• RSS Somali VOA

  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

24 February Maanta oo Kale Maxaa Dhacay Taariikhda ???


Taariikh 

Maanta oo kale 24 February 2009 Markii uu soo dhamaaday Shirkii ay Cullimada Soomaaliyeed Muqdisho ku yeesheen ayuu Allaha u naxariistee Abshir Bacadle Gabaygan Tiriyay

Murti waaya arag waa in wax un laga macaashaaye.            Midiyo isku sahad iyo dagaal la isku mari waayay.

Hadii Nabadda maro loo luloo Gogol la meegaaro.                  oo Culimo muhimiyo duqoow Madaxa loo dhiibto.

Oo ay go’aan muujiyaan lagu midoobaayo.                           Meyd iyo dhaawac duulkii sidaan maaro loo heline.

Maslaxa diidku madar inuu ku jebi waa mah-maah culuse.   Mark ku quuso madiyaal dhintaa laga macaashaaye.

Aakhirana mool JAHANAMAA lagu maquurtaaye.                   ALLOW yaa taley mudan tahaye meesha ku ekeeya.

Midigtu Bidixda kama maarantoo waa u muhataaye.              hadba tii murduxan bey tan kale meeday leedahaye.

Maxalu shaahidkiyo taargedkiyo meeshaan hibaneynay.        Mutafaqun Caleyhi baan rabniyo inaan midownaaye.

Waa Cadaw macaashkii inaad kala maqnaatiine.                    Muslimku cabara taariikh midnimuu magac ku yeeshaaye.

Markey kala tagaan cadawgu wuw malabsanaayaane.            Muran iyo tashwiish lama rabiyo maliyo huu haaye.

Ismaqiiqa iyo laab lakucu malahan miizaane.                         Muxadithkiyo usuuligu halkuu maray ku daawooba.

Maraajiicda aas aasigaa MOWLE ku addeeca.                          Isma saabax iyo wadajir guul kalama maarmaane.

Mugdigu qeybsan weeyee Ifka how muhato laabtiinu.             Oo miisaanki salafka u celiya Muhima Diineedka.

Muslimku cabara taariikh midnimuu magac ku yeeshaaye.     Markey kala tagaan cadawgu wow malabsanaayaane.

Mabaadida Aas aasigiyo Maxalu towxiidka.                              ku muujiya Shicaarkiina oo galiya Maankiina.

 

Maanta oo kale February 24, 2008 Maleeshiyo uu Hogaaniyo Mansuur Roobow ayaa Markii u horeysay La wareegtay gacan ku heynta Magaalada Diinsoor oo ay ku sugnaayeen Ciidan ka tirsanaa Dowladii C/llaahi Yusuf halkaasoo aheyd magaaladii ugu horeysay ee si buuxda Balidoodle ka dib Ciidankii C/llahi yusuf laga raacdeyo 

 

Maanta oo kale 24 February 2008 -Fidel Castro oo ku dhowaad Konton Sano ka talinayay wadanka Cuba ayaa Xilka ku Wareejiyay Walaalkiis Raúl Modesto Castro kadib markii ay jirooyin iyo duqnimo la soo dirseen walow uusan walaalkiis wax badan ka yareen

 

Maanta oo kale 24 1980 Waxaa Markii u horeeysay gaaray Qahira oo Masar ah iyo Telaviv oo Israel Ah Labadii Safiir ee ay is dhaafsadaan Masar iyo Israel oo kala ahaa Sacad Murtada oo Marsi Ahaa iyo Elyahoon oo israel

ahaa

buqaqable.net

One Response

  1. Umada somaliyed wadad xog an jirn kutashanaya wa kuqasban yihin indunida e wax laqebsato madama esan lahen awood buxdo o kulo macamil taman adunka manta dadka somaliyed dunida aye kufirdhisan yihin wilibn si sharaf dara hadana maleh awod e kuxaliyan dhibatadoda ama ey wax so sarka wadanka kula so baxan iska bada tase waxa nagu tacadinayo wadamada ugu tabarta yar adunk marka san layabkas ugu gudubno wa in xarir la la yesha wadamada adunka ugu quwada weyn cebtena somali o asturmata aye sura galin karta tas

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: