• RSS Somali VOA

    • An error has occurred; the feed is probably down. Try again later.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 45 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Kulan Dag Dag Ah oo Ay Maanta Gollaha Wasiirada iskugu Yimideen Ayaa Lagu Taageeray Mowqifkii Madaxweynaha


W.Warfafinta Muqdisho. Shir dedeg ah oo ay Gollaha Wasiirada Soomaaliya

Maanta Muqdisho ku yeesheen Ayaa qodobadii ka soo baxay

 

Waxay noqdeen in lagu taageero Mowqifkii madaxweynaha ee ahaa

 

in aanay Baarlamaanka kororsan karin waqtiga ayna kaligood gaari karin Go,aanka xiliga kala guurka Kulankan oo aan saxaafada loo ogolaan ayaa markii uu soo dhamaaday


Waxaa Saxaafada u aqriyay wixii ka soo baxay Wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta C/kariin xasan jaamac,warsaxaafadeedkiina waxa uu ahaa sidan :

Warsaxaafadeed shirka Golaha Wasiirada

26.02.2011

1.    Golaha Wasiirradu waxay ka baarandegeen sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka ah.

2.    Waxayna la tashiyo balaaran la sameeyeen hey’adaha kala duwan ee dawladda, qaybaha bulshada iyo beesha caalamka.

3.    Xukuumadda waxay ku jirtaa boqolkii maalmood ee ugu horeeyey mudadeeda waxaana heer gabogabo ah u maraya wada tashiyadii iyo diyaarintii qorshaha hawleed ee ku aaddan xilliga kala guurka oo faahfaahsan.

4.    Iyadoo lagu dhaqmayo Axdig Qarnka iyo shuruucda kale ee dalka, heyad waliba oo dawladda ka mid ahina ay gudanayso waajibaadkeeda dastuuriga ah, Golaha Wasiiradu waxay hoosta ka xariiqeen:

a.    In hay’ad waliba ku ekaato waajibaadkeeda shaqo ee ku cad axdiga iyo shuruucda kale ee dalka.

b.    In jaangoynta iyo fulinta siyaasadeed iyo maamulka dalka ay u xilsaarantahay hay’adda fulinta oo ah xukuumadda FKMG sida ku cad Axdiga iyo shuruucda kale ee dalka.

5.    Sida ku cad qoraalkii Madaxweynahu ku soo celiyey go’aankii baarlamaanka ee ku aaddanaa qorshaha kala guurka, soo diyaarinta qorshaha siyaasadeed ee marxallada kala guurka waxaa dastuuriyan masuuliyadda iska leh xukuumadda. Sidaas darteed waxaa haboon in hayad waliba ku ekaato awoodeeda dastuuriga ah ixtiraamtana shuruucda dalka.

6.    Xukuumadda DFKM waxay ugu baaqayasa Xildhibaannada Baarlamaanka in ay ka qayb qaataan dedaaladda nabad soo celinta ee dalka ka socda.

7.    Sidoo kale, dhamaan bulshada Soomaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in ay si hagar la’aana u taageeraan dadaalka nabad soo celinta.

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha

media@opm.gov.so

buqaqable.net

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: