• RSS Somali VOA

    • Barnaamijka Caweyska Washington June 24, 2017
      Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaan idiinku haynaa qeybo kala duwan oo xiiso leh, kuwaas oo ka hadlaya Ramadaanta iyo wixii kala qabsaday qaar ka mid ah dadka soo soomay.
    • Martida: Wasiir Xasan Xuseen Xaaji June 24, 2017
      Barnaamijka Martida ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Caddaaladda ee DF ee Somalia, waxaana uu ku jawaabayaa su'aalo la xiriira garsoorka Somalia
    • Dhageyso: Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka June 24, 2017
      Barnaamijka Dhacdooyinka todobaadka waxaa inala socodsiinaya Jamaal Axmed Cismaan.
    • Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha June 24, 2017
      Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Daanduray iyo Nuur Xasan Nuur
    • Muslimiinta Kanada oo loo Digay Maalinta Ciida June 24, 2017
      Jabhad hubeysan oo ay sameeysteen xagjir cadaanka Kanada kana soo horjeedo Muslimiinta ayaa looga dhawaaqey gobolka Alberta oo ah mid ka labaad ee Soomaalida ugu badan ee Kanada ay ku noolyihiin, marka laga tago gobolka Ontario. Jabhadan ayaa isku magacowdey Sadex Boqolkiiba (3%), oo ay ula jeedaan dadkii Mareykanka ahaa ee la dagaalamey boqortooyadii Ingiri […]
    • Dhageyso Mukhtaar Rooboow iyo Isbadalka Xaalkiisa June 24, 2017
      Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Mareyknaka ayaa shaley ku dhawaaqdey in ay ka saartey liiska dadka lacagta hore ay u dul-dhigtey kuxigeenkii Alshabab, Muqtaar Roobow Abu Mansoor oo wayadanba si gaar ah u joogay gobolka Bakool.
    • Howlgalka Mareykanka ee Somalia oo u Guuraya Muqdisho June 23, 2017
      Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa sheegay in Mareykanka uu mar kale howl-gal diblomaasiyeed oo rasmi ah ku yeelan doono Soomaaliya, marka ay Muqdisho ka furtaan xafiisyo dhammaadka sanadkan.
    • Milkiilaha Facebook oo la Kulmay Soomaalida Minneapolis June 23, 2017
      Milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg ayaa xalay casho afur ah magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kula yeeshay qaar ka mid ah Soomaalida halkaas ku nool, sida uu ku sheegay farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook.
    • Al-Shabaab oo Weerartay Banki ku Yaalla Kenya June 23, 2017
      Maleeshiyo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin al-Shabaab ayaa weerar ay ku qaadeen banki ku yaalla magaalada Mandera ee Waqooyi-Bari Kenya, waxay ku dileen saddex qof oo laba ay rayid yihiin halka qofka kalena uu ahaa mid ka mid ah ciidamada amniga.
    • Faaqidaadda: Ammaanka Magaalada Muqdisho June 23, 2017
      Ciidamada dowladda Soomaaliya oo magaalada Muqdisho ka wada howlgal xasilin iyo hubka dhigis ah, ayaa dhinaca kale ku guuleysan la’ inay joojiyaan weerarrada qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho ee ururka al-Shabaab uu geysanayo. 10-kii cisho ee la soo dhaafay, saddex qarax oo magaalada ka dhacay waxaa ku dhintay ku dhawaad 50 qof oo rayid u badan. Tan iy […]
    • Xulufada Sacuudiga oo Dalabyo Adag u Gudbiyey Qatar June 23, 2017
      Saudi Arabia iyo dalalka kale ee gacanka ee Qatar xiriirka ugu jaray tuhunada ku saabsan inay taageerto argagixisada, ayaa soo bandhigay liis ay ku qoran yihiin dalabyo ay doonayaan in la fuliyo.
    • Qarax ka Dhacay Pakistan oo lagu Dilay 9 qof June 23, 2017
      Qarax baabuur oo aad u xooggan oo ka dhacay magaalada Quetta ee dalka Pakistan ayaa dilay ugu yaraan sagala qof, islamarkaana dhaawacay 20 qof oo kale.
    • 9 Qof oo ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Muqdisho June 22, 2017
      Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku geeriyootay,19 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay Saldhigga booliska degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
    • 29 Qof oo ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Afghanistan June 22, 2017
      Qarax baabuur oo aad u weyn oo ka dhacay gobolka ku yaalla koonfurta dalka Afghanistan ee Helmand, ayaa dilay ugu yaraan 29 qof, islamarkaana dhaawacay in ka badan 60 kale.
    • Daacish oo Burburisay Masjidkii Caanka ahaa ee Mosul June 22, 2017
      Masjidkii caanka ahaa ee al-Nuri iyo minaaraddiisii dhinaca u janjeertay ee al-Hadba ee magaalada Mosul, ayaan hadda kadib jiri doonin, kadib markii ay burburisay kooxda Daacish.
    • Maxkamad Diiday Heshiiska Badda ee Masar iyo Sacuudiga June 22, 2017
      Maxkamadda Sare ee Dastuurka ee dalka Masar ayaa joojisay laba xukun oo iska soo horjeeday oo horay looga soo saaray heshiiska xadeynta badda ee Dowladaha Sacuudiga iyo Masar, ilaa laga hubinayo sida ay heshiisyadaasi u waafaqsanyihiin dastuurka dalka Masar.
    • Diyaarado Duqeyn ka Geystay Somaliland June 21, 2017
      Diyaarado aan la aqoonsan dalka laga leeyahay oo kuwa dagaalka ah ayaa rasaas ku riday deegaanno ka tirsan Somaliland.
    • Muqdisho: Dad Dhaawac ah oo loo Qaaday Sacuudiga June 21, 2017
      14 ka mid ah oo u badan dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay ayaa maanta loo qaaday dalka boqortooyada Sacuudiga.
    • QM: Macluushii Soomaaliya waa laga Baaqsaday June 21, 2017
      Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in macluushii laga baqayay inay ka dhacdo Soomaaliya in laga baaqsaday.
    • Boqor Salman oo Wiilkiisa ka Dhigay Dhaxal-suge June 21, 2017
      Boqorka Sacuudiga, Salman ayaa wiilkiisa 31 jirka ah ee Mohammed bin Salman u dallacsiiyey dhaxal-sugaha boqortooyada, isaga oo ka dhigay ninka ugu horreeya liiska qofka xiga ee noqonaya boqorka.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

June 8, 2007 Maalin ay Soomaalidu weyday Halyeey ku Sifoobay Hogaamiyenimo


Aadan cadeMaanta taariikhdu waa June 8, 2011 kuna Beegan maalintii uu ifka ka  

 

 

 

Tagay Allaha u Naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

 

 

 

Aadan Cabdulle Cismaan, Taariikhda oo aheed june 8, 2007.

 

 

 

Asagoo Ugu geeriyooday si dabiici ah isbitaal ku yaal magaalda Nairobi ee dalka Kenya. Waa maalin murugo ku reebtay dadka iyo dalka soomaaliyeed. Madaxweynaha oo dhintay, maalin uu dalka marayey marxalad kala qobqobnaan, goboleysi, iyo burbur saameyn ku yeeshay dhamaan Jamahuuriddii Soomaaliya.

Maalin ay yareed Hogaan la midda, kuna sifoobay halyeeynimo, wadani ah, akhlaaq leh,

 

 

ixtiraam iyo qadarin ay shacabka u hayaan. Madaxweynihii hore wuxuu ku sifoobay

 

 

Timaamaha uu leeyahay hogaanka fiican ee haga, una hogaamiya dal badbaado iyo horumar.

 

Tilmaamahan oo intooda badani uu alle ku galadeystay Madaxweynihii hore ee Aadan Cadde.

 

Sifooyinkaas oo kala ahaa: 1- Wuxuu ahaa hogaan alle siiyey aragti fog, ayna u Cadeed

 

Meesha uu rabo in uu gaarsiiyo dalka iyo dadka, dajiyey wadadii lagu gaari lahaa Himiladda

 

La hiigsanayey. 2- Wuxuu ku fikiri jiray oo kaliya midnimadda iyo horumarka dadka iyo dalka.

 

Wuxuuna ka qeybqaadan jiray isu soo dhowaanshaha iyo wada shaqaynta bulshada.

 

3- Wuxuu aad u jeclaay taladda iyo wadatashiga, wuxuuna waqtigiisa uu galinjiray inta badan

 

Talo isweedaarsi kadibna uu qaadan jiray midda ugu haboon ee xalka uu ku jiro. 4- wuxuu ahaa

 

Hogaamiye ku sifooba hawl karnimo dheeraad ah. Waxuu ahaa mid aan gacmaha ka laaban

 

Shaqo uu faraha kuhayo iyada oo aan dhammaan. 5- Wuxuu alle siiyey awood uu ku quuro

 

Ama uu u huro in uu qofku waxa uu u qalmo ee wanaag ah siiyo, isaga oo aanan Eegeyn

 

Haddiiba ay jirto meelo lagu kala fikrado duwan yahay. 6- Wuxuu ahaa mid u Dhaqma

 

Si hufnaan ah oo wuxuu ku dadaali jiray in ay is-waafaqsantahay ficilkiisa muuqda iyo

 

Dadnimadiisa hoose. Wuxuu ahaa qof la aamini karo oon is-dabamarin iyo leexleex

 

Agtiisa oolin, muujiyana fikradiisa dhabta ah haddii aan xitaa dan gaar ahaaneed ugu jirin.

 

7- Mudaxweyne aadan waxa uu dhaqan ka dhigtay in uu dadka si dhex-dhexaadnimo ah ula dhaqmo.

 

Waxuu ahaa shakhsi dadka isu dhegaysta marka khilaaf yimaado, oo aan cid ka duldhicin

 

isaga oo ku sababaynaya warbixin aan dhamaystirneyn ama eex ah. Markay bulshadii arkeen

 

madaxweynahoodii oo ah xaqsoore iyo dhexdhexaadiye waxay ugu abaalgudaan ixtiraam, taageero,

 

Dabacsanaan joogto ah. 8- Madaxweynaha allaha u raxmadee wuxuu sameyn jiray dabacsanaan.

 

Wuxuu aaminsanaan jiray in aanu cidna ka fiicnayn ama ka liidan ee uu bulshada ka mid yahay.

 

9- Wixii guul ah ee la gaaro ammaanteeda iskuma koobi jirin ee wuu qaybin jiray, wixii xumaadana

 

isagaa canaanteeda dusha u ridan jiray. 10- Waxaa lagu tilmaami jiray aadan cadde inuu ahaa

 

Mid si fiican dadka u dhagaysta, ra’yiyada kala duwan tixgeliya, wixii dani ku jirto ayuu qaadan jiray.

 

Xukunka iyo go’aanadana si fiiro ku jirto ayuu ku gaari jiray kuna meel marin jiray, Si ay la socoto furfuraan.

 

11- Wuxuu ahaa shaqsi hal-abuur leh wuxuuna iskudayey in uu wax cusub hindiso; marar badan

 

Ayaa waxaa u muuqday waxaan dadka kale weli u muuqan. 12- Wuxuu ahaa mid ku kalsoon

 

Naftiisa iyo asaxaabtiisa iyo inta ay shaqo wadaagyihiin iyo dhamaan bulsho weynta soomaaliyeed.

 

13- Waxuu ahaa qof qaata go’aan wadareedka aqbala hadii laga adkaado, waxaa uu ahaa

 

Madaxweyne lagu doortay si cod ah, maamulay dalka 7 sano, kadibna xilka kuwaraajiyey

 

Maalinkii looga adkaaday doorashadii 1967kii, asagoo u hambalyeeyey, kuna wareejiyey

 

Xilkii uu u hayey dalka iyo dadka madaxweynihii la doortay ee Abdirashiid. Sifooyinkaas oo

 

iskaashaday ayuu dalka ku soo hogaamin jiray. Laakiin tilmaamaha aynu inta badan ku aragno

 

Siyaasiyiinta maanta ee qabyaaladu ugu horayso, waxba laguma hogaamiyo; dhib iyo

 

Mushkilad raagta mooyee waxa kale lagama dhaxlin. Waxaa haboon in aan tusaale uu kuu noqdo qofka ku guuleystay sifooyinka hogaanka fiican.

Cali Axmed

axmedcali1@gmail.com

buqaqable.net

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: