Muqdisho: Madaxweynaha DKMG ah Ee Soomaaliya Madaxweyne Shariif Sh
Axmad ayaa Maanta qaabilay Safiirka Cusub ee dalka Hindiya u soo dirsaday
Soomaaliya Ambasador Sibabrata Tripathia Munaasabad uu Safiirka
Cusub ku gudbinayay warqadihiisa aqoonsiga oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Wasiirka Arimaha Dibadda Somalia
Mohamed Abdulahi Omaar iyo Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Khaliif C/qaadir Macalin Nuur.

Madaxweyne Shariif oo hadal gaaban ka jeediyay Munaasabadan ayaa u Hambalyeeyay
Safiirka Cusub isagoona dhinaca kale tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay soo Noqoshada

Xiriirka india iyo Somalia Ambasador Sibabrata Tripathia ayaa la sheegay in uu Horay u soo qabtay
Xilal Safaaradeed oo ay ka mid ahaayeen dalalka Masar Kenya Uganda iyo Finland Hindiya

Ma ahan Wadankii u horeeyay ee Safiir u soo dirsado balse waxaa hore u joogay Muqdisho
Safaarado ay ka mid yihiin Jaamacada Carabta Sudan Libya Djibuti Yemen Ethiopia India oo maanta timid iyo kuwo kale
buqaqable.net
Like this:
Like Loading...
Related
Filed under: "somalia, Buqaqable |
Leave a Reply