• RSS Somali VOA

    • An error has occurred; the feed is probably down. Try again later.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 45 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Turkish Airways oo Noqoneysa Diyaaradii u Horeysay Ee Boqolaal Airpor oo Caalami ah Ku Xiri Doonta Airporka Muqdisho ( War-Saxaafadeed )


IMG_1143Muqdisho, September, 12, 2011) Madaxweynaha Jamhuuriyadda

 

 

 

Soomaaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay

 

 

Wafti caalami ah oo uu Hogaaminayo Qunsulka cusub ee

 

 

 

Dowlada Turkey u fadhin doona dalka Soomaliya. Waxaa Qunsulka la socday Madxa ha’yada TIKA Dr. Serdan Cam iyo madaxa diyaarada Turkish Airline (CEO) Temel Kotil. Madaxweynaha ayaa ku wargaliyay Qunsulka cusub in ay dowlada Soomaliya aad ugu faraxsantahay in


wadanka walaalkeen ah ee Turkey uu safaaradiisa dib uga hirgalinayo dalka Soomaliya, madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahad celiyay Madaxda iyo dowlada Turkey sida walaaltinimoda ah oo ay u garab istaageen shacabka iyo dowlada Soomaliaya.

IMG_1139

Madaxa ha’yada TIKA Dr. Serdan Cam ayaa ka war bixiyay wafuuda ballaaran oo ka kooban ha’yado ka mid ah dowlada Turkey oo qorshohoodu yahay in ay qayb weyn ka qaataan dib-u dhiska

 

dalka Soomaliya siiba magaalada Muqdisho. Dhanka kale Madaxa diyaarada Turkey (Turkish Airlines) Temil Kotil ayaa sheegay in Turkish Airline ay bisha soo socota bilaabayso diyaarado ukala duula

 

Istanbul iyo Muqdisho asbuucii laba goor, sidoo kale Temel Kotil ayaa sheegay in ay qaybo muhiim ah ku kordhinayaan ayraboorka maadaama ay rabaan in ay Muqdisho ku xiraan 146 magaalo.

 

Qunsulka cusub ee Turkey ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkey Ali Babacan uu labadii biloodba mar soo booqanayo dalka Soomaliya si uu u kormeero ha’yadaha dowlada Turkey u xil-saartay taakulaynta iyo dib-u dhiska dalka Soomaliya.

IMG_1143

Ugu danbeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed ayaa u faah-fahiyay wafuuda Turkey in dalak Soomaliya uu tahay wadan cimilo wanaagsan oo dhaqaale aan la soo koobi Karin leh, kaliy loo baahanyahay in amniga la wanaajiyo horumarkana laga shaqeeyo.

Xafiiska Madaxweynaha Somalia

Moqdishu, Somalia

media@presidency.gov.so

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: