• RSS Somali VOA

    • Dhageyso Barn. Caweyska Washington December 10, 2016
      Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Caweyska Washington. Caasho Ibraahim Aaden, ayaa idin la socodsiinaysa ee dhageysi habboon.
    • Ruushka oo lagu Eedeeyey inuu Jabsaday Doorashadii Maraykanka December 10, 2016
      Madaxweynaha dalkan Maraykanka Barack Obama ayaa amar ku siiyey hay’adaha wardoonka ee Maraykanka inay si sal-ballaadhan dib ugu eegaan wararka la xidhiidha in Ruushku uu jabsaday agabkii doorashooyinka Maraykanka ee sannadkan dhacay.
    • Qarax ka Dhacay Siinka Dheer ee Duleedka Muqdisho December 10, 2016
      Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in ugu yaraan laba qof ay ku dhinteen qarax gaari oomaanta ka dhacay kantoroolka siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.
    • Martida: Garyaqaan Xaashi M. Xaashi December 10, 2016
      Barnaamijka Martida ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Garyaqaan Xaashi Maxamed Xaashi oo ah qareen ka hawlgalaha xafiisyada sharciga ee magaalada London
    • Hambalyada iyo Heesaha: Falastin Iman iyo Ibrahim Danduray December 10, 2016
      Barnaamijka Hambalyada iyo Heesha ee toddobaadkan waxa inala socodsiin doona Ibrahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Falastiin Axmed Iimaan
    • Howlgal ka Dhan ah Al-Shabaab oo ka Dhacay J/Hoose December 9, 2016
      Ciidamada amniga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa maanta hawlgal ka sameeyey deegaan ku yaalla dhinaca waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo.
    • DF Somalia oo ka Hadashay Joojinta Xoolaha December 9, 2016
      Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay heshay warqad ka timid dhinaca Sucuudiga oo sheegaysa in si ku meel-gaadh ah ay u joojiyeen dhoofka xoolaha Soomaalida iyagoo taasina ay u sababeeyey arrimo caafimaad.
    • Barnaamijka Faaqidaada: Doorashooyinka Soomaaliya December 9, 2016
      Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay doorashooyinka labada Aqal ee Soomaaliya ka socda iyo tan madaxweynaha ee la filayo in dhamaadka bishan lagu qabto caasimada Soomaaliya.
    • Waqti Cusub oo Loo Qabtay Doorashada Madaxweynaha Somalia December 9, 2016
      Go'aankan ayaa waxaa lagu gaaray shir ay lahaayeen madaxda Madasha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya oo shalay lagu soo gebogebeeyey magaalada Muqdisho.
    • Shacabka oo Dib ugu Laabanaya Qandala December 9, 2016
      Dadweynihii horey uga cararay magaalada oo muddo bil iyo 12 cisho ah ay haysteen maleeshiyada Daacish ayaa iminka billaabay inay magaalada dib ugu soo laabtaan.
    • Djibouti oo Dib u Celineysa Qaxooti Ethiopian ah December 9, 2016
      Dawladda Djibouti iyo hay’adaha qaabilsan muhaajirtiinta ayaa billaabey iney ka dhoofiyaan garoonka diyaaraddaha ee Djibouti dad tahriibayaal ah oo u dhashey Ethiopia oo laga so celiyey dalka Yemen.
    • Baarlamanka K/Koonfureed oo Xilka Ka Qaaday Madaxweynaha December 9, 2016
      Golaha Qaranka Korea-da Koonfureed ayaa u codeeyey in xilka laga qaado madaxweynaha dalkaas Park Geun-hye.
    • Dhalinyaro Deeq u Uruurisay Abaaraha December 8, 2016
      Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in loogu gurmado dadka abaartu saamaysay, Waiyaha VOAda ee gobolka Minnesota ayaa waraysi la yeeshay laba dhalinyaro ah oo olole u galay sidii qaaraan loogu ururin lahaa abaaraha Somalia.
    • Sacuudiga oo Hakiyey Xoolihii Soomaaliya December 8, 2016
      Qaar ka mida ganacsatada Xoolaha ee ku sugan magaalada Jeddah ayaa VOA la wadaagay qoraal ay sheegeen in lagu hakiyey xoolihii ka iman jiray Soomaaliya.
    • Shirka Madasha oo Maalintii Labaad ka Socda Muqdisho December 8, 2016
      Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shir ay leeyihiin hoggaamiayaasha madasha oo iyagu ka dooddaya arrimaha doorashada Soomaaliya.
    • 10 Qof oo Ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Goof-Gaduud December 8, 2016
      In ka badan 10 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dagaallo maanta duleedka magaalada Baydhaba ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda Somalia iyo maleeshiyada Al-Shabaab.
    • Kenya oo Lagu Eedeeyey Dilal Sharci Darro Ah December 8, 2016
      Urur aan dowli ahayn oo lagu magacaabo Haki Afrika ayaa ku eedeeyey ciidamada ammaanka Kenya inay fuliyeen tobaneeyo dilal aan sharci ahayn oo ay u geysteen dad la waayey intii u dhaxeysay 2012 illaa 2016, kuwaas oo muslimiin ah.
    • Ilhan Omar oo Sheegtay in La Handadey December 8, 2016
      lhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhawaan loo doortey aqalka wakiilada ee gobolka Minnesota ayaa sheegtay inuu handadey wadihii taksi ay raacday.
    • Natiijada Doorashada Ghana oo Maanta La Shaacinayo December 8, 2016
      Afhayeen u hadlay guddida doorashada ee dalka Ghana ayaa sheegay in guddigu ay maanta bilaabi doonaan sii daynta natiijada doorashadii madaxweynaha iyo tii baarlamaanka ee dalkaas ka dhacday, waxayna ku baaqeen in xaaladda la dejiyo.
    • Ciidamada Puntland oo Qabsaday Qandala December 7, 2016
      Ciidamada Puntland ayaa maanta dib u qabsaday magaalada Qandala ee Gobolka Bari oo ay muddo ku dhow 40 malamood haysteen maleeshiyada taabcsan ururka Daacish.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 45 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

DAN UMA AHA EE KA DAAYA DASTUURKA FEDERAALKA ( MAQAAL Avv.Xussein Diiriye Afrax )


avvxdafrax1 Waxaa hore loo yiri(DAL BUKO BOQOL U TALISAY) waddanka

Soomaaliya na waxa uu gacanta u galay dad adeege u ah quwado

 

Dibadeed oo dantooda kala weyn Tahay midda umadda,

Waxaa haatan la wal-waalayaa dastuur lagu shaagay qabyoqoraal oo sida ka muuqato loogu tala galay in halaag loo horseedo waddanka ayadoo qoraalkaas ay ka muuqdaan waxyaalo ugu dambeyntii dhalin doono dagaallo qabiil hor leh oo ku saleysan jinsiyad iyo is qab-qabsi xuduuddeed,


Dhinac kasto qabyoqoraal haddii laga eego waxaa kuu soo baxaayo in yagleelka dastuurka laga lahaa ujeddooyin qaribaad,odayga haatan waddanka madaxa ka ah

Mar ayuu isku dayay in uu hor istaag cad ku sameeyo ku dhaqanka qabyo qoraal,balse haatan waxaa muuqato in shariifka loo tusiyay in ku dhaqanka dastuurka

Cusub uu asaga u yahay kii cimriga iyo xukunka u dheereen lahaa,sharafta iyo qadarinta dowlad nimo ku sii hayn lahaa, sidaas na uu haatan shariifka ugu horeeyo

inta si barer ah ugu ololeyneyso uguna gurbaan tumeyso soo nooleynta dastuurka federaalka qabyoqoraal.  Inta si toos ah loo abaarin nuxurka iyo micnaha uu

Maqaalka xambaar sanyahay ayaa in yar waxaa la soo qaadanayaa mid ka mid sheekooyinka ay soomalida caanka ku tahay: waqti aad u horeeyo ayaa waxaa nawaaxiga

Buur Hakaba deggenaa Suldaan la oran jiray Geedi Baabow oo can ku ahaa xukun adag iyo kalinimo talis,waxaa uu ahaa nin madax adag wuxuuna ka talin jiray

Dhul aad u baaxad weyn oo ah inta u  dhaxeyso seddexda Buur oo ah Buur Hakaba, Buur Haybe iyo Buur Hantooliyow, xaduudaha dhulka baqortooyada waxay

Dhacayeen laga billaabo galbeedka webiga Afgooye,bariga webiga ganaane ee Luuq,dhinaca koofureed ee webi Shabelle,magaalooyinka Habdhuurre,Yeet, Qurac Joome,

Ceel Meget,Buur Dhuubo,Baar Dheere,Saakow,Dijuuma,Ilaa Jilib.Dhulkaas baaxadda weyn waxaa xarun u ahayd magaalada Buur Hakaba oo ku taallay madaxtooyada Geedi Baabow,

Suldaanka waxa uu guddoon saday in hal bil kormeer ku soo kala bixiyo dhulka baaxadda weyn uu ka taliyo,inta uu safarka u kicin waxa uu soo saaray go’aan  ah

Bisha uu socdaalka ku maqanyahay wixii mac-macaan uu cuni jiray in lagu wareejiyo eyga guriga u joogo. Arrinkaas waxaa aad u dhibsaday ku xigeenkiisa oo damac ka

Lahaa in calafkaas uu asaga ku soo wareego. Markii Suldaanka uu dib soo noqday ayaa cuntadii waxaa la soo dhafin waayay eygii oo caadeystay cunidda hilbahaas,

Geedibaabow ayaa markas keddib waxa uu amray in ayga la dilo asagoo yirii:Meesha eygeyga yaallo waxaa manta yaalli lahaa madaxa ku xigeen keyga oo sida runta tahay

Qofka wixii uu calooshiisa baro in marka dambe uu u geeriyoodo.Sheekada waxaa loo soo ergaday in tusaale laga bixiyo mac-macaanka yar ay leeyahay madaxta nimada,

Arrintaas ayaa siyaasadda Soomaaliya waxay gacanta u gelisay dad manaxayan ah oo dantooda kala weyn tahay midda umadda,wa kooxo si toos ah ay u maal geliyaan

Quwado iyo hayado ay ugu horeeyaan WFP iy UNDP oo haatan rag dhallin yaro ah u adeegsaday sameynta dastuur ku sheeg si jahawareer hor leh loo dhex dhigo inta yar oo

Weli rajo iyo damiir dad nimo ku dambeeyo,sida haatan muuqata na Sheekh shariif oo markii hore siyaasaddiisa ay cad-caddeed ayaa waqti yadaan dambe waxaa

loogaa jeedaa mad-madoob hor leh iyo isbeddel keeni karo in ay ka fogaadaan dad badan oo siyaaso ahaan mar hore u dhowaa, Sheeqa waxaa ku habboon inta

Goori goor tahay uu ka fiirsado tallaabooyinka qaldan uu u qaaday dhinaca kala tagga kuna dadaalo in uu dib ugurasho ka sameeyo xaaladaha xun iyo talooyinka

Qaldan oo ay ka mid yihiin oggolaanshaha jiritaanka shirkadaha uur kiraalayaalka ah sida Saracen international,Blackwater iyo Ska oo dhammaantood ka mideysan u adeegidda hay’ado krishtaan ah.

Avv.Xussein Diiriye Afrax

Edmonton London

buqaqable.net

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: