• RSS Somali VOA

    • An error has occurred; the feed is probably down. Try again later.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 45 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Kulankii Gollaha Wasiirada oo Maanta Lagu Magacaabay Agaasimaha Guud Ee Hey,adda Nabad Sugida Qaranka ( War-Saxaafadeed )


wasiradaTalaado, 24 May 2011—– Shir ay Maanta Golaha Wasiirada  yeesheen oo

 

 

 

uu Shir-Guddoominayey R/ Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi

 

 

 

Mohamed (Farmaajo) ayaa looga Hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen 

 

 

Warbixin Safarkii Ra’iisul Wasaaraha uu ku tegey New York iyo Washington, magacaabis agaasimaha hay’ada nabadsugidda qaranka, dhacdo ka dhacday airportka Muqdisho iyo dagaalo beeleed ka dhacay gobolka Mudug.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha wasirada siiyey warbixin la xiriirta safarkii uu dhowaan ku tegey magaalooyinka New York iyo Washington oo uu ka qeybgalay shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee 11kii May 2011 oo looga hadlayey arrimaha Somalia. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu waxuu ka warbixiyey kulamadii uu la qaatay mas’uuliyiin ka socota aqalada Senate ka iyo Congressman ka iyo kulamo uu la qaatay jaaliyadda soomaalida ee dalka Mareykanka.

Ka dib markii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane Abdishakur Sh. Hassan Farah uu soo gudbiyey musharaxii agaasimaha hay’adda Nabad suggida Qaranka ayaa golahu ka doodeen, isla markaana isku raaceen in Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed uu noqdo Danjire Ahmed Mo’allim Fiqi Ahmed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Difaaca mudane Abdihakim Haji Mohamud Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Abdishakur Sh. Hassan Farah ayaa golaha siiyey warbixin la xiriirta dhacda saakay ka dhacday airportka Muqdisho oo ay labo dayuuradood oo aan sumad laheyn ay soo cagadhigteen garoonka, ka dibna ay is weydaarsadeen xamuul. Ka dib baariteen ay ku sameeyeen hay’adda Nabad Sugidda Qaranka iyo Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu helay inay wadeen lacag gaareysa 3 million iyo 600 kun oo dollar. Booliiska ayaa gacanta ku dhigay shaqsiyaadkii ka danbeeyey arrinkan waxaana socda baaritaan ay boolika soomaaliyeed ku waddaan falkan.

Golahu waxey si aad ah ugu ammaaneen wasaaradda arrimaha gudaha sidii ay falkaan uga hortageen, isla markaana ay gacanta ugu dhigeen dadkii ka danbeeyey falkaan.

Ugu danbeyntii golaha wasiirada waxey u soo jeediyeen baaq nabadeed beelaha ku dagaalamay baacad weyn ee gobolka Mudug, uguna baaqay inay joojiyaan dagaalka oo ay wada hadlaan. Golahu waxey isla garteen in wafdi heer wasiir iyo xildhibaano loo diro goobaha ay beelaha wallaalaha ah ku dagaalameen.

– DHAMAAD –

buqaqable.net

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: