• RSS Somali VOA

    • Dad loo xiray weerar ka dhacay kulankii Liverpool iyo Rome April 25, 2018
      Booliska magaalada Liverpool ayaa xiray laba qof oo la tuhunsan yahay inay isku day dil sameeyeen kadib markii nin 53 jir ah looga tagey xaalad halis ah, ka hor kulankii koobka horyaallada Yurub ee kooxaha Rome iyo Liverpool. Cayaartaas oo ka dhacday garoonka Anfield ayaa waxaa 5-2 ku adkaaday kooxda Liverpool. Ninka la dhaawacay ayaa waxaa si halis ah loogu […]
    • Beledweyne: Daadad Barakac Dhaliyey April 25, 2018
      Daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo maalmihii u dambeeyey ka da'yey gobolka Hiiraan iyo qeybo ka tirsan dalka Ethiopia ayaa barakiciyay ilaa 9 kun qoys oo ku noolaa xaafadaha magalada Baledweyne
    • Muqdisho: Dowladda oo Soo Bandhigtay Xubin Daacish Ka Tirsan April 24, 2018
      Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa soo bandhigay jin ay sheegeen inuu ka tirsan yahay oo lagu soo qabtay hawlgal ka dhacay degaanka Carbiska ee duleedka Muqdisho
    • Liibiya: Tahriibayaal Soomaali ah oo La Soo Bad-baadiyay April 24, 2018
      Safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya Muxuddiin Maxamed Kaalmooy, ayaa sheegay inay jiraan Soomaali habeen hore laga soo bad-baadiyey badda, kadib markii ciidamada Liibiya ay ku arkeen xeebaha dalkasi, xilli ay la socdeen doonyo liita.
    • Xaaladda Bush oo Ka Soo Reyneysa April 24, 2018
      Madaxweynihii hore ee Mareykanka George H. W. Bush ayaa la sheegey in ay xaaladdiisa ka soo reynayso, kadib markii isbitaal loo dhigay infegshenka dhiigga ku dhaca oo noloshiisa halis  geliyay, sida ay qoyskiisa ku sheegeen war ay soo saareen.
    • Galka Baarista: Heshiiska W.Gaashandhigga iyo Shirkad Shisheeye April 24, 2018
      Ku soo dhawaada barnaamijkii Galka Baarista oo ku saabsan heshiis ay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya la gashay shirkad gaar ah oo fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta.
    • Hargeysa: Imtixaanaadka Dugsiyada iyo Dadka Aan Lixaadkoda Dhammeyn April 24, 2018
      Somaliland waxa ka socda diyaarinta imtixaannaadka dugsiyada waxbarashada. Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee laxaadkoodu uu dhiman yahay, waxay ka mid yihiin ardayda u fadhiisanaya imtixaanaadkan, waana sannadkii ugu horraysay ee ay si rasmi ah u helaan imtixaan u gaar ah iyaga.
    • Roob ka Da'ay Kenya oo Sababay Geerida Dad Badan April 24, 2018
      Roob  ma hiigaan ah oo ka da’ayay toddobaadyaddii la soo dhaafay dalka Kenya, ayaa lagu soo waramayaa inay meelo kala duwan ay ugu dhinteen illaa dad ku dhow boqol qof. Roobka oo daadad soo rogay ayaa kumannaan qof oo kale ay ku barakaceen.
    • Toronto: NIn Gaari Jiirsiiyay Dad oo Maxkamad La Hor-keenayo April 24, 2018
      Nin watey gaari oo shalay ku dilay Magaalada Toronto ugu yaraan 10, ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaada ah maxkamad uu ka soo hor muuqdo.
    • Mareykanka oo Hubinaya Ballanqaadkii Korea-da Waqooyi April 24, 2018
      Aqalka Cad ayaa Isniintii shaaca ka qaaday in yoolka ugu danbeeya ee wadahadallada madaxweyne Trump la yeelan doono hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu yahay buburinta hubka niyukleerka.
    • Ciidamo Isku-rasaaseeyay Muqdisho April 23, 2018
      Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rasaas la isku weydaarsaday gudaha xeradii tababarka ee Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho.
    • Biriq Dad ku Dishay Caabud-waaq April 23, 2018
      Warar naga soo gaaraya bartahama Soomaaliya ayaa sheegaya in roobabka Gu’aga ee ka daya qaybo kamid ah gobollada dalka ayaa sababeen dhimashada laba ruuux kadib markii ay ku dhacday biriq xilli ay kusugnaayeen hoygooda, sida ay VOA usheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.
    • Yemen: Duqeyn Lala Beegsaday Xaflad Aroos April 23, 2018
      Saraakiisha caafimaadka Yemen ayaa sheegay ayaa in weerar dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen isbaheysiga uu Sacuudigu horkacay lala beegsaday xaflad aroos oo ka socotay waqooyiga dalka Yemen, halkaasina ay ku dhinteen 20 qof.
    • Muhaajiriin ku Dhintay Xeebaha Libya April 23, 2018
      Ugu yaraan 11 muhaajir ayaa dhintay 263 kalena wa la soo bad baadiyay Axaddii, kadib laba howl gal ay ciidamada badda dalka Libya ay ka sameeyeen xeebaha dalkaas Libya, sida ay shaaciyeen ciidamada badda ee Libya.
    • Pogba "Wax dhibaato ah kuma qabo Mourinho" April 23, 2018
      Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Manchester United Paul Pogba ayaa sheegay inaanu wax dhibaato ah ku qabin macallinka kooxdaas Jose Mourinho, islamarkaana aanu maskaxda ku hayn inuu kooxda ka tago. 25 jirkan u dhashay dalka Faransiiska ayaa kursiga keydka looga tagey labadii lug ee cayaartii wareega 16 ee koobka horyaalada Yurub oo kooxda United ay reebtay koox […]
    • Muqdisho: Amniga Suxifiyiinta oo Laga Dooday April 23, 2018
      Kulamo ku saabsan amniga suxufiyiinta ayaa maalmahan ka socday magaalada Muqdishu
    • Wareysi: Saameynta Roobki ka Da'ay Hargeysa April 23, 2018
      Iyadoo lagu jiro xilli roobaadkii isla markaana ay roobabkii gu’gu ay ka da’ayaan deegaanno ka mid ah Somaliland, ayaa qaar ka mid ah magaalooyinka ay dhibaato ku hayaan xadhkaha korontada iyo waliba qashin jidadka ay biyaha roobku u soo saaraan
    • Wareysi: Nin Shabaab ka Soo Goostay oo La Abaal-mariyay April 23, 2018
      Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dhowaan sheegay inay abaalmarin lacageed siiyeen xubin horey uga tirsanaa ururka al-Shabab oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Aaden Sandheere.
    • Muqdisho: Turkiga oo Gar-gaar Siiyay Dadka Aan Lixaadkooda Dhammeyn April 23, 2018
      80 qof oo ka mida dadka qaba baahiyaha gaarka ah ayaa maanta helay kuraasta dadka naafada ah oo ay ugu deeqday hay’adda Bisha Cas ee Turkiga.
    • Brussels: Maxkamad Dambi ku Heshay Rag Ku Eedeysan Argagixisnimo April 23, 2018
      Maxkamad ku taalla Biljamka ayaa dambi ku  heshay laba nin oo isku dayay inay weerar argagixisnimo ku dilaan ciidamo boolis ah gudaha magaalada Brussels March 2016.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Baarlamaanka DKMG Ka Ah oo Maanta Kulan Leh iyadoona Laga Yaabo in Laga Doodo Soo Jeedintii Gollaha Wasiirada Ee Shalay


Baarlamaanka2Muqdisho: Xildhibaanada DKMG Ayaa lagu wadaa in ay maanta

 

 

Kulan ku yeeshaan Xarunta Gollaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho

 

 

 

Kulanka Xildhibaanada ayaa lagu Sheegay in uu ku saabsan yahay

 

 

Xog dhageysi uu isugu yeeray gudoomiyaha baaralamaanka Shariif Xasan Sh Aadan oo maalmo ka hor ka soo laabtay Safaro uu ku soo kala bixiyay wadamo dhowr ah isagoona wata qorshe ku aadan sidii uu baarlamaanka u kala eryi lahaa Gollaha Xukuumada iyo Madaxtooyada kadibna

Doorasho u qaban lahaa Madaxweyne cusub oo soo dhisa Xukuumad halka ay dhinaca kalena

Gollaha Xukuumada KMG ka ah shalay kulan aan caadi aheyn oo u muqda mid looga sii

Hordagayay kan ay maanta Baarlamaanka qorsheeyeen ku yeeshay Muqdisho kulankaasoo

Ay ka soo baxeen in ay lagama maarmaan tahay in dhamaan Hey,addaha Dowlada

Waqti isku mid ah ku darsadaan si loo dhameeyo howlaha u dhiman Xukuumada  hadalkaasoo

Ay dad badan aaminsan yihiin in uu kala jab ku keeni doono kulanka maanta ay

Baarlamaanka yeelan doonaan hadiiba la diido soo jeedintii Xukuumada khilaafka dowlada kMG ka ah

Ayaa hada u muuqda mid u dhexeeya Shariix Xasanka Baarlamaanka oo dhinac ah iyo

Dhinaca kale oo ay ka soo jeedaan Madaxweyne Shariif iyo R/wasaare Faramaajo oo haysta dhamaan ama inta badan gollaha wasiirada

buqaqable.net

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s

%d bloggers like this: