• RSS Somali VOA

    • Howlgal ka Dhan ah Al-Shabaab oo ka Dhacay J/Hoose December 9, 2016
      Ciidamada amniga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa maanta hawlgal ka sameeyey deegaan ku yaalla dhinaca waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo.
    • DF Somalia oo ka Hadashay Joojinta Xoolaha December 9, 2016
      Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay heshay warqad ka timid dhinaca Sucuudiga oo sheegaysa in si ku meel-gaadh ah ay u joojiyeen dhoofka xoolaha Soomaalida iyagoo taasina ay u sababeeyey arrimo caafimaad.
    • Barnaamijka Faaqidaada: Doorashooyinka Soomaaliya December 9, 2016
      Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay doorashooyinka labada Aqal ee Soomaaliya ka socda iyo tan madaxweynaha ee la filayo in dhamaadka bishan lagu qabto caasimada Soomaaliya.
    • Waqti Cusub oo Loo Qabtay Doorashada Madaxweynaha Somalia December 9, 2016
      Go'aankan ayaa waxaa lagu gaaray shir ay lahaayeen madaxda Madasha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya oo shalay lagu soo gebogebeeyey magaalada Muqdisho.
    • Shacabka oo Dib ugu Laabanaya Qandala December 9, 2016
      Dadweynihii horey uga cararay magaalada oo muddo bil iyo 12 cisho ah ay haysteen maleeshiyada Daacish ayaa iminka billaabay inay magaalada dib ugu soo laabtaan.
    • Djibouti oo Dib u Celineysa Qaxooti Ethiopian ah December 9, 2016
      Dawladda Djibouti iyo hay’adaha qaabilsan muhaajirtiinta ayaa billaabey iney ka dhoofiyaan garoonka diyaaraddaha ee Djibouti dad tahriibayaal ah oo u dhashey Ethiopia oo laga so celiyey dalka Yemen.
    • Baarlamanka K/Koonfureed oo Xilka Ka Qaaday Madaxweynaha December 9, 2016
      Golaha Qaranka Korea-da Koonfureed ayaa u codeeyey in xilka laga qaado madaxweynaha dalkaas Park Geun-hye.
    • Sacuudiga oo Hakiyey Xoolihii Soomaaliya December 8, 2016
      Qaar ka mida ganacsatada Xoolaha ee ku sugan magaalada Jeddah ayaa VOA la wadaagay qoraal ay sheegeen in lagu hakiyey xoolihii ka iman jiray Soomaaliya.
    • Shirka Madasha oo Maalintii Labaad ka Socda Muqdisho December 8, 2016
      Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shir ay leeyihiin hoggaamiayaasha madasha oo iyagu ka dooddaya arrimaha doorashada Soomaaliya.
    • 10 Qof oo Ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Goof-Gaduud December 8, 2016
      In ka badan 10 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dagaallo maanta duleedka magaalada Baydhaba ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda Somalia iyo maleeshiyada Al-Shabaab.
    • Kenya oo Lagu Eedeeyey Dilal Sharci Darro Ah December 8, 2016
      Urur aan dowli ahayn oo lagu magacaabo Haki Afrika ayaa ku eedeeyey ciidamada ammaanka Kenya inay fuliyeen tobaneeyo dilal aan sharci ahayn oo ay u geysteen dad la waayey intii u dhaxeysay 2012 illaa 2016, kuwaas oo muslimiin ah.
    • Ilhan Omar oo Sheegtay in La Handadey December 8, 2016
      lhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhawaan loo doortey aqalka wakiilada ee gobolka Minnesota ayaa sheegtay inuu handadey wadihii taksi ay raacday.
    • Natiijada Doorashada Ghana oo Maanta La Shaacinayo December 8, 2016
      Afhayeen u hadlay guddida doorashada ee dalka Ghana ayaa sheegay in guddigu ay maanta bilaabi doonaan sii daynta natiijada doorashadii madaxweynaha iyo tii baarlamaanka ee dalkaas ka dhacday, waxayna ku baaqeen in xaaladda la dejiyo.
    • Ciidamada Puntland oo Qabsaday Qandala December 7, 2016
      Ciidamada Puntland ayaa maanta dib u qabsaday magaalada Qandala ee Gobolka Bari oo ay muddo ku dhow 40 malamood haysteen maleeshiyada taabcsan ururka Daacish.
    • Waraysi: Siyaad Maxamuud Cali December 7, 2016
      Xafiiska Senator Amy Klobuchar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee ay Soomaalidu degto ayaa sheegay inay soo gaadhay baaqyada ka imanaya Soomaaliya ee ku saabsan abaarta ku dhufatay degaanno ka mid ah Soomaaliya.
    • Muqdisho: Kulan Looga Hadlay Tacaddiyada Haweenka December 7, 2016
      Sanad walba, laga soo bilaabo 25-ka November oo ah maalinta caalamiga ah ee dabar goynta tacadiyada ka dhanka haweenka ilaa iyo 10-ka December oo ah maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda aadanaha, waxaa dunida lagu qabtaa mashaariic lagu taageerayo haweenka iyo wacyigelin ku aadan tacadiyada dhinaca Jinsiga ah. Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho ayaa […]
    • Obama oo Jeediyey Khudbadda Amniga Qaranka December 7, 2016
      Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa shaley jeediyey khudbadiisii ugu danbeysey ee ammaanka qaranka.
    • Somaliland: Shir Looga Hadlayo Doorashooyinka oo Furmay December 7, 2016
      Shir lagu lafa gurayo geedi socodka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ka furmay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.
    • Norway: Wiil Loo Qabtay Dilka 14 Jir Soomaali ah December 7, 2016
      Booliska dalka Norway ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen wiil 15 sano jir ah oo labo maalmood ka hor dil u gaystay wiil Soomaaliyeed oo 14 sano jir ah oo lagu magacaabay Yacquub Cabdullahi Xasan.
    • Mareykanka oo Ka Digay u Safarka Ethiopia December 7, 2016
      Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sii wadda inay muwaadiniinteeda uga digto halista uga iman karta u safarka dalka Ethiopia.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 45 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Xukuumada KMG Ah Ee Somalia oo Maanta ku Dhawaaqday in Dalka La Galiyey Xaalad Heegan Sare ah ( War-Saxaafadeed )


afhayeenadaMuqdisho : Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay

 

in ay dalka ku soo rogtay xaalad Heegan sare ah (State of high alert ) 

 

 

Sababo Amaanka la xiriira Arintan Ayaa Timid ayaa la yiri in looga 

 

 

 

Hortagayo Cabsi la xiriirta aargoosiyo ay ku kacaan kooxda Al-shabaab oo ka careysan dilkii Hogaamiyaha Al-qaacida Usama Bin-laden Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen afhayeenka xukuumadda KMG kah Eng. C/raxmaan Cumar [ C-Yarsiisow ]


iyo afhayeenka Booliska Col. C/llaahi Xasan Bariise ayay Saxaafada ugu Faah faahiyeen Go,aamo ay maanta Golaha wasiirada ku gaareen

 

kuwaasoo sidan hoose u qornaa:-

War Saxaafadeed

Xukuumadda FKMG ah iyadoo ka duuleysa mas’uuliyadda ka saaran badbaadada shacabka, iyo Al-Qaeda oo la sheegayo inay damacsan yihiin inay u aaraan Hoggaamiyahoodii Osama Bin Laden ka dib markii la dilay iyo guul darooyinka joogtada ah ee kooxaha Al-Shabaab ayaa Xukuumaddu waxey sii dar-dar gelin doontaa howlaha sugida amniga.

Hay’adaha amniga ayaa tan iyo dilkii Osama Bin Ladan ka wada xaajoonayey saameynta ay keeni karto dilkiisa.

Haddaba Xukuumadda FKMG ah markii ay tixgelisay:

1- Warbixinada dhanka amniga ah.

2- Falalka naxariis darada ah ee laga filan karo kooxaha xag jirka ah ka dib markii la dilay hoggaamiyihii Al-Qaeda.

3- Dagaalada socda ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

4- Xaqiijinta ka imaneysa hay’adaha amniga ee ah inay jiraan falal ay damacsanyihiin kooxaha nabadiidka

ah ee lagu waxyeeleynayo shacabka soomaaliyeed.

5- Howlgalada socda ee lagu sugayo amniga dalka.

6- Rabitaanka shacabka soomaaliyeed iyo sida ay ula safteen Dowladda FKMG ah oo horumar baaxad leh ka sameeyey dhanka amniga.

Xukuumadda FKMG ah waxey go’aamisey:

1. In Dalka la geliyo Heegan buuxa oo ah meeshii ugu sarreysey (State of High Alert).

2. In hay’adaha amniga ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan sidii amniga loo sugi lahaa, loona dhaqan gelin lahaa feejignaan tii ugu sarreysey, iyadoo ciidanka la gelinayo heegan joogta ah.

Heegankan buuxa waxuu dar-dar gelin doona arrimahan:

1. In aan la oggalaan doonin dhammaan hubka sharci darada ah in wadooyinka lagu wato.

2. In la yareeyo socodka gaadiidka habeenkii waxii ka danbeeya 9pm, marka laga reebo kuwa sharciyeysan.

3. In Dib-u-habeyn lagu sameeyo ciidanka Dowladda.

4. In la sugo amniga goobaha shacabka ku sugan yihiin.

5. In Dowladdu ay dib gacanta ugu soo celiso magaalada Muqdisho.

Dhammaan shacabka soomaaliyeed waxaa lagu wargelinayaa inay la shaqeeyaan ciidanka amniga sugaya si looga hortago waxii keeni kara falal argagax ah ee ka yimaada Al-Shabaab.

Dhamaad-

 

afhayeenada

buqaqable.net

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: