• RSS Somali VOA

    • Trump oo Ballaariyay Amarki uu Mareykanka Uga Mamnuucay Dalal ay Soomaaliya Ku Jirto September 25, 2017
      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ballaariyay amarki uu dalkiisa uga mamnuucay in ay soo galaan muwaadiniinta qaar ka mid ah dalalka Islaamka, isaga oo hadda ka dhigay sideed wadan.
    • AC Milan oo Mar Kale Khasaartay September 24, 2017
      Kooxda sanadkaan kharashka badan la geliyay ee AC Milan ayaa jab kala soo laabatay magaala xeebeedka Genoa kadib marki ay 2-0 ku lumisay kooxda Sampdoria oo ay marti u aheyd, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Talyaaniga.
    • Imisa Ayuu Neymar Saacaddiiba Qaataa September 24, 2017
      Website-ka kashifa wararka qarsoon ee dhinaca ciyaaraha kubadda cakta ee Football Leaks ayaa ku warramay in xidiga ugu qaalisan kubadda cakta aduunka xilligaan ee Neymar uu ka mushaar yar yahay Carlos Tevez.
    • Ozil oo Ku Wajahan Manchester United  September 24, 2017
      Sida ay qoreen qaar ka mid ah wargeysyada dhinaca ciyaaraha ee dalka Ingiriisja, laacibka kooxda Arsenal iyo xulka Jarmalka Mesut Ozil ayaa lagu wadaa inuu isaga tago kooxdani ka dhisan London marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.
    • Sarkaal Ciidan Oo Muqdisho Lagu Dilay September 24, 2017
      Warar goor dhowayd naga soo gaaray magaalada Muqdishu ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka lagu dilay degmada Waaberi.
    • Hargeysa: Dab ay ku Dhinteen 4 Caruur ah September 24, 2017
      Afar caruur ah ayaa geeriyooday, hooyadoodna waxa soo gaadhay dhaawac, ka dib markii gurigii ay degganaayeen oo magaalada Hargeysa ku yaalla uu dab qabsaday. Dhibaatadan ayaa la sheegay inay timi ka dib markii uu gubashada gurigooda sababay shoodh ka dhashay korontada guriga ku jirta.
    • Muqdisho: Dhismayaasha Cusub September 24, 2017
      In kasta oo magaalada Muqdisho ay la kulanto qaraxyo iyo weeraro ka yimaadda kooxaha dawladda ka soo horjeeda, haddana waxaa jira horumar dhinaca dhismayaasha iyo nolosha ah oo magaalada ka socda.
    • Dhulgariir ka Dhacay Kuuriyada Woqooyi September 24, 2017
      Dhulgariir kooban ayaa ka dhacay dalka Kuuriyada Woqooyi, meel u dhow goob lagu tijaabiyo hubka Nukliyeerka, waxaana loo malaynayaa in arrintani ay tahay mid si dabiici ah isaga dhacday ee aanay la xidhiidhin tijaabo dhinaca hubka Nukliyeerka ah, sida ay sheegeen dalalka la deriska ah.
    • Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha September 24, 2017
      Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah afar hablood oo ka kala tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Somalia, waxayna ka jawaabayaan su'aalaha qaar ka mid ah dhageystayaasha VOA
    • Diyaaraha Maraykanka oo Dulmaray meel Dhow K. Waqooyi September 24, 2017
      Diyaaradaha dagaalka ee bamka xambaara ee Maraykanka ayaa u dhawaaday oo dulmaray meel u dhow xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi.
    • Falanqeyn: Nuxurka Khudbaddii Kheyre September 23, 2017
      Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa shalay khudbad ku dhawaad 18 daqiiqo socotay ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.
    • Hub Lagu Qabtay Puntland September 23, 2017
      Ciidamada Badda Puntland ayaa saaka waabarigii meel magaalada Boosaaso u jirta 9 Km oo lagu magacaabo Mareero ka soo qabtay saxiimad yar oo uu ku raran yahay hub kala duwan.
    • Somaliland: Dumarka iyo Kaalinta Siyaasadda September 23, 2017
      Haweenka Somaliland ayaa inta badan ku dooda in ay golayaasha siyaasadda ay ka Maqan yihiin, iyadoo 164-ka mudane ee Baarlamaanka ay gabadh kali ahi ku jirto.
    • Dadka Naafada ah oo ku Kulmay Ethiopia September 23, 2017
      Waxaa shalay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia lagu soo gaba gabeeyay kulan ay 10-kii sanaba mar isugu yimaadaan naafada dalalka ku jira Midowga Africa.
    • Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha September 23, 2017
      Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Adam (Cuud)
    • Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka September 23, 2017
      Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka ee maanta waxaa ku jira qoddobo ay ka mid yihiin isku dhacyadii dhawaan ka dhacay maamulka goboleedyada Soomaalida iyo Oromada ee Ethiopia, iyo waliba doorashada Kenya ee uu dib-u-dhacu ku yimid.
    • Shiinaha oo Xaddidaya Batroolkii uu u Dhoofin Jirey K.Waqooyi September 23, 2017
      Shiinaha, ayaa sheegtay Sabtida maanta inay xaddidi doonto batroolka ay u dhoofiso Kuuriyada Waqooyi, si ay ugu hoggaansanto cuna qabateyntii golaha ammaanka ee QM ay ku soo rogeen Kuuriyada Waqooyi.
    • Ra'isulwasaare Kheyrre oo Ka Khudbeeyay Shirka Golaha Guud ee QM September 23, 2017
      Ra'isulwasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa shalay galab xilliga Mareykanka ka jeediyay xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York khudbad dheer oo uu kaga hadlay xaalada Soomaaliya.
    • Fatahaado Ka Bilowday Peurto Rico September 23, 2017
      Saraakiisha maamulka Puerto Rico ayaa ka bilaabay qeybta galbeed ee jaziirada daad gureyn ay dadka uga daadgureynayaan basas, kadib marki ay khubarada saadaasha hawada ka digeen halis kasoo socota biya xireen weyn oo bilaabay fatahaad.
    • Bayern Munich oo Badinwayday  September 22, 2017
      Kooxda ugu guulaha badan horyaalka Jarmalka ee Bundesliga Bayern Munich ayaa iyada oo gurigeeda ku ciyaaraysay ka badin wayday naadiga Wolfsburg oo ay ku kala baxeen bareejo 2-2 ah.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 47 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

28 February Maanta oo Kale Maxaa Dhacay Taariikhda ???


Taariikh

Maanta oo kale 27 February 2010 Maxkamad hoostagta Kooxda Al-shabaab ayaa Xukuno kala duwan oo aanay ku jirin wax ciqaab ah ku riday Lix iyo toban nin oo ka tirsanaa kooxdooda al-shabaab kuwaasoo maxkamada horteeda ka qirtay in ay geysteen dambiyo iskugu jira dhac iyo dil loo geystay goobo ganacsi iyo dad shacab ah oo ku noolaa goobaha ay ka taliyaan Raga maxkamada horteeda ka qirtay dambiyada iyo cadada lacagaha ayaa ahaa sidan 

  • Maxamed Maxamuud xuseen $5250

  • Yuusuf Axmed yuusuf oo qaatay $4500

  • Cabdi Nuur Ciise oo qaatay $400

  • Cabdi Naasir Cabdulaahi Xusee oo qaatay $550

  • Axmed Cabaas Xuseen oo qaatay $8000

  • Cabdullaahi Cali Cabdi oo qaatay $9750

  • Maxamad Muuse Maxamad   oo qaatay Qori AK47 iyo $2400

  • Cali Ciise Xiirey  oo qaatay Afar Qori oo AK47 ah iyo $700

  • Axmad Xasan Dilixow oo qaatay  $4300

  • Cabdiraxiim Xassan oo qaatay    $700

  • Cali Cabdi Ciise oo qaatay  $360

  • iyo Shan nin oo iyagu Gabi ahaanbba inkiray in ay wax dhaceen lana sii daayay isla maanta

  •  

     

    Maanta oo kale 28 February 2009 Gollaha Cusub Ee Wasiirada DKMG ka ah ee uu Madaxa u yahay R/wasaare Cumar C/rashiid ayaa kulankii u Horeeyay ku yeeshaya Magaalada Muqdisho

     

     

    Maanta oo kale 28 February 2008 Axmad Walad Cabdalla oo ahaa wakiilkii Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ayaa tan iyo markii la magacaabay yimid wadanka Soomaaliya isagoona ka soo dagay magaalada Baydhabo oo xarun u aheyd xiligaas DKMG ka ah

     

     

    Maanta oo kale 28 February 1982 Gollaha Xukuumada Israel ayaa fadhi ay yeesheen ku diiday Booqasho uu Israel ku imaan lahaa Maxamad Xusni Mubaarak Kadib markii uu Mubaarak Shaaciyay in uusan Booqan doonin Magaalada Qudus oo ay Israel xoog Ku Haysato

     

    Maanta oo kale 28 Februray 1994 – Isbaheysiga NATO ayaa bilaabay weerarkii u horeeyay ee ay ku qaadaan Serbiyiintii Bosnia kadib markii ay Diyaarad Millitary  oo nooca F-16 ka loo yaqaan lagana lahaa dalka Mareykanka  duqeysay afar diyaaradoo oo ay Serbiyiintii Bosnia lahaayeen kuwaasoo soo galay Aaga ka caagan Duulimaadka 

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

    %d bloggers like this: