• RSS Somali VOA

    • An error has occurred; the feed is probably down. Try again later.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 45 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Gollaha Wasiirada R/wasaare Farmaajo oo Maanta Mar Kale Yeeshay Kulan Aan Caadi Aheyn iyo Qodobo Kulul oo Ka Soo Baxay


wasiirada Muqdisho: Fadhi aan caadi aheyn oo ay maanta gollaha wasiirada DKMG-

 

 

Ka ah Muqdisho ku yeesheen ayaa waxaa ka soo baxay qodobo Shan ah

 

 

 oo ay gollaha wasiirada isku raaceen qodobadan oo ay qaarkood hore uga

 

 

Soo baxeen Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD ayaan hirgalin sababo aan la ogeyn hadana lama oga waxa soo cusbooneysiiyay iyo sida ay ku fuli karaan  balse war saxaafadeedkii ka soo baxay

Gollaha wasiirada ayaa lagu sheegay in qodobadan la fulinayo isla bisha Maarso dhexdeeda oo maanta kowda ah shanta qodob ee maanta soo baxday waxay kala ahaayeen sidan :-

 

1.       Xukuumada Federaalka KMG ahi iyadoo la kaashaneysa caalamka in maraakiibta, doonyaha iyo gaadiidka kale ee dulka ee u sida badeeco nooc kasta ha ahaatee Khawaarijta Shabaab ee argagixisada ah in lala wareego, lana xiro dekeddaha Kismaayo, Baraawe, Marka iyo kuwa la midka ah.

2.       In Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay u aqoonsatay kooxda Khawaarijta shabaab inay yihiin urur Argagixiso Caalami ah. Horjoogayaashooduna ay ka mid yihiin liiska Argagixisada caalamiga ah ee adduunku uu baadi goobayo.

3.       In wadaniyiinta shacbiga Soomaaliyeed dibadda iyo gudaha ku nool ay qaataan xilkooda kaga aadan taakuleynta iyo horumarinta nabad soo celinta dalka hooyo iyo abaaraha.

4.       In warbaahinta gudaha iyo dibadda ay dowrkeeda ka qaadataan nabad soo celinta dalka.

5.       In dhalinyarada la marin habaabiyay ee u dagaalanta kooxda Khawaarijta ee Shabaab in loo fidiyo cafis guud tan iyo bisha March 30-keeda, kuwii ka soo baxana in gacmo furan lagu soo dhoweyn doono iyagoo lagu gacan qaban doono horumarka mustaqbalkooda iyo sidii ay ku gaari lahaayeen nolol wanaagsan.

buqaqable.net

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: