• RSS Somali VOA

    • Soomaalida Mareykanka oo Soo Dhaweeyay Go,aanka Hey,adda Socdaalka April 27, 2017
      Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa soo dhaweeysay go,aanki kasoo baxay Hey’adaha Socdaalka Mareykanka ee ahaa inay joojinayaan qabqabashada dadka Soomaalida ah ee sharci darrada ku jooga dalkaan Mareykanka.
    • Mareykanka oo Joojiyey Qabashada Dadka Soomaalida April 26, 2017
      Hey’adaha socdaalka ee Mareykanka ayaa ku wargeliyay safaaradda Soomaalida inay joojinayaan qabqabashada dadka Soomaalida ee sharci darada ah oo aan guryahooda ama goobahooda shaqo loogu tagi doonin.
    • Rabshado la Xiriira Doorashada oo ka Dhacay Kenya April 26, 2017
      Dalka Kenya ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay ku fidaan rabshado goos goos ah oo la xiriira doorashooyinka  mudadoodu soo dhawaatay ee la filayo inay dalkaas ka dhacaan.
    • Ciidamada Kenya iyo Ethiopia oo Xadgudubyo Lagu Eedeeyey April 26, 2017
      Warbixin ay qortay qeybta ilaalinta rayidka ee hay'adaha gargaarka ee ka hawlaga Soomaaliya ayaa ku eedeenaysa ciidamada Kenya iyo Itoobiya iyo kuwa AMISOM in hawklgalladooda Soomaaliya ay xadgudub ku yihiin mabaadi’da bani'aadannimada.
    • Wareysi: La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweyne Farmaajo April 26, 2017
      Xuseen Macalin Maxamud (Damuumaaye) oo ah la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta faah faahin ka bixiyay Qorshaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed.
    • Hiiraan: Dagaal Dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidamada Ethiopia April 26, 2017
      Ciidamada Ethiopia iyo Al-Shabaab ayaa maalintii labaad waxaa uu dagaal goos goos ah ku dhexmarayaa deegaano ku yaalla inta u dhaxeysa magaalada Baledweyne iyo deegaanka Halgan.
    • Boosaaso: Shan Qof oo Qaraxyo Watay oo la Qabtay April 26, 2017
      Taliska qeybta booliska ee gobolka Bari ee Puntland ayaa maanta Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaaladda Boosaaso ku soo bandhigay 5 nin oo la sheegay inay wateen waxyaabaha qarxa.
    • Trump oo Maanta Shaacinaya Qorshe Canshuur Dhimis April 26, 2017
      Filashada qorshaha canshuur dhimista loo sameynayo shirkadaha waa weyn iyo shaqsiyaadka ee madaxweyne Donald Trump ayaa sare u qaaday qiimaha suuqyada saamiyada Mareykanka shalay iyo kuwa qaaradda Asia, xalay.
    • Warbixin: Baarlamanka oo Su'aal Ka Keenay Qorshaha Dhisidda Ciidanka April 26, 2017
      Intiinnii dhageystay idaacaddayadi fiidnimo ee xaley, Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaley dood ka keenay qorshaha difaaca qaran ee lagu dhisayo ciidamada Soomaaliya.
    • Guddiga Difaaca BF oo Diiday Qorshaha Dhismaha Ciidanka April 25, 2017
      Guddiga difaaca ee baarlamanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay qorshaha dhismaha ciidamada qaran ee Soomaaliya ee dhowaan ay isku raaceen dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.
    • Duqeyn ka Dhacday Qeybo ka Mid ah Gedo April 25, 2017
      Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegayo in duqeyn xoogan ay oo dhowr gantaal loo adeegsaday ay ka dhacdey deegaanada War Gaduudo iyo Modaale oo hoos yimaado degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
    • Soomaaliya: Cudurka Daacuunka oo Dilay 500 oo Qof April 25, 2017
      Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in ilaa 500 oo qof ay u dhinteen cudurrada  daacuunka ee ka dhashay abaaraha ka jira Soomaaliya.
    • Baydhaba: Askari Xukun Dil ah lagu Fuliyey April 25, 2017
      Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa saaka waxay xukun toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada booliiska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
    • Turkiga oo Fuliyey Duqeymo ka Dhan ah Kurdish-ka April 25, 2017
      Ciidamada Turkiga ayaa maanta fuliyey duqeymo ka dhan ah mucaaradka Kurdish-ka ee ku sugan waqooyiga Ciraq iyo Waqooyiga Bari ee Syria.
    • Soomaaliya oo la Wareegeysa Sugidda Amnigeeda April 25, 2017
      Mareykanka iyo Midowga Africa ayaa isku raacay inuu soo dhawaaday waqtigii Soomaaliya ay la wareegi laheyd mas'uuliyaddeeda dhinaca ammaanka.
    • Buug Laga Qoray Soomaalida Ohio iyo Minnesota April 25, 2017
      Waxaa xalay magaalada Colombus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka lagu soo bandgigay buug ilaga qoray jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolada Ohio iyo Minnesota.
    • Obama oo Baaq u Diray Dhallinyarada April 24, 2017
      Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama oo markii ugu horeysay dib ugu soo laabtay nolosha dadweynaha tan iyo markii uu xilka ka degay ayaa ugu baaqay da’ yarta magaalada Chicago inay u dhaqdhaqaaqan bulshada, si la mid ah isaga, inta uusan siyaasadda gelin.
    • Baydhaba: 4 Shabaab ah oo Xukun Dil lagu Fuliyey April 24, 2017
      Maxakamaada ciidamada ee Somalia ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay 4 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab oo horey loogu soo qabtay inay ka dambeeyeen qaraxyo
    • Guddoomiye ku Xigeenada Gobolka Banaadir oo la Magacaabay April 24, 2017
      Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta lagu magacaabay guddoomiye ku xigeenada maamulka  gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee maamulka.
    • Warbixin Gaar ah: Ammaanka Garoomada Diyaaradaha April 24, 2017
      Sanad iyo saddex bilood ayaa laga joogaa markii kombiyuutarka la qaadan karo ama laptop qarax lagu soo xiray lala galay diyaaradda Daallo Airlines, waxaana ninkii watay uu qarxiyey daqiiqado kadib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha Mudisho xilli ay kormaraysay magaalada Balcad. Weerarkaasi oo ay mas’uuliyaddiisa sheegteen ururka Al-Shabab ayaa noqday m […]
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Cumar Faaruuq Cismaan oo Mar Kale Maanta Muqdihso Loogu Doortay Xoghayaha Guud Ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ( NUSOJ )


omar farukMuqdisho: Shirweynaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka

 

 

Somalia oo maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay ayna

 

 

 

Ka soo qeyb galeen Suxufiyiin tiro badan iyo Madax dowlada ah  

 

 

 

Ayaa lagu doortay Xubnaha hogaamin doona sadaxda sano ee soo socota Shirkan oo ka dhacay Hotel Saxafi ayaa waxaa ugu horeyn hadal dheer ka jeediyay Xoghaya guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ Mudane Cumar Faaruuq Cismaan oo faah faahiyay in hadafka Ururka NUSOJ uu yahay

Difaacidda iyo u doodidda dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala dalka iyo dibadiisaba

 

isagoona ka hadlay qaar ka mid ah wax qabadkii ururka waqtigii la soo dhaafay. Mudane Cumar Faaruuq

 

Ayaa dhinaca kale soo qaaday xadgudubyada ka dhanka ah Suxufiyiinta iyo Saxaafada Soomaaliyeed

 

oo uu sheegay in ay dhamaan dadka Siyaasada Soomaaliya isku haya u geysteen Dhibaatooyin haba u

 

Kala badnaadaane iyo waliba Milkiilayaasha warbaahinta oo uu sheegay in ay Mararka qaar si aanan

 

Wanaagsanayn ula dhaqmaan shaqaalaha  isagoona ugu baaqay dhinacyada oo Dhan in ay ixtiraamaan

 

Ayna qiraan doorka ay Saxaafada ku leedahay horumarinta Bulshada  intaas kadibna waxaa bilowday

 

Doorashadii Xubnaha hogaamin doona NUSOJ sadaxda sano ee Socota taasoo Sidan u dhacday

 

Cumar Faaruuq oo ay Suxufiyiinta Soomaaliya iyo kuwa Caalamiga ah ee la socda Xaalada Saxaafada

 

Soomaaliya u aqoonsan yihiin in uu yahay Wajiga ug caansan uguna mudan Hogaanka NUSOJ

 

Ayaa loo doortay Xoghayaha Guud ee ururka Sadaxda Sano ee Soo socota Cumar Faaruuq hada waxa uu hayaa dhowr Jago oo Heer Caalami ah  


  1. Cumar Faaruuq Cismaan, Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed

     

  2. C/risaaq Cumar Cismaan (Sheekha Aduun) Gudoomiyaha Ururka Suxufiyeenta Qaranka Soomaaliyeed

  3. Cabdi Guuleed, Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed.

  4. Rasmi Max’uud Max’ed Xeeboow, Gudoomiye ku xigeenka 2-aad iyo xubno dhowr ah oo iyana loo magaacabay Wakiilada gobolada dalka Soomaaliya kuwaasi oo dhamaantooda goob joog ka ahaa Munaasabadii maanta ka dhacday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

buqaqable.net

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: