• RSS Somali VOA

    • Ciidamada Puntland oo Qabsaday Qandala December 7, 2016
      Ciidamada Puntland ayaa maanta dib u qabsaday magaalada Qandala ee Gobolka Bari oo ay muddo ku dhow 40 malamood haysteen maleeshiyada taabcsan ururka Daacish.
    • Obama oo Jeediyey Khudbadda Amniga Qaranka December 7, 2016
      Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa shaley jeediyey khudbadiisii ugu danbeysey ee ammaanka qaranka.
    • Somaliland: Shir Looga Hadlayo Doorashooyinka oo Furmay December 7, 2016
      Shir lagu lafa gurayo geedi socodka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ka furmay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.
    • Norway: Wiil Loo Qabtay Dilka 14 Jir Soomaali ah December 7, 2016
      Booliska dalka Norway ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen wiil 15 sano jir ah oo labo maalmood ka hor dil u gaystay wiil Soomaaliyeed oo 14 sano jir ah oo lagu magacaabay Yacquub Cabdullahi Xasan.
    • Mareykanka oo Ka Digay u Safarka Ethiopia December 7, 2016
      Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sii wadda inay muwaadiniinteeda uga digto halista uga iman karta u safarka dalka Ethiopia.
    • Dhalinyaro Muqdisho ka Bilaabay Wacyigelinta Nabada December 7, 2016
      Ururka Dhalinyarada ee Dhaqdhaqaaqa Kacdoonka Qabyaalad diidka waa urur ay sameeyeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay London, hase yeeshee tan iyo sanadki hore waxay howlo wacyi gelin dhinaa bulshada ah, gaar ahaan dhalinyarada ay ka wadeen qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.
    • In ku Dhow 100 oo ku Dhimatay Dhulgariir ka Dhacay Indonesia December 7, 2016
      Tirada dhimashada dhulgariir xooggan oo aroornimadii arbacada ku dhuftay dalka Indonesia ayaa sare usii kaceysa.
    • ​Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 348 December 7, 2016
      Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.  
    • Muqdisho: Doorashada Xidlhibaanada Waqooyi oo Billaabatay December 6, 2016
      Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka bilaabatay doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee xubnaha baarlamaanka Soomaaliya u matalaya gobollada Waqooyi.
    • Diyaarado Duqeeyey Qandala iyo Dagaal ka Dhacay December 6, 2016
      Wararka ka imanaya Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in hawlgal milatari uu xalay ka dhacay meel 34 km jirta magaalada Qandala oo lagu magacaabo Madlaxo, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo dhinaca amniga ah.
    • Iska Horimaad ka Dhacay Jubbada Hoose December 6, 2016
      Iska horimaad ayaa maanta ka dhacay deganaka Haawina oo u dhexeeya Dhoobley iyo Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose.  Iska horimaadka ayaa dhacay markii maleeshiyada ururka Al-Shabab ay weerar kedis ah ku qaadeen kolonyo baabuur milatari ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya oo saad u siday dhinaca magaalada Dhoobley. Baabuur ay leeyihiin ciidamada milatariga Ken […]
    • Dowladda Somalia oo Ganaaxday Markab Kalluumeysi December 6, 2016
      Wasiir Ku xigeenka Kaluumaysiga Soomaaliya Saciid Jaamac Maxamed ayaa sheegay in markabkan uu yahay mid ay u diideen ruqsadda kalluumeysiga balse sameystay warqado been abuur ah.
    • Liiska Xildhibaanada Lagu Soo Doortay Baydhaba December 6, 2016
      Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa noqday maamulkii labaad ee soo geba gebeeya doorashada xildhibaanada cusub ee Aqalka Hoose ee baaralamaanka Soomaaliya.
    • Trump oo Magacaabaya Xoghayaha Difaaca December 6, 2016
      Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta si rasmi ah ugu dhowaaqo xoghayaha cusub ee gaashaandhigga Mareykanka, marka uu booqdo gobolka North Carolina.
    • Shirka Madasha oo Berri Loo Ballansan Yahay December 6, 2016
      Waxa beri oo Arbaca ah magaalada Muqdisho ka furmayo shirka madasha wada-tashiga qaran, kaas oo looga hadli doono arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
    • Qareenka Qoyska C/risaaq Cartan oo la Hadlay VOA December 5, 2016
      Kadib toddobaad ay aamusnaayeen qoyska Cabdirisaaq Cali Cartan oo ahaa wiil Soomaaliyeed oo la sheegay inuu weerar ka geystay jaamacadda Ohio State ee magaalada Columbus, ayaa waxaa markii ugu horeysay hadlay qareenka difaacaya qoyskan.
    • Ololaha Doorashada Madaxtinimada oo Xoogeystay December 5, 2016
      Ololaha doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa xoogeystay, xilli doorashooyinka xildhibaanada Aqalka Hoose ee baarlamanka oo ka socday dhowr magaalo oo dalka ka mid ah ay marayaan heer gebo gebo ah.
    • Isbitaalkii Ugu Horeeyey oo Laga Hirgeliyey Maxaas December 5, 2016
      Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa markii ugu horraysay laga hirgeliyey cibsitaal adeegyada caaifmaad u fidiya dadka halkaas ku nool.
    • Dagaallo Goosgoos ah oo ka Socda Qandala December 5, 2016
      Iska horimaadyo goosgoos ah ayaa weli ku dhex maraya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada taabcsan Daacish dhulka buuralayda ah ee Koonfur kaga toosan magaalada Qandala.
    • Madaxweyne Xasan oo Tagey Kismaayo December 5, 2016
      Warbaahinta dawladda ayaa sheegtay in madaxweynaha uu magaalada Kismaayo kula kulmayo mas'uuliyiinta gobolka iyo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 45 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Fadhi Ay Gollaha Wasiirada Muqdisho Ku Yeesheen Ayay Ka Soo Baxeen Qodobo Ay Ka Mid Yihiin Yaa Maamul Gobolleed Noqon kara ??


golaha wasiiradaMuqdisho 09, 11, 2011  Shir aan caadi Aheyn oo ay maanta Gollaha Wasiirada

 

 

 

Xukuumada KMG ka ah Muqdisho ku Yeesheen ayaa laga soo saaray qodobo

 

 

 

kala duwan oo ay ka mid ahaayeen soo Afjaridda marxaladda KMG ah iyo fulinta

 

 

Habraaca sanadka 2011 /2012, qorida Dastuurka iyo gudigii qori lahaa kuwaasoo dhamaan la Mudeeyay in ay ku dhamaadaan sadaxda ilaa afarta bilood ee soo socda qodobadii laga doodayna waxaa ugu Muhimsanaa in ay gollaha isku raaceen in Maamul goboleed uu noqon karo wax kabaddan laba gobol oo ka mid ahaa 18 kii gobol ee ka horeeysay 1990 kii


taasoo ka macna ah in labaatankii Maamul goboleed ee ay bilihii la soo dhaafay iskaga daba dhawaaqeen

 

Dadka daga koonfurta Somaliya gaar ahaa laga bilaabo Galguduud ilaa Bay taasii Sida hada la qorsheynayo

 

Noqon doonta kaliya laba Maamul goboleed oo kaliya marka laga Reebo Gobolka Banaadir oo isaga

 

La sheegay in uu yeelan doono Maamul u dhexeeya Soomaalida oo dhan  warbixintii gollaha Wasirada oo dhana waxay u qorneyd sidan:-

 

Golaha Wasiirada waxay si buuxda isugu raaceen inay ka yeeshaan go’aan cadgeedi socodka samaynta dastuura waxeyna kusoo koobeen qodobadan soo socda:

1. Dawladda Federaalka KMG ah waxey magaacabeysa guddi khubara Soomaaliyeed ah, kama danbays September 19, 2011 oo dib u eegis ku sameeya qabya qoraalka dastuurka kadibna soo gudbiya qabyo qoraal dastuur oo dhamaystiran. Guddigu wuxuu noqonayaa mid loo wada dhan yahay oo cidna aysan ka maqnayn hadii ay ahaan lahayd xagga qabiilka, iyo gobolada, dumarku waxay noqon doonaan ilaa afar hadii ay tiradu sagaal tahay, waxay kaloo noqon doonaan ilaa lix haddii ay tiradu tahay 15.

2. Guddi wadajir ah oo ka kala socda dhamaan dhinacyada kala duwan oo ka kooban 15 xubnood ayaa waxaa lasoo magacaabayaa muddo aysan kadanbayn 19 September 2011 si loo diyaariyo qaabkii lagu ansixin lahaaqabyo qoraalka dastuurka

3. Guddiga khubarada Soomaaliyeed waa inay shaqo galaan xilli aanan ka danbayn isbuuca hore ee October 2011, si ay u billaaban wadatashiyo dhinacyada kala duwan oo ku saabsan arrimaha xukunka baahsan iyo federalismka iyo dhamaystirka arrimaha lagu kala duwan yahay kama danbays xilliga October 19, 2011.

4. Laga billaabo isbuuca koowaad ee Oktoobar, Wasaaradda Dastuurka iyoDib-u-heshiisiinta waxey billaabaysaa wadatashiyo guud oo ku saabsan dastuurka iyadoo adeegsanayso raadiyaha, TV-yada, masraxa iyo isku imaatinno kale oo ka dhaca magaalooyin iyo gobollo kala duwan.

5. Shirka koowaad ee ku saabsan dastuurka oo dhexmaraya dhinacyada kala duwan oo lagu qabto Garowe dhamaadka October 2011. Shirkaas wuxuu noqonayaa mid ka mid ah shirar badan oo ka dhici doona magaalooyin kala duwan oo dalka gudihiisa.

6. Laga billaabo November 2011, guddiga khubarada oo la qabanaya kulamo wadatashiya ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed, dumarka, bulshada rayidka ah, iyo ganacsatada si ay uga helaan talooyin wax ku ool ah.

7. Bisha November 2011 dhexdeeda, Wasaaradda dastuurka iyo dib-u-heshiisiinta waxay si rasmi ah u horgeynaysaa baarlamaanka codsi kusaabsan inla billaabo qaabkii Axdiga KMG ah wax looga badali lahaa sida uuula jaanqaado geedi socodka samaynta dastuurka.

8. Guddiga Wadajirka ah inuu billaabo diyaarinta qaabkii lagu ansixin lahaadastuurka November 2011, sida aysan uga daba-marin xilliga loo qabtay ansixinta dastuurka ee KMG ah oo ah January 2012.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada waxay dood ka yeesheen arrimaha maamul goboleedyada iyo qaabkii dawladda u dhiirra gelin lahayd maamul goboleedyada hadda jira ee waafaqsan axdiga KMG, gobolada kale oo nabadda ahna dowladdu waxay diyaar u tahay iyadoo bulshada kaashanaysa inay la samayso maamul isla markaasna waxay ku dhiirri-gelinaysaa bulshada inay samaystaan maamul waana inay waafaqsanaadaan axdiga KMG ah oo dhigaya maamul waxaa samaysan kara laba gobol iyo wixii ka badan oo ka tirsan 18-kii gobol ee Soomaaliya ay ka koobnayd. dhinaca kale gollaha wasiirada waxay gudi u saaren soo dhoweynta wafdi Culus oo ka imaan doona Dalka Turkiga kaasoo la filayo in ay Maalmaha soo socda Xamar soo gaaran

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: