• RSS Somali VOA

    • Sagaal Ciidanka Puntland Katirsan oo Qarax ku Dhintey April 23, 2017
      Wararka ka imanaya maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in ay sagaal askeri ku dhinteen qarax miino oo maanta ka dhacay waddo ku taalla buuralayda Galgala.
    • Barnaamijka Caweyska Washington April 22, 2017
      Barnaamijka Caweyska Washington waxaad ku maqli doontaan suugaan xiiso leh oo ay inala wadaagayaan qaar ka mid suugaanyahanada da'da yar
    • Dhageyso Barn. Hambalyada Iyo Heesaha April 22, 2017
      Dhageystayaal ku soo dhawaada barnaamijkii Xiisaha lahaa ee Hambalyada iyo Heesaha, Waxa la diyaar ah Ibraahim Xasan Daandurey iyo Caasho Ibraahim Aaden.
    • Dhageyso Dhacdooyinka Toddobaadka April 22, 2017
      Dhageystayaal ku soo dhawaada barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, waxana maanta la diyaar ah Jamaal Axmed Cismaan.
    • Xaguu Marayaa Dhismaha Ciidanka Soomaaliya? April 22, 2017
      Amaanka iyo dhismaha ciidanka Somalia ayaa galay marxalad cusub, kadib marki dhawaan ay madaxda Dowlada ku dhawaaqday qorshe cusub oo dib u habeyn dhinaca ciidanka ah.
    • Askari Dil Toogasho Lagula Fuliyey Muqdisho April 22, 2017
      Maxkamad milatari oo ku taalla magaalada Muqdisho, ayaa maanta xakun dil ah ku filisay askari ka tirsanaa ciidanka qalbka sida kaasoo lagu eedeeyey inuu dilay qof rayid ah.
    • 140 Ruux oo Lagu Dilay Afghanstan April 22, 2017
      Ugu yaraan 140 ruux ayaa geeriyootay kadib marki ay kooxda Taliban Jimcihii weerartay saldhig milatari oo ay leeyihiin ciidamada Dowlada Afghanstan oo ku taalla waqooyiga dalkaasi.
    • Barnaamijka Martida Makrafoonka April 22, 2017
      Barnaamijka Martida Makarafoonka, waxaa todobaadkan marti ku ah Xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaliya ee Hindiya, Axmed Maxamuud (Xiish) oo ka warramaya dhalinyaro soomaaliyeed oo ku xiran Hindiya.
    • Buula-Barde: Ruuxii Diley Askarigii Jabuutiyaanka oo Isna La Diley April 21, 2017
      Taliyaha Ciidamada dowladda ee degmada Buula Barde ayaa VOA u xaqiijiyay in howlgal ay galabta ciidanka sameeyeen ay ku dileen ninkii dilka u geystay askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee ka socday dalka Jabuuti.
    • Kenya: Waxaan Dilnay 52 Shabaab ah April 21, 2017
      Ciidamada dawladda Kenya ayaa sheegay inay dileen 52 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab 1-dii habeennimo ee xalay kadib weerar ka dhacay meel 9 km u jirta degaanka la yidhaahdo Sarira oo u dhow magaalada Badhaadhe.
    • Qoryooley: 6 Qof oo ku Dhaawacmay Qarax April 21, 2017
      Wararka ka imanaya magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeellha Hoose ayaa sheegaya in 6 qof oo rayid ah ay dhawacyo cuslus soo gaareen kadib qarax ka dhacay maqaayad ku taalla magaalada.
    • Wasiirka Waxbarashada oo u Jawaabay Al-Shabaab April 21, 2017
      Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo ka jawaabaya hadalka Al-Shabaab ayaa ugu baaqey inaysan waalidiinta dhegta u dhigin hadalka Al-Shabaab.
    • Faaqidaadda: Falalka Burcad Badeedda April 21, 2017
      Toddobaadyadii ugu dambeeyey waxaa dib usoo xoogeystay falalka afduubka maraakiibta ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya. Waxaa la afduubtay dhowr doon ama markab, waxaana tani ay kordhisay walaacii maraakiibta ay ka qabeen ku safarka biyaha ku dhow Soomaaliya. Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka waxaan ku eegeynaa falalkan dib usoo cusboonaaday, sababaha ugu waca […]
    • Xaaladda Paris oo Caadi ku soo Laabaneysa April 21, 2017
      Waddada caanka ah ee Champs-Elysees ee magaalada Paris ayaa maanta caadi ku soo laabaneysa kadib markii nin hubeysan uu khamiistii ku dilay qof boolis ahaa, islamarkaana ku dhaawacay laba qof oo kale.
    • Caruur Lagu Dilay Duqeyn ka Dhacday Gedo April 20, 2017
      Laba caruur ah ayaa dhimatey mid kalana dhaawac daran ayaa soo gaarey ka dib markii ciidamada Kenya ay duqeyn ka geysteen deegaanka Coos Qurun oo ka tirsan degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo.
    • Dowladda Somalia oo Cambaareysay Digniinta Al-Shabab April 20, 2017
      Dowladda Somalia ayaa cambaareysay digniin uu soo saaray ururka Al-Shabab oo uga digaya waalidiinta Soomaalida in ay carruurta u diraan Iskuullada iyo Jaamacadaha aan Islaamiga ahayn.
    • Howlgal ka Dhan Shabaab oo ka Billaabanaya Somalia April 20, 2017
      Dhawaan ayaa madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Federalka ay ku heshiiyeen qaab dhismeedka iyo isku dhafka ciidan qaran oo ay Somalia yeelato, lana hirgeliyo muddo lix bilood ah. Heshiiskan ayaa ku soo aaday iyadoo dowladdu ay diyaar garow xooggan ugu jirto dagaal uu madaxweynuhu sheegay in Al-Shabab looga xoreynayo Somalia. Shirkii Golaha Wasiirada ee […]
    • Hiiraan: Xiisad ka Dhalatay Askari laga Dilay Amisom April 20, 2017
      Xiisad ka dhalatay dil loo geystay shalay askari ka tirsan ciidanka Amisom qeybta Jabuuti ayaa si loo qaboojiyo waxaa magaaladasi gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle.
    • Pence oo Amaanay 'Islaamka Qunyar socodka' Indonesia April 20, 2017
      Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa amaanay wax uu ugu yeeray “dhaqanka islaamka qunyar socodka” ah ee dalka Indonesia, isaga oo booqday dalkaasi oo uu wada hadal kula yeeshay madaxweyne Joko Widodo iyo saraakiisha Ururka Dalalka Koonfur Bari Asia.
    • Bayle oo ka Hadlay Daymaha Somalia Lagu Leeyaha April 20, 2017
      Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Du’aale Bayle ayaa sheegay in Somalia si deymaha looga cafiyo looga baahan yahay inay la timaado dowlad wanaag fiican, iyo la xisaabtana muuqdo oo hay’adaha dowladda ah.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

War Saxaafadeed Xukuumadda Soomaaliya oo kordhineysa Ciidamada ilaaliya xeryaha Barakacayaasha


astaanta-qarankaMuqdisho : iyadoo ay maalmahan soo baxayeen warar sheegaya in Xeryaha

 

 

 

Barakacayaasha kuwooda ay Xukuumada KMG ka ah maamusho ay

 

 

 

Ka jiraan dhac kufsi baahsan ayaa Waxaa maanta soo baxay war-

 

 

 

Saxaafadeed ay Xukuumadu ku Sheegayso in la kordhinayo Ciidanka ilaaliya xeryaha Barakacayaasha arinkan ayaa imaanaya iyadoo ay Habeenadii la soo dhaafay ay qaar ka mid Talefishinada Caalamiga ah sii daynayeen warbixin uu soo duubay wariye u shaqeeya Talafeshinka Channel 4

Taasoo lagu wareysanayay Haween Barakacayaasha ah oo sheegaya in Habeen kasta uu “Kufsi ka dhaco

 

Xerooyinka Badbaado iyo Rajo maantana waxaa Xerada weyn Rajo booqday Madaxweynaha

 

DKMG ka ah Sh Shariif Sh Axmad oo balan qaaday in uu wax ka qabanayo Cabashooyinkii loo jeediyay

War Saxaafadeedka  Xukuumaddana  waxa uu u qornaa Sidan

Warsaxaafadeed:-

Mogadishu, October 1, 2011) Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa kordhienysa

Ciidamada Gaarka ah iyo Ciidamada Deegaanka ee ka howlgalaya xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho,kuwaasoo xeryaha ka howl-geli doona habeen iyo maalin si loo yareeyo dhibaatooyinka ka dhanka ah barakacayaasha.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii wasiirro ka tirsan Xukuumadda ay maanta booqdeen Xerada

Badbaado oo ah tan ugu weyn magaalada Muqdisho. Wasiirradu waxay doonayeen inay indhahooda ku sooarkaan xaaladda xeryaha, waxaana warbixin siiyay Hay’adda Qaranka ee Maareynta Musiibooyinka,iyadoo sidoo kale kulamo fool-ka-fool ah la yeeshay barakacayaasha.

Wasiirka Haweenka iyo Daryeelka Qoyska, Marwo Maryan Aweys Juma ayaa sheegtay inay aad ugu

faraxsan tahay sida xaaladda xerada ay u soo wanaagsanaatay labadii bilood ee la soo dhaafay dhinacyada nolosha iyo ammaanka. Hase yeeshee, waxay qirtay inay xerada ka dhacday hal dhacdo oo kufsi ah.

Waxay tiri: “Waxaan aad uga xunnahay inuu kufsi ka dhaco xerooyinka Muqdisho, haba ahaato hal

dhacdo, waxaana aan la qeybsanayaa xanuunka dadka ay dhibaatada noocaas ah soo gaartay. Waa inaan ilaalinaa xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah, waana inaan haweenka loo dayicin falalka noocaan oo kale ah.”

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka, Mudane Cabdixakiim Cige Guuleed, ayaa yiri:

“Waxaan xeryaha geynay booliis xirfad leh si ay sharaf shacabka ugula dhaqmaan. Shaqo wanaagsan ayay qabteen, waana la sii kordhin karaa. Waxaan sidoo kale kordhin doonnaa tirada ciidanka deegaanka ee xerada, qofkii looga shakiyo inuu dambiyo ka galay barakacayaasha waxaa la horkeeni doonaa sharciga haddii ay jiraan caddeymo ku filan.”

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) ayaa sheegay in Xukuumaddu ay aad uga go’an tahay gaarsiinta gargaarka iyo ammaanka xeryaha barakacayaasha, isla markaana aysan u dulqaadan doonon falalka ka dhanka ah barakacayaasha.

DHAMMAAD

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: