• RSS Somali VOA

    • An error has occurred; the feed is probably down. Try again later.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 45 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Shirkii Guddiga Wadajirka Amaanka Soomaaliya oo Maanta Markii u Horeysay Muqdisho Ka Dhacay ( War-Saxaafadeed + Sawirro)


IMG_9498Muqdisho, Isniin, August 22, 2011—-Waxaa maanta markii ugu horeysay

 

 

 

Lagu qabtay magaalada Muqdisho Shirkii guddiga wadajirka ah ee

 

 

Amniga dalka iyadoo ay shir Guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha

 

 

 

Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Q/midoobay Amb. Augustine Mahiga iyo kuxigeenka wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mr. Wafulu Wmanyinyi.


Shirkan oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay wakiilada, ururada Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, IGAD, midowga Yurub waxaana goob joog ka ahaa wakiilo ka socday dowladdaha Mareykanka, Ingiriiska, Fransiiska, Jarmalka, Norway, Denmark, iyo Sweden.

IMG_9498

Kulanka ayaa intii uusan soo gabagaboobin ka hor waxaa warbaahinta faahfaahin siiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo

IMG_9498

ergeyga gaarka ah ee Q/midoobay ee Soomaaliya Amb. Mahiga iyagoo sheegay in kulankani uu ahaa kulan taariikhi ah isla markaana markii ugu horeysay ay tahay oo lagu qabto gudaha dalka Soomaaliya.

IMG_9408

Kulanka ayay sheegeen in looga arrinsaday arrimaha amniga iyo sidii loo xaqiijin lahaa nabada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya waxayna tilmaameen inuu ku socdo weli si habsami iyo saaxiibtinimo leh.

IMG_9431

Amb. Mahiga ayaa yiri “Kulankan wuxuu jawaab u yahay horumarka laga gaaray nabadda Soomaaliya gaar ahaana Muqdisho oo laga saaray Al shabaab, waxaana kulankan midka xiga lagu qaban doonaa halkan 2 bilood kadib oo maanta ka bilaabaneysa” ayuu yiri Mahiga oo xusay in Q/midoobay ay dib u dhis iyo tayeyn ku sameyn doonto hay’addaha nabadgelyada sida ciidamada Booliska iyo saldhigyada.

IMG_9446

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Dr. Cabdiweli ayaa xusay in kulankani uu yahay midkii sagaalaad oo uu guddiga wada jirka ah ee Amnigu yeesho balse siddeedii kulan ee hore ay ka dhaceen dalka dibadiisa “Dowladda Federaalka shirkani muhiimad gaar ah ayuu u leeyahay maadaama markii ugu horeysay lagu qabtay dalka Soomaaliya waxaana rajeyneynaa in kulamada dambe ay si rasmi ah uga dhacaan dalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada.

Guddigani wadajirka ee Amniga ayaa waxaa lagu aasaasay dalka Jabuuti sanaddii 2008 kadib heshiiskii ka dhacay dalkaasi Jabuuti iyadoo ujeedadiisuna ay aheyd in beesha caalamku ay ka taageerto Soomaaliya sidii loo dhisi lahaa hay’addaha Amniga si dib loogu soo celiyo Amnigii iyo kala dambeyntii dalka Soomaaliya.

-DHAMAAD –

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: