hore u dhaafeen Isbitaalka SOS

 

Halkaasoo ay Maleeshiyada Shabaab weerar Xoogan ka soo qaadeen Warshadii Maslax

 

Maxamad Siyaad oo ka mid aheyd Xarumaha ugu waaweyn ee ay Shabaabka Muqdisho

 

Ku lahaayeen  dhinaca kale waxaa la sheegayaa in uu jiro Bara-kac xoogan oo ka Socda

 

Xaafadaha SOS iyo Suuqa xoolaha oo iyaga waqti dheer oo tan iyo bixitaankii Ciidanka

 

Ethiopia ka nabdoonaa dagaalda Muqdisho dagaalkan iyo kii shalay ay Ciidanka Dowlada kula wareegeen

 

Dhamaan degmada Kaaraan ayaa imaanaya maalmo un kadib markii ay Kooxda Al-shabaab ku faaneen

 

Dilkii ku dhowaad Boqol qofood oo soomaali ah oo aan dagaal ku jirin Caruur iyo haweena u badnaa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: