• RSS Somali VOA

    • Howlgal ka Dhan ah Al-Shabaab oo ka Dhacay J/Hoose December 9, 2016
      Ciidamada amniga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa maanta hawlgal ka sameeyey deegaan ku yaalla dhinaca waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo.
    • DF Somalia oo ka Hadashay Joojinta Xoolaha December 9, 2016
      Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay heshay warqad ka timid dhinaca Sucuudiga oo sheegaysa in si ku meel-gaadh ah ay u joojiyeen dhoofka xoolaha Soomaalida iyagoo taasina ay u sababeeyey arrimo caafimaad.
    • Barnaamijka Faaqidaada: Doorashooyinka Soomaaliya December 9, 2016
      Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay doorashooyinka labada Aqal ee Soomaaliya ka socda iyo tan madaxweynaha ee la filayo in dhamaadka bishan lagu qabto caasimada Soomaaliya.
    • Waqti Cusub oo Loo Qabtay Doorashada Madaxweynaha Somalia December 9, 2016
      Go'aankan ayaa waxaa lagu gaaray shir ay lahaayeen madaxda Madasha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya oo shalay lagu soo gebogebeeyey magaalada Muqdisho.
    • Shacabka oo Dib ugu Laabanaya Qandala December 9, 2016
      Dadweynihii horey uga cararay magaalada oo muddo bil iyo 12 cisho ah ay haysteen maleeshiyada Daacish ayaa iminka billaabay inay magaalada dib ugu soo laabtaan.
    • Djibouti oo Dib u Celineysa Qaxooti Ethiopian ah December 9, 2016
      Dawladda Djibouti iyo hay’adaha qaabilsan muhaajirtiinta ayaa billaabey iney ka dhoofiyaan garoonka diyaaraddaha ee Djibouti dad tahriibayaal ah oo u dhashey Ethiopia oo laga so celiyey dalka Yemen.
    • Baarlamanka K/Koonfureed oo Xilka Ka Qaaday Madaxweynaha December 9, 2016
      Golaha Qaranka Korea-da Koonfureed ayaa u codeeyey in xilka laga qaado madaxweynaha dalkaas Park Geun-hye.
    • Sacuudiga oo Hakiyey Xoolihii Soomaaliya December 8, 2016
      Qaar ka mida ganacsatada Xoolaha ee ku sugan magaalada Jeddah ayaa VOA la wadaagay qoraal ay sheegeen in lagu hakiyey xoolihii ka iman jiray Soomaaliya.
    • Shirka Madasha oo Maalintii Labaad ka Socda Muqdisho December 8, 2016
      Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shir ay leeyihiin hoggaamiayaasha madasha oo iyagu ka dooddaya arrimaha doorashada Soomaaliya.
    • 10 Qof oo Ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Goof-Gaduud December 8, 2016
      In ka badan 10 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dagaallo maanta duleedka magaalada Baydhaba ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda Somalia iyo maleeshiyada Al-Shabaab.
    • Kenya oo Lagu Eedeeyey Dilal Sharci Darro Ah December 8, 2016
      Urur aan dowli ahayn oo lagu magacaabo Haki Afrika ayaa ku eedeeyey ciidamada ammaanka Kenya inay fuliyeen tobaneeyo dilal aan sharci ahayn oo ay u geysteen dad la waayey intii u dhaxeysay 2012 illaa 2016, kuwaas oo muslimiin ah.
    • Ilhan Omar oo Sheegtay in La Handadey December 8, 2016
      lhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhawaan loo doortey aqalka wakiilada ee gobolka Minnesota ayaa sheegtay inuu handadey wadihii taksi ay raacday.
    • Natiijada Doorashada Ghana oo Maanta La Shaacinayo December 8, 2016
      Afhayeen u hadlay guddida doorashada ee dalka Ghana ayaa sheegay in guddigu ay maanta bilaabi doonaan sii daynta natiijada doorashadii madaxweynaha iyo tii baarlamaanka ee dalkaas ka dhacday, waxayna ku baaqeen in xaaladda la dejiyo.
    • Ciidamada Puntland oo Qabsaday Qandala December 7, 2016
      Ciidamada Puntland ayaa maanta dib u qabsaday magaalada Qandala ee Gobolka Bari oo ay muddo ku dhow 40 malamood haysteen maleeshiyada taabcsan ururka Daacish.
    • Waraysi: Siyaad Maxamuud Cali December 7, 2016
      Xafiiska Senator Amy Klobuchar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee ay Soomaalidu degto ayaa sheegay inay soo gaadhay baaqyada ka imanaya Soomaaliya ee ku saabsan abaarta ku dhufatay degaanno ka mid ah Soomaaliya.
    • Muqdisho: Kulan Looga Hadlay Tacaddiyada Haweenka December 7, 2016
      Sanad walba, laga soo bilaabo 25-ka November oo ah maalinta caalamiga ah ee dabar goynta tacadiyada ka dhanka haweenka ilaa iyo 10-ka December oo ah maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda aadanaha, waxaa dunida lagu qabtaa mashaariic lagu taageerayo haweenka iyo wacyigelin ku aadan tacadiyada dhinaca Jinsiga ah. Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho ayaa […]
    • Obama oo Jeediyey Khudbadda Amniga Qaranka December 7, 2016
      Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa shaley jeediyey khudbadiisii ugu danbeysey ee ammaanka qaranka.
    • Somaliland: Shir Looga Hadlayo Doorashooyinka oo Furmay December 7, 2016
      Shir lagu lafa gurayo geedi socodka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ka furmay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.
    • Norway: Wiil Loo Qabtay Dilka 14 Jir Soomaali ah December 7, 2016
      Booliska dalka Norway ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen wiil 15 sano jir ah oo labo maalmood ka hor dil u gaystay wiil Soomaaliyeed oo 14 sano jir ah oo lagu magacaabay Yacquub Cabdullahi Xasan.
    • Mareykanka oo Ka Digay u Safarka Ethiopia December 7, 2016
      Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sii wadda inay muwaadiniinteeda uga digto halista uga iman karta u safarka dalka Ethiopia.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 45 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Ra’iisul Wasaare Gaas oo kulan gaar ah la qaatay wafdigii Ka qeyb galay Soo Diyaarinta Barnaamijka Xasilinta Dlka Ee National Security Stabilization Plan (NSSP).


amniMuqdisho: R/Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Ayaa kulan gaar ah la qaatay wafdigii Dowladda Soomaaliya uga qeybgalay

 

Kulankii socday muddo 4 maalmood Ah oo looga arrinsanayey Qorshaha-

 

 

Qaranka ee Xasilinta Amniga Dalka (National Security Stabilization Plan (NSSP)). Sidoo kale kulankan waxaa joogey Wasiirada Amniga oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisul Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Difaaca, Mudane Husseen Carab Ciise, Wasiirka Garsoorka, Mudane Ugas Axmed Bile,


Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Cabdisamad Macallim Maxamud, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdullahi Goodax Barre,

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Bashir Maxamed Jama, Taliyeyaasha Ciidamada

Xoogga Dalka iyo Booliska General Cabdulqaadir Sh Cali Diini, iyo General Sharif Sheekhuna Maye iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’ada Nabadsugidda Qaranka, iyo Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo kan Madaxtooyada.

Ra’iisul Wasaare Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey wafdigii dowladda ee ka qeybgalay kulankii lagu soo diyaarinayey Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Amniga Dalka, kuna ammaanay sida ay si waddaninimo leh uga qeybqaateen diyaarintan Qorshahan muhiimka u ah dalka, iyo sida ay si Soomaalinimo leh ugu horseedeen diyaarinta Qorshahan oo ah markii ugu horreysey ee Somali qaadato hoggaanka diyaarinta Qorshahan muhiimka ah oo ay khubaro ku xeel dheer arrimaha amniga oo Soomaali ah ay iyagana ka qeybqaateen kulankan oo ay ka mid ahaayeen saraakiishii hore ee dalka oo in muddo ahba waday daraasad lagu qiimeynayo xaaladda dhabta ah ee amniga dalka iyo sida lagu xasilin karo.

Kulankaas Naivasha waxaa goob joog ka ahaa Qaramada Midoobey iyo diplomaasiyiin ka kala socday waddamada US, EU, UK, Egypt, AU, AMISOM iyo dalal kale oo iyagana si heer sare leh u ammaanay sida Soomaalida ay uga go’neyd qorshahan kuna dhiiri geliyey inay dhameystiraan dokumentiga Qorshahan si ay beesha caalamka u taageerto, isla markaana u keenaan tasiilaadkii lagu fulin lahaa Qorshahan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la dardaarmay guddiga soo diyaariyey qorshahan kana codsaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan, si loo horgeeyo golaha wasiirada iyo golaha baarlamaanka oo uu u noqdo mid sharci ah.

Waxaa dhowaan lagu wadaa in Muqdisho markii ugu horreysey lagu qabto kulankii Guddiga Wadajirka ah ee Ammaanka (Joint Security Committee) oo ay shir-guddoomin doonaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Ergeyga gaarka ah ee guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM. Kulankan JSC ayaa looga hadli doonaa documentiga qabyada ah ee Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Amniga Dalka laguna wadaa in looga doodo isla markaana lagu ansixiyo oo beesha caalamka ay goob joog ka ahaan doonaan.

-DHAMAAD –

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: