• RSS Somali VOA

    • Afghanistan: Wasiirkii Gaashaandhigga oo Is-casilay April 24, 2017
      Wasiirkii gaashaandhigga iyo madaxii ciidamada Afghanistan ayaa labadaba is-casilay kadib weerarkii dhimashada lahaa ee Jimcihii lagu qaaday saldhig ciidan, kaasi oo lagu dilay ugu yaraan 140 askari, tiro kale oo badanna lagu dhaawacay.
    • Natiijada Doorashadi France oo La Shaaciyey April 24, 2017
      Emmanuel Macron oo ka socda xisbiga dhexe iyo haweeneyda ka socota xisbiga midigta fog ee wadaniga ah ee kasoo horjeeda soogalootiga Marine Le Pen ayaa usoo gudbay wareega labaad ee doorashada madaxtinimo ee Faransiiska.
    • Mareykanka oo Ka Hadlay Soo Laabashada Burcad Badeedda April 24, 2017
      Sarkaal sare oo ka tirsan Dowlada Mareykanka ayaa sheegay in kooxaha burcad badeedka ay kusoo laabteen biyaha ka baxsan Xeebaha Soomaaliya, balse kororka weerarada maraakiibta ganacsi aysan wali noqon kuwo leh jiho loo raaco.
    • Farmaajo oo Baydhabo Booqday April 23, 2017
      Madaxweynah Soomaaliya Maxamed Cabdullaabhi Farmaajo aya amaanta booqashadiisii ugu horraysay isagoo madaxweyne ah ku tagay magaalada Baydhaba ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
    • Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha April 23, 2017
      Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Cabdiqafaar Sheekh Aadan Sheekh Cabdullaahi oo ah dhaqaale-yahan la shaqeeya Bangiga Adduunka, waxaana uu ka hadlayaa xiriirka ka dhaxeeye Dawladda Federalka Somalia iyo maamul-goboleedyada.
    • Sagaal Ciidanka Puntland Katirsan oo Qarax ku Dhintey April 23, 2017
      Wararka ka imanaya maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in ay sagaal askeri ku dhinteen qarax miino oo maanta ka dhacay waddo ku taalla buuralayda Galgala.
    • Barnaamijka Caweyska Washington April 22, 2017
      Barnaamijka Caweyska Washington waxaad ku maqli doontaan suugaan xiiso leh oo ay inala wadaagayaan qaar ka mid suugaanyahanada da'da yar
    • Dhageyso Barn. Hambalyada Iyo Heesaha April 22, 2017
      Dhageystayaal ku soo dhawaada barnaamijkii Xiisaha lahaa ee Hambalyada iyo Heesaha, Waxa la diyaar ah Ibraahim Xasan Daandurey iyo Caasho Ibraahim Aaden.
    • Dhageyso Dhacdooyinka Toddobaadka April 22, 2017
      Dhageystayaal ku soo dhawaada barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, waxana maanta la diyaar ah Jamaal Axmed Cismaan.
    • Xaguu Marayaa Dhismaha Ciidanka Soomaaliya? April 22, 2017
      Amaanka iyo dhismaha ciidanka Somalia ayaa galay marxalad cusub, kadib marki dhawaan ay madaxda Dowlada ku dhawaaqday qorshe cusub oo dib u habeyn dhinaca ciidanka ah.
    • Askari Dil Toogasho Lagula Fuliyey Muqdisho April 22, 2017
      Maxkamad milatari oo ku taalla magaalada Muqdisho, ayaa maanta xakun dil ah ku filisay askari ka tirsanaa ciidanka qalbka sida kaasoo lagu eedeeyey inuu dilay qof rayid ah.
    • 140 Ruux oo Lagu Dilay Afghanstan April 22, 2017
      Ugu yaraan 140 ruux ayaa geeriyootay kadib marki ay kooxda Taliban Jimcihii weerartay saldhig milatari oo ay leeyihiin ciidamada Dowlada Afghanstan oo ku taalla waqooyiga dalkaasi.
    • Barnaamijka Martida Makrafoonka April 22, 2017
      Barnaamijka Martida Makarafoonka, waxaa todobaadkan marti ku ah Xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaliya ee Hindiya, Axmed Maxamuud (Xiish) oo ka warramaya dhalinyaro soomaaliyeed oo ku xiran Hindiya.
    • Buula-Barde: Ruuxii Diley Askarigii Jabuutiyaanka oo Isna La Diley April 21, 2017
      Taliyaha Ciidamada dowladda ee degmada Buula Barde ayaa VOA u xaqiijiyay in howlgal ay galabta ciidanka sameeyeen ay ku dileen ninkii dilka u geystay askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee ka socday dalka Jabuuti.
    • Kenya: Waxaan Dilnay 52 Shabaab ah April 21, 2017
      Ciidamada dawladda Kenya ayaa sheegay inay dileen 52 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab 1-dii habeennimo ee xalay kadib weerar ka dhacay meel 9 km u jirta degaanka la yidhaahdo Sarira oo u dhow magaalada Badhaadhe.
    • Qoryooley: 6 Qof oo ku Dhaawacmay Qarax April 21, 2017
      Wararka ka imanaya magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeellha Hoose ayaa sheegaya in 6 qof oo rayid ah ay dhawacyo cuslus soo gaareen kadib qarax ka dhacay maqaayad ku taalla magaalada.
    • Wasiirka Waxbarashada oo u Jawaabay Al-Shabaab April 21, 2017
      Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo ka jawaabaya hadalka Al-Shabaab ayaa ugu baaqey inaysan waalidiinta dhegta u dhigin hadalka Al-Shabaab.
    • Faaqidaadda: Falalka Burcad Badeedda April 21, 2017
      Toddobaadyadii ugu dambeeyey waxaa dib usoo xoogeystay falalka afduubka maraakiibta ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya. Waxaa la afduubtay dhowr doon ama markab, waxaana tani ay kordhisay walaacii maraakiibta ay ka qabeen ku safarka biyaha ku dhow Soomaaliya. Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka waxaan ku eegeynaa falalkan dib usoo cusboonaaday, sababaha ugu waca […]
    • Xaaladda Paris oo Caadi ku soo Laabaneysa April 21, 2017
      Waddada caanka ah ee Champs-Elysees ee magaalada Paris ayaa maanta caadi ku soo laabaneysa kadib markii nin hubeysan uu khamiistii ku dilay qof boolis ahaa, islamarkaana ku dhaawacay laba qof oo kale.
    • Caruur Lagu Dilay Duqeyn ka Dhacday Gedo April 20, 2017
      Laba caruur ah ayaa dhimatey mid kalana dhaawac daran ayaa soo gaarey ka dib markii ciidamada Kenya ay duqeyn ka geysteen deegaanka Coos Qurun oo ka tirsan degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Kulan Ay Maanta Gollaha Wasiirada XKMG Ka Ah Muqdisho Ku Yeesheen Ayaa Lagu Sheegay in Aanay Doorasho Dhici karin Sanadkan ( War-Saxaafadeed )


G Wasiirada-April-24_2011Muqdisho, Axad, 24 April 2011): Shir Ay yeesheen Golaha Wasiirradda

 

 

Maanta 24ka April, 2011 uuna shir Gudoominayey Raisul-Wasaaraha

 

 

 

Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo) ayaa looga 

 

 

Dooday Xaalada adag ee uu dalku ku jiro Hadaba Golaha Wasiiraddu:  1.    Markii ay tixgeliyeen xaaladda nabadgelyo xumo ee waddanku ku sugan yahay; 2.    Markii ay tixgeliyeen guulaha iyo horumarka ay dowladdu ka gaartay dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta;

3.    Markii ay garwaaqsadeen horumarka laga sameeyey amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, xaquuqda shaqaalaha iyo ciidamada, iyo baahida loo qabo in la joogteeyo, lana dhameystiro.

4.    Markii ay tixgeliyeen duruufta adag ee dalku ku jiro: abaaro ba’an, barakac baahsan, dagaal dhimasho iyo dhaawac maalin walba sababaya, jabka ku dhacay Al-Shabaab & Al-Qaacida iyo sida ay u kala daadsan yihiin;

5.    Markii ay tixgeliyeen go’aanada iyo baaqyada ka soo baxaya dowladaha ciidamadoodu dalka joogaan, qaar ka mid ah beesha caalamka iyo shacabka soomaaliyeed.

6.    Markii ay tixgeliyeen go’aankii ay horay u gaareen Golaha Wasiiraddu ee ahaa in dib loo dhigo waqtiga doorashooyinka Madaxda Dawladda muddo hal sano ah si aan loo wiiqin horumarka Amni ee ka socda qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah loona dhamaystiro hawlaha ka dhiman xilliga kala guurka;

7.    Makii ay arkeen taageerada loo dhamaa ee ay Dawladaha Bariga Afrika Madaxdoodu la garab istaageen go’aankii Xukuumadda ee ku aadanaa in doorashooyinka Madaxda Dawladda dib loo dhigo muddo hal sano ah;

Golaha Wasiiradu:


  1. Waxey go’aamiyeen in xaaladda waddanka uu ku jiro aaney suurtogal aheyn in doorasho la qabto waqtigan;

2.    Wuxuu sii adkeeyey go’aankiisii ahaa in doorashooyinka dib loo dhigo muddo hal sano ah ilaa iyo August 2012, si ay ugu suuragasho in la dhamaystiro hawlaha amni iyo siyaasadeed ee socda;

  1. In Xukuumadda ay sii wado wadatashiyada ay la bilowday baarlamaanka ee ku aadan qorshayaasha xukuumaddu u diyaarineyso dhameystirka howlaha qabyada ah ee uu Axdiga FKMG ah na farayo, si loo abuuro aragti mideysan ee ku aadan mustaqbalka soomaaliya

    .

Ugu danbeyntii Golahu waxuu ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed, iyo beesha caalamka inay taageero buuxdo nagu siiyaan meelmarinta iyo hirgelinta go’aankan.

–Dhamaad–

buqaqable.net

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: