• RSS Somali VOA

    • Qarax Xooggan oo laga Maqlay Muqdisho April 28, 2017
      Qarax xooggan ayaa caawa fiidkii laga maqlay agagaarka Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaaliya.
    • Amnesty International oo Baaq u Dirtay Puntland April 28, 2017
      Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaaugu baaqday maamulka Puntland in uu joojiyo qorshe uu doonayo inuu ku daldalo laba wiil oo maxkamad milatari ay bishii February ku xakuntay dil.
    • Roobab ka Da'ay Qeybo ka Mid ah Soomaaliya April 28, 2017
      Roobab ayaa laga soo sheegayaa inay ka da’een deegaano badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, oo qaarkood dhaliyey dhimasho.
    • Faaqidaadda: Xaaladda Kala Guurka Soomaaliya April 28, 2017
      Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay marxaladda kala guurka ee dalka Soomaaliya. Barnaamijka ayaa qeyb ka ahaa kulan dadweyne oo sidoo kale arrintan looga hadlayey oo shalay VOA ay ku qabatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Barnaamijka waxaa soo jeedineysa weriyaha VOA ee Nairobi Maryan Maxamuud Barre.    
    • Daalibaan oo ku Dhawaaqday Howlgal Dagaal April 28, 2017
      Kooxda Daalibaan ayaa maanta shaaca ka qaaday howl-gal dagaal oo ka dhici doona dalka Afghanistan, kaasi oo lagu beegsanayo ciidamada Mareykanka uu hogaamiyo ee “haysta” dalkaas, si waddanka looga saaro.
    • La-taliyihii Trump oo Eedo Cusub loo Haysto April 28, 2017
      Qoraal cusub oo la soo bandhigay ayaa lagu sheegay in lataliyihii hore ee amniga qaranka Maraykanka Micheal Flynn inuu lacago ka badan $500,000 ka qaatay dalka Turkiga, halka uu Ruushkana ka helay tobannaan kun oo dollar,
    • Nairobi: VOA oo qabatay kulan dadweyne April 27, 2017
      Laanta afka Soomaaliga ee VOA waxay kulan dadweyne ku qabatay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kaas oo looga hadlay Doorka Saxaafadda Xorta ah ee goobaha ay colaaduhu ka jiraan
    • Mucaaradka Kenya oo Sharxay Raila Odinga April 27, 2017
      Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga, ayaa isbahaysiga mucaaradka Kenya maanta u doorteen inuu noqdo musharraxooda doorashada madaxtinimada ee dhici donta bisha August.
    • Dilal Dhowr Ah oo ka Dhacay Muqdisho April 27, 2017
      Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay inay degmada Shibis ku dileen sarkaal ka tirsan ciidamada nabad-sugida Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamuud Xaaji Cali.
    • Ciidamo Qarax Lagula Eegtay Duleedka Kismaayo April 27, 2017
      Ciidamo ajanabi ah oo ay la socdeen ciidamo Soomaali ah oo ka tirsan maamulka Juubaland ayaa maanta qarax miino lala eegtay duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
    • VOA oo Kulan Dadweyne ku Qabatay Nairobi April 27, 2017
      Magaalada Nairobi waxaa maanta lagu qabtay barnaamij kulan dadweyne oo laanta Af-Soomaaliga ee VOA soo qaban qaabisay.
    • Mareykanka: Burcad Badeed Soomaali ah oo la Xukumay April 27, 2017
      Burcad badeed Soomaali ah ayaa inta noloshiisa ka harsan ku qaadan doona xabsi federal oo Mareykanka ku yaalla, sababo la xiriira inuu weerar ku qaaday Markab ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka, sanadii 2010.
    • Qarax ka Dhacay Meel u Dhow Garoonka Dimishiq April 27, 2017
      Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Dimishiq ee dalka Syria, waxaana ka dhashay dab xooggan, ayada oo la is-weydiinayo sababta keentay.
    • Soomaalida oo Soo Dhaweeyay Go'aanka Mareykanka April 27, 2017
      Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa soo dhaweeysay go,aanki kasoo baxay Hey’adaha Socdaalka Mareykanka ee ahaa inay joojinayaan qabqabashada dadka Soomaalida ah ee sharci darrada ku jooga dalkaan Mareykanka.
    • Xasan Shire oo La Abaalmariyay April 27, 2017
      Abaalmarinta Richard C. Holbrooke Award ee sanad walbaa lagu siiyo magaalada Washington ee caasimada Mareykanka dadka bulshooyinkooda wax tara, ayaa sanadkaan waxaa la siiyey gudoomiyaha difaacayaasha xuquuqda aadanaha Africa, Xasan Shire Sheekh.
    • Mareykanka oo Joojiyey Qabashada Dadka Soomaalida April 26, 2017
      Hey’adaha socdaalka ee Mareykanka ayaa ku wargeliyay safaaradda Soomaalida inay joojinayaan qabqabashada dadka Soomaalida ee sharci darada ah oo aan guryahooda ama goobahooda shaqo loogu tagi doonin.
    • Rabshado la Xiriira Doorashada oo ka Dhacay Kenya April 26, 2017
      Dalka Kenya ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay ku fidaan rabshado goos goos ah oo la xiriira doorashooyinka  mudadoodu soo dhawaatay ee la filayo inay dalkaas ka dhacaan.
    • Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 368 April 26, 2017
      Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 368-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.  
    • Ciidamada Kenya iyo Ethiopia oo Xadgudubyo Lagu Eedeeyey April 26, 2017
      Warbixin ay qortay qeybta ilaalinta rayidka ee hay'adaha gargaarka ee ka hawlaga Soomaaliya ayaa ku eedeenaysa ciidamada Kenya iyo Itoobiya iyo kuwa AMISOM in hawklgalladooda Soomaaliya ay xadgudub ku yihiin mabaadi’da bani'aadannimada.
    • Wareysi: La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweyne Farmaajo April 26, 2017
      Xuseen Macalin Maxamud (Damuumaaye) oo ah la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta faah faahin ka bixiyay Qorshaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Profesor Yaxye Sh Caamir oo Ka Digaya in Ay Xukuumadda KMG Ka Ah Dhowaan Wareejin Doonto Dhul Badeed Soomaaliyeed


Prof_YaxyeNairobi:- Prof: yaxya sh. caamir,oo ka Mid ah aqoon yahanada soomaaliyed ee

 

 

 

Sida aadka ula socda Siyaasadaha Hey,addaha Ku Howlan Soomaaliya

 

 

 

Ayaa ka digay qorshe lagu soo celinayo Wareejintii Dhul badeedka Somaliya

 

 

 

Kaasoo Xukuumada KMG ka ah lagu gorgortamayo in ay Hashiiskaas gasho si ay uga baxdo Ku Meel gaarnimada Profasorka ayaa qoraalkan hoose ku qeexaya Sababta uu uga Murugsan yahay waxa soo socda Maalmahan dhow oo noqon kara in Xeebaha Somaliya ay wadamo kale la wareegaan Shidaal iyo Macdana ka dhurtaan

 

prof.yaxye iyo qoraalkiisa :

waxaan aqriyay heshiiskaa 52 jeer,waxaa igu khasbay in aan akhriyo dhowr jeer,si aan u hubsado mugdi ku jiray iyo saantirasho badan ee shakiga i galisay sida:

1-Road map-ku ma aheeyn feker ka yimid maskax soomaali.

2- Deg degta loola soo booday iyo taageerada caalamiga ah ee la siiyay.

3- Iyadoo qoraalka asalka ahi uuna ku qoreeyn Af- soomali oo lagu qoray Af ingriis,ayaa haddana waxaa laga saxiixay ergo aan badankoodu aqoon Af- ingriiska,oo aan la fahamsiin nuxurka,dib ayaa laga tarjumay shirka kadib si qiil loogu sameeyo.

4- Madaxdii dalka oo dhaqsi ugu amba baxday xarunta UN- ka si talaab loo qaado inta aan ummaddu ogaan xaqiiqda.

5- Ergada waxaa lagu xulay si la yaab leh !!!!!,

6- Go’aanada lagama qeeyb galin, qeeyba badan oo eey khuseeyso,tusaale somali land iyo kuwa kale.

7-Sida Amb.Mahiga ,uu ugu dadaalay in uu fuliyo fariinta la soo faray.

8-Waxaa Road map-ku si aan caadi aheeyn uga hadlay burcad badeeda soomalidu dhibta eey ku hayaan caalamka,tan soomaalida badda ka heeysata saa looma faahfaahin,waxeey u ekeed, (waxaas fiiriya waxa ka sokeeya duqunyaheey ha eegin),waxaa loo dan leeyahay baddoo dhan in lagaala wareego.

9-Qodobada ku qoran Road map-ka iyo mudada loo qabtay in lagu fulinayo oo ah hal sanno ka yar,ayaa u muuqda arrin ka ka fog xaqiiqda ka jirta soomaliya oo weli colaado ka jiraan,in mudadaa dastuur loo codeeyay wax lagu soo dooran karo iyo in degdegtaa loogu gudbo marxalad kale oo 18 kii gobal dhowr bilood gudahood hal xukun la hoos keeno,waa ayadoo dastuurka eey isla qaateen koofur iyo waqooye,shacbkuna si nabada ku ogolaaday,ALLA agtii kuma dheera ,waase arrin go’aamintiisa lagu fududaaday dadkii ey khuseeysana go’aanka loo yeeriyay.dadka mudadaa xadiday weey ogyihiin in eeyna suuragal aheeyn ,waxaase iyaga u muuqda qodobka badda oo eey ansaxsadaan intaa kale waa riyo dadka aan Road map-ka fahmin niyada loogu dhisayo,inta qalinka saxiixiisu ku socdo.

10- Waxaa lagu daray qodob la maldahay oo ah kan shirka oo dhan looga dan lahaa,waa kan ku saabsan in la dhimi doono xuduuda badda ee umaddu xaqa u laheed laga bilaabo 19 set.2011 ka.

Haddaba maxaa loo danleeyahay? waxaa la rabaa in laga soo reebo 12NM xuduuda baddeena oo ka badneed 200NM ,waxaa jirta in xuduudii hore ee soomaalida ee ku qoreed ,xeerka 37aad ee soo baxay 10 kii september 1972 lagana diiwwan galiyay UN-ka lagu ansixinayay inta badda xuduud ahaan aan qax u leenahay, waxaa dhacday in xuduudaa dhaxdeeda laga helay khayraad badan,hadaba si eey u suura gasho in UN-ku iskeed u maamusho iyadoo ka madax banaan soomalida oo aan sheega karin,iyo in loo suura galiyo in shirkada caalami ahi ka faaiideeystaan iyadoo ah badd aan la kala xigin .ayaa lagu soo daray Road map-ka boggiisa 5aad,qodab kooban oo lagu maldahayo fekerka Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah,(Exclusive Economic Zone-EEZ),oo aad loo koobay lagan dhigay in ka yar nus sadar si aan dhaqsi loogu fahmin.

waxaan ka qeeybgalay shir aqoonyahana soomaliyeed oo ka madax banaan Aragti ajnabi ku yeesheen Hotel Silver Spring 10 sept.2011 iyo Jamiat Hotel Nairobi 16 sept 2011,oo aan uga wada hadalnay Road map-ka.

waxaan arrintaa kawada hadalnay aqoonyahano, khubaro,siyaasiyiin fayow, culama udin iyo soomali kale oo farabadan, waxaa noo muuqatay in dad dan lihi eey soo nooleeyeen xaraashkii badda ee ummaddu mar hore ka qeeylisay.

waxaa la dhacayaa oo si bareer ah loo boobayaa hanti aan ka dhaxalnay waalidiinteena,oo ka dhigi karta soomaaliya mid ka mid ah wadamada Aduunka ugu ganisan, oo kuwa hada gani ahi eey rabaan in eey naga saxiixdaan,oo eey booban waa arrin aan ka duwaneeyn burcadda jidadka joogtaahi waxa eey sameeyeen oo la caalamiyeeyay lana qarameeyay,haddiiba gudiyadii shirka la hoos galiyay, golihii wasiiradana laga ansaxiyay.

waxaa haray oo aan u baaqayaa good ahaan ummadda soomaaliyeed gaar ahaan baarlamaanka oo hore arrintaan uga hortagay,yaan leeydinku baarlaxawsan ku meel gaaraad ka bexeeysiin,muddaa leeydiin kordhinaa,iyo tiradiina la yareey maayo haddad adinkuna ansixisaan.yaan shaqsi shaqsi leeydiin handadin ,waan ogahay aniguba in arrinta dad culusi ku jirran oo ka hadal keedu khatar yahay meesha arrintu maree, ANNA waan u barreeray in aan ka hadlo ,anoo maqlaya yaxye ka joog,ka joog.

waxaan mahad gaar ah u celinayaa dadkii ila fahmay ee ka qeeyliyay ,waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa, web side-ka somaltalk,oo aad u fahmay iyo kan waaga cusub oo sii faahfaahiyay,iyo web side yada kale ee ka hadli doona, iyo wariyayaasha ummadda mar kasta tusiya wanaaga,ugana diga tanoole kale.

Dowlada iyo UN-ka waxaan ka suugeeynaa in eey faahfaahin ka bixiyaan qodobkaa si aan u ugaano ujeedada dhabta ah ee qodobka loona shaki baxo.

waxaan ALLAH ka baryayaa khatartan ka daran wixii na soo maray 20 kii sanno ee aan u soo martay in uu naga badbaadiyo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: