• RSS Somali VOA

    • Farmaajo oo Uganda u Socdaalay October 22, 2017
      Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisan ee dalkaasi Uganda uu imanayaa maalin kadib markii uu cidamada u sheegay inay dawladdu dagaal qaadayso.
    • Qarax Miino oo Dilay ugu Yaraan 6 Qof October 22, 2017
      Shilkan ayaa ka dhacay meel u dhow tuulada Daniga oo u dhaxysa Magaalooyinka Balcad iyo Afgooye, iyada oo dadkii qaraxa ku dhintay ay saarnaayeen baabuur BL ah.
    • Taliyaha Booliska Puntland oo Dhaawacay Kuxigeenkiisa October 22, 2017
      Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa ku dhaawacmay rasaas uu riday taliyaha booliska Puntland C/qadir Shire Faarax Ereg, oo isagu rasaastaasi u waday sida la sheegay guddoomiyaha gobolka Nugal.
    • Dhageyso Barnaamijka Martida Makrafoonka October 21, 2017
      Dhageyso Barnaamijka Martida Makrafoonka, waxa toddobaadkan soo diyaariyay Ridwaan Xaaji Cabdiwali.
    • Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington October 21, 2017
      Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington oo toddobaadkan xiiso gaar ah leh. Sahra Ciidle Nuur, ayaa soo jeedineysa.
    • Manchester United oo Dhulka la Dhigey; Man City iyo Chelsea oo Badiyay October 21, 2017
      Kooxda Manchester United ayaa guul darro naxdin badan kala kulantay kooxda Huddersfield Town kulan ka tirsan horyaalka Ingriiska.
    • Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka October 21, 2017
      Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, oo aan markan diiradda ku saari doonno mashaqadii ka dhacdey Muqdisho 14-kii October, iyo sidoo kale doorashada Kenya. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa soo jeedinaya.
    • Barn. Hambalyada iyo Heesaha October 21, 2017
      Barnaamijka Hamblayada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasho Ibraahim Aadam (Cuud)
    • Qubanaha VOA, Oct 19, 2017 October 20, 2017
    • Juventus oo 1-aad Noqotay Naadigii ugu Qarshka Badnaa CL Sanadkii Tagay October 20, 2017
      Kooxdii Finalka looga adkaaday Champions League, ayaa noqotay naadigii ugu faa'idada qarashka badneyd horyaalkaasi, iyagoo heley lacago gaaraya 110.4 million oo euro ($130.3 million), sida ay EUFA sheegtay Jimcahii maanta.
    • Conte: Wax Dhib ah Kama Taagna Tababarka Chelsea October 20, 2017
      Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa meesha ka saaray inay jiraan qalalaase ka taagan hababka uu naadiga u tababaro.
    • Musharaxiinta Somaliland oo dood loo qabtay October 20, 2017
      Somaliland, waxaa xalay ay dood dhinacyo badan taabanaysaa ku dhex martay magaalada Hargeysa saddexda musharax ee u tartamaya doorashada madaxtooyada oo ay innaga xigto muddo saddex toddobaad ah.
    • Jamhuuriga oo ansixiyey miisaaniyadda dowladda October 20, 2017
      Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa cod 51-49 ku ansixiyey miisaaniyadda dowladda, taasi oo dhabbaha u xaareysa waxa uu madaxweyne Trump ugu yeeray “isbeddel weyn iyo cansuur dhimis”
    • Barnaamijka Faaqidaadda: Qaraxii Zoobe ka dhacay October 20, 2017
      Magaalada Muqdisho waxaa 14-kii bishan October ka dhacay qaraxii ugu weynaa ee magaalada ka dhaca, kaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 300 oo qof, islamarkaana boqolaal kale ay ku dhaawacmeen. Barnaamijka faaqidaadda waxaan ku eegeynaa dhibaatooyinkii ka dhashay qaraxaas. Waxaana soo jeedinaya Haaruun Macruuf.  
    • Kheyre: Sabtiga dalka wuxuu galayaa xaalad dagaal October 20, 2017
      Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay in wixi ka danbeeya sabtida birrito ah uu dalka geli doono xaalad dagaal.
    • Dhaawacyadii la geeyay Sudan oo cabanaya October 20, 2017
      Dadka ku dhaawacmay qaraxii magaalada Muqdishu ee daaweynta loo geeyey dalka Suudaan ayaa sheegaya inaysan saacado badan helin daryeelkii caafimaad ee loo baahnaa kadib markii lagu daadiyey goob cisbitaal ah oo aan ku habboonayn baahidooda.
    • Dalka Sacuudiga iyo Ciraaq oo kulmaya October 20, 2017
      Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa maanta lagu wadaa inuu tago bariga dhexe, si uu uga qeybgalo kulan magaalada Riyad ku dhexmari doona Sacuudiga iyo Ciraaq.
    • Sidee Loo Kala Badiyay Tartanka Europa League October 20, 2017
      Waxaa xalay dhacay kulamo xiisa leh oo ka tirsan koobka Europa Leage oo ah tartanka labaad ee ugu xiisaha badan Qaarada Yurub.
    • Dib u dhis lagu billaabay isgoyska Zoobe October 19, 2017
      Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka billowday dib u dhis lagu sameynayo laamiga isgoyska Zoobe oo qaraxii dhowaan ka dhacay uu burburiyey.
    • Hooyo iyo ilmaheeda oo lagu dilay Qandala October 19, 2017
      Kooxo hubeysan ayaa xalay Tuulada Canjeel ee ka tirsan degmada Qandala waxay ku dileen Haweeney iyo Ilmo ay dhashay.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Madaxweyne Shariif iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Maanta u Safray Wadamada Ethiopia iyo Tanzania ( War-Saxaafadeed )


1108Muqdisho, Khamiis 14 April 2011) Madaxweynaha Jamhuuriyadda

 

Soomaaliya Mudane Sharif Sheikh Ahmed iyo wafdi uu hoggaaminayo

 

 

Ayaa saakay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho una socdaalay

 

 

 

Dalalka Ethiopia iyo Tarzania. Wafdiga waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ahna Wasiirka Difaaca Mudane Abdihakim Mohamud Haji FIQI, Wasiirka maaliyadda Hessien Abdi Halane, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Abdulkadir Moallim Nur, Madaxa Protocolka Xafiiska Madaxtooyada Mursal Maxamed Saney.

Madaxweynaha iyo wafdigiisu waxey la kulmayaan Prime Minister ka Dalka Ethiopia Melez Zenawi si ay ugala hadlaan arrimo la xiriira sii xoojinta xiriirka labada dal ee deriska ah, iyo arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin

Arrimaha amniga Soomaaliya iyo dalalka geeska Africa. Shirkan ayaa daba socda Shirkii IGAD ee ka dhacay Addis Ababa dhammaadkii Janaayo oo ay labada mas’uul ba goob joog ka ahaayeen iyo shirkii Wasiirada Difaaca oo uu dhowaan Addis Ababa uga qeybgalay Mudane Abdihakim oo suurto galiyey booqashada maanta.

Booqashadan ayaa la xiriirta booqasho uu Madaxweynahu ku soo kala bixiyey dalal Afrikan ah si uu la tashiyo ula soo sameeyo Madaxda dalalkaas, isla markaana uu ka codsado dalalka Africa sidii loo sii xoojin lahaa dadaaladda nabad illaalinta ee ciidamada Afrika ka wadaan Dalka Soomaaliya.

Madaxweynahu waxuu horey safaro la tashiyo ah ku soo maray dalalka Ugandha, Brundi iyo Rwanda. Haddana waxaa lagu wadaa inuu Madaxweynahu booqdo dalalka Ethiopia iyo Tanzania. Madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed ayaa u arka la tashiyada dalalka Afrika ay muhiim u tahay

Geedi socodka nabadda iyo sii dhameystirka heshiiskii Djibouti. Sidoo kale booqashooyinkan ayaa waxey muujinayaan sida ay Madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed uga go’antahay xal u helida sidii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya,

isla markaana ay dowladaha Afrikanka ah ay mas’uuliyad isaga saari lahaayeen arrimaha Soomaaliya. Madaxweynahu waxuu kaloo warbixinno siin doonaa Madaxda Afrika ee ku aadan xaaladda dalka uu marayo gaar ahaan xilligan kala guurka ah iyo sida looga bixi karo.

Madaxweyne Sharif ayaa aaminsan in loo baahanyahay in hay’adaha Qaranka ay noqdaan kuwo shaqeynaya oo u adeegaya danaha ummadda soomaaliyeed, isla markaana xalka uu ku jiro in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii xilliga kala guurka ah looga bixi lahaa.

– DHAMAAD –

Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisoow”

La taliyaha R/W ahna afhayeenka Xukuumadda.

buqaqable.net

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: