Sh Shariif oo Shabaab Ku Ceebeeyay in Ay Ku Fashilmeen Dagaalka Xili Ay Dad Badan Qabaan in Fashalka uu Yahay Dhinaca Dowlada Maadaama Ay Ayadu Maalmahan Weerar aheyd


r720322620 Madaxweynaha dowlada KMG ah Ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh

Axmed oo maalintii shalay aheyd Deegaanka Jazeera kula hadlay

 

 

 

Kun Askari oo soomaali ah kuwaasoo dhowaan tababaro

 

 

Ciidan ku soo qaatay wadanka ugandha ayaa yiri waad ogtihiin in ay Shabaab marayaan meeshii ugu dambeyday ayna joogaan xiligii ay ugu daciifsanaayeen anagana waxaan mareynaa halkii aan ugu wanaagsaneyn marka waxaa la idinka rabaa in aad xooga saartaan fulinta wixii la adin soo tababaray oo aheyd in aad cadawga ka saartaan dalka dadkana ka difaacdaan

Madaxweyne Shariif ayaa u sheegay ciidankii meesha iskugu yimid in ay shabaabka kufashilmeen dagaalka hadalkaasoo ay dad badan wax iska weydiinayaan

Macnihiisa hadii uu yahay dagaalkii maalmahan socday waxaa la aamin san yahay in cida ku fashilantay ay dowlada tahay maadaama ay iyada weerarka soo

Qaaday mudana is diyaaris ku jirtay iyadoo waliba bixisay mushaarka kumanaan iyo kumanaan maleeshiyaad ah oo hadii ay daacad jiro muqdisho iyo labada

Gobol ee ku dhagan qabsan kara balse loo qaadan karo in ciidanka ay dowlada sheegato ay yihiin kuwa hogaamiye  kooxeedka u diiwaan gashan kuwa magaca

Ahlu-sunna wata iyo kuwo Shabaab iyo Dowladaba Mushaar ka wada qaata dhinaca kale Xukuumada Farmaajo oo qabsatay mudo gaaban in ay Xamar kula

Wareegayso ayay Boqolkeedii maalmood ka hareen wax aan asbuuc ka badneyn taasoo iyadana aheyd in madaxweynaha Fashalka is weydiiyo xagee uga yimid

Balse dad badan ayaa qaba in hadalka madaxweynaha loola jeedi karo Shabaab dagaal way ku fashilmeen laba sano ka hor halkii ay ka bilaabeen ayayna joogaan

Shacbiyad la sheegana uma kordhin wax ka sii go,o ma ahee hadii ay Xisbul-islaam ku darsadeena waa dhaafi waayeen difaacyadii ay 2009 ka ku jireen oo qaar ayaaba dib looga soo celiyay

buqaqable.net

Leave a comment