Nairobi Shirkii Nairobi ka socday labada Maalmood oo uu qorshuhu
Ahaa in galabta la soo gabagabeeyo ayay wararka ka soo baxaya
Sheegayaan in la isku khilaafay qodobada ka soo baxaya Shirka iyo
Cida Aqrinaysa Bayaanka wararkan ayaa intaas ku daraya in kadib markii ay kooxaha ka qeyb galay shirka koob walba soo jeedisay Fekerkeeda ay talada la wareegeen dinacyadii Ajaanibta ahaa ee shirka qabtay loona diiday Kooxaha Soomaalida in ay gunaanadka shirka qoraan ama bayaanka shirka aqriyaan iyadoo waliba
La sheegayo in lagu amray in aanay Cidana warbaahinta kaga sheekeyn karin wixii dhacay
iyo wixii shirka looga hadlay taasoo dhalisay khilaaf iyo is qabqabsi ka dhex bilowdo

ka qeyb galayaasha iyo dhinacyadii shirka marti geliyay sida ay warar hoose
sheegayaan Safiirka Dowlada Mareykanka ayaa wada cadaadis ah in aan qodobada
shirka lagu shaacin Nairobi dibna loogu dhigo inta looga noqonayo gudaha soomaaliya

halkaasoo ay tahay in marka hore Xukuumada Soomaaliya laga dhaadhiciyo qodobada
kadibna hadii la isla ogolaado lagu dhawaaqo halka ay qeybaha Soomaaliya iyo wadamo ay

Ethiopia ugu horeyso qabaan in shirka iyo wixii ka soo baxay Nairobi looga dhawaaqo
Xukuumada Soomaaliyana aan laga talo gelinin maadaama ay diiday ka qeyb galka
Shirka wali lama oga waxa uu ku dhamaan doono laakiin waxaa la hubaa in wixii shalay iyo

Maanta la soo waday gunaanadkooda dib loogu dhigay waqti kale oo aan wali la Cayimin
Gunaanadka shirka iyo Bayaanka ayaa sababaha loo diiday lagu sheegay in marka
Hadalo qalafsan oo ay dhinacyada Soomaalida ah ee ka qeyb galay doonayeen in lagu qoro
Bayaanka iyo tan labaad oo ah in balanta shirka ay aheyd in aanay wax go,aan ah ka soo bixin oo uu ku ekaado wada tashi Soomaalida ah dhexdeeda ah
buqaqable.net
Like this:
Like Loading...
Related
Filed under: "somalia, Buqaqable |
Leave a Reply