• RSS Somali VOA

  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Xukuumada KMG Ka Ah Ee Somaliya oo Maanta Gollaha KMG Ka Libya u Aqoonsatay in uu Matalao Shacabka Libya


astaanta-qaranka22MUQDISHO: – Gollaha Wasiirada Xukuumada KMG ka ah ee

 

 

 

Soomaaliya oo maanta Muqdisho kulankii Asbuuclaha ahaa ku

 

 

 

Yeeshay ayaa waxaa ka mid ahaa Qodobadii ay ka doodeen Amaanka

 

 

 

Muqdisho Deeqaha waxbarasho ee dowladda Turkiga kaasoo ay Cabashooyin Musuq maasuq ka soo yeereen iyagoona dhinaca kale ka dooday Qodob Ajendaha ka mid ahaa oo ka hadlayay Gollaha KMG ka ah ee Xukunka ka tuuray Hogaamiyihii Libya

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif iyadoo golluhu ugu horeyn ay ka doodeen qorshaha sugida Amniga waxayna si wada jir ah isugu raaceen in la adkeeyo sugida Amniga magaalada oo ay ku sugan yihiin hay’addo u soo gurmaday dalka.

Sidoo kale, shirka ayaa waxaa lagu dhegeystay warbixin ay soo jeedisay

Wasaaradda Waxbarashada oo ku aadan qaabka loo maamulo iyo habka loo maro, waxaana Wasaaradu ay cadeysay in Dowladda Turkigu ay qaaday arday tiradoodu dhan tahay 350 Arday oo u badan arday heysata shahaadada dugisgadhexe, waxaana ugu dambeyntii goluhu ay go’aamiyeen in wixii haatan ka dambeeya loo saaro guddi si gaar ah uga shaqeeya deeqaha waxbarashada,qeybintiisa iyo weliba Imtixaan qaadista sidoo kalena la gaarsiiyo deeqahan dhamaan gobolada dalka.

Golaha ayaa looga warbixiyay safarka R/wasaaraha iyo kulamadii uu ka qeybgalay ee ay ka mid aheyd shirkii guud ee Q/midoobay ee ka dhacay magaalada New York, waxaana wax kama jiraan lagu sifeeyey warar sheegayay in ergada Soomaaliya uga qeybgashay shirka Q/midoobay (UN General Assembly) ay ka kaceen fadhiga markii uu khudbeynayay madaxweynaha dalka Iiraan Mudane Maxamud Axmedinijad.

Ugu dambeyntiina Golaha Wasiiradu waxay ka doodeen sugnaashaha golaha kumeelgaarka ah ee Qaranka Liibiya iyo aragtida ay ka qabto dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed, waxayna isku raaceen in golahan loo aqoonsado golaha saxda ah ee kumeelgaarka ah ee Qaranka Liibiya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: