• RSS Somali VOA

    • An error has occurred; the feed is probably down. Try again later.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 45 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

MURAADKIIS GAARE MEEL DHEER AAS KAA MARAA ( Maqaal- Avv.Xussein Diiriye Afrax )


AfraxMaah-maahdaan reer banaadiriga ayaa waxay ku cabbiri jireen in

 

 

Danta ay ka sareeyso saaxibta nimada  ayagoo sidaas garwaaqsan

 

 

 

Ayaa waxay yiraahdaan siyaasadda Saaxib malaha,taas waxay  ka

 

 

 

Muuqataa xaaladda manta ka taagan inta badan waddamada carabta oo markii laga gaaray dantii laga lahaa lagu sii daayay laguna soofeeyay kuwa  mucaadka ku ah si ay uga taqallusaan madaxda ragaadiga iyo dib u dhaca ku keenay waddamada, waxa carabta haysto hadii si gaar ah loo baaro waxaa  isla markiiba kuu soo baxaayo


in mareykan uu yahay cidda ka dambeyso carqaladda taagan, hore ayaa loo yiri in siyaasadda mareykank ay tahay habar waayeel oo hal il ku leh dhakada sare ee madaxa,

Habartaas waxaay goob-goobid ugu jirtaa will mar hore ka lumay,sidaas ayey mar waliba waxay gacanta ku dhigtaa wiil ay u haysato in uu yahay kii ka lumay,kor ayey

u qaadaa ilaa ay ka tusiso isha dhakada sare uga taallo,markii ey ogaato in wiilka Ay kor u siddo uu san ahayn kii ka lumay  ayey si deg-deg ah dhulka ugu soo tuurtaa,

waxa manta madaxda carabta  haysta na waa mareykanka oo si cad u ogaada in mar dambe uusan uga baahneen in madaxdaas ay mar dambe u af duubaan dowlado

sida Ciraaq,Soomaaliya, Afgaanistaan,Bakistaan,dantiis gaare meel dheer aas kaa maraa,dhibaatada waddamada carabta ka taagan mid ka daran ayaa Soomaaliya hore u soo martay

ka gadaal markii  odaygii kacaankii 1969 madaxa ka ahaa uu mareykanka si cad uga diiday qorshihii shidaalka ay Konoko wadatay ayaa waxaa guddoon lagu gaaray

in qal-qal la geliyo lugahana la isugu dhufto siyaasadda Soomaaliya sidaas na waxaa ku billaabatay jaha wareerka ilaa manta jid looga baxo la waayay. Soomaaliya

waxay deris xun u noqotay dil, kufsi, barakac,qax,abaaro,dagaal joogto ah,gaajo iyo  wax waliba oo qarribaad ku lug leh, shiddo dhamaad lahayn oo salka ku haysa isir tir,

Been abuur diineed,qabuuro qodis, dadka oo nabad iyo hor u kac loo diido,qolo shisheeye gacan ku dhiigle yaal ah oo loo soo daabulo.Qaxarka iyo dhibka Soomaaliya

La baday wuxuu gaaray in nabaddii ay u qaxdo meel aan la garaneyn,jahawareerka iyo is maandhaafka taagan waxa ay dhaliyen in umadda  is aamini weydo

kaddibna loo sameyo qabyo qoraal dastuur federal ku sheeg oo u qoondeeyay in qolo waliba  meeshii ay u guurtay ka sameysato dowlad iyo sharci goboleed ay isku maamulaan,

arrintaas oo ugu dambeyntii keeni doonto is qab-qabsi xuduudeed iyo dagaal qabaail oo hor leh. Wax waliba dhammaad ayeey leeyihiin,balse waxa iska cad in dhibka Soomaaliya

ay hagayaan dad ku xeel dheer dibandaabyada iyo dabin dhigidda si ay mar waliba u as-aasan xaalad cusub ula jeeddada ka dambeysa na tahay kala fogeynta madaxda.

Arinkaas waxaa tusaale ugu filan shirka qal-qalka, iska hor keenka iyo majaxaabinta loogu tala galay oo UN ka dhawaan ka furtay magaalada Nairoobi, Isu imaadkaas 

oo ay Dowladda qaadhacday maya na af buuxo ku tiri ayaa waxaa laga soo jeediya in labo sano lagu kordhiyay jiritaanka Barlamaanka, waxaase la illoobay in soo jeedintass

ka hor uu baarlamaanka sameeyay kordhi seddex sano,shaci hoosaadka barlamaanka na waxa ku cad Qod.36 iyo 39 in kordhinta hore laga hadli Karin ilaa ay ka soo wareegato

Lix bilood,waa yaabe side la isu waafajin doonaa labada korriimo.  Waxaa kale oo dalka ku soo kordhay dhallinyaro aad u yaqaan xirfadda dallal nimada lana baxay Magacyo

Sida NGO (non-governmental organisation) waa koox isu xilsaartay u adeegidda iyo mareynta danaha uur kiraalayaasha UN ka oo xaafiisyada iyo guryaha waaweyn

Ka deggen magaalada Nairoobi, Madaxda NGO yada waxaa maalin waliba hortooda lagu kala qeybsadaa lacagta aadka u faraha badan oo loogu talagay waddanka iyo

Umadda Soomaali ayaga na waxaa loo soo tuuraa in ka yar boqolkiiba hal 1% lacagta ay gacantooda ku saxiixeen,waa rag balaayo laq ah oo dantooda kala weyn tahay midda dadka.

Kaddib markii hantida waddanka dhamman la idleeystay ayaa haatan bililiqada waxay u hotay waddamada deriska oo ku can baxay boobka iyo is hor taagga lacagaha

Waddanka loogu tala galay ayagoo isbaaro ku noqday danaha dhaqaale ee Soomaaliya.Bukaanka iyo boqol u talinta waxaa looga bixi karaa in is faham la dhex dhigo inta yar oo damiirka ku dambeeyo ay na ka go’antahay xal u helidda dhibaatada soo jireenka noqotay.

Avv.Xussein Diiriye Afrax

Edmonton London

 

buqaqable.net

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: