• RSS Somali VOA

    • Barnaamijka Caweyska Washington June 24, 2017
      Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaan idiinku haynaa qeybo kala duwan oo xiiso leh, kuwaas oo ka hadlaya Ramadaanta iyo wixii kala qabsaday qaar ka mid ah dadka soo soomay.
    • Martida: Wasiir Xasan Xuseen Xaaji June 24, 2017
      Barnaamijka Martida ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Caddaaladda ee DF ee Somalia, waxaana uu ku jawaabayaa su'aalo la xiriira garsoorka Somalia
    • Dhageyso: Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka June 24, 2017
      Barnaamijka Dhacdooyinka todobaadka waxaa inala socodsiinaya Jamaal Axmed Cismaan.
    • Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha June 24, 2017
      Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Daanduray iyo Nuur Xasan Nuur
    • Muslimiinta Kanada oo loo Digay Maalinta Ciida June 24, 2017
      Jabhad hubeysan oo ay sameeysteen xagjir cadaanka Kanada kana soo horjeedo Muslimiinta ayaa looga dhawaaqey gobolka Alberta oo ah mid ka labaad ee Soomaalida ugu badan ee Kanada ay ku noolyihiin, marka laga tago gobolka Ontario. Jabhadan ayaa isku magacowdey Sadex Boqolkiiba (3%), oo ay ula jeedaan dadkii Mareykanka ahaa ee la dagaalamey boqortooyadii Ingiri […]
    • Dhageyso Mukhtaar Rooboow iyo Isbadalka Xaalkiisa June 24, 2017
      Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Mareyknaka ayaa shaley ku dhawaaqdey in ay ka saartey liiska dadka lacagta hore ay u dul-dhigtey kuxigeenkii Alshabab, Muqtaar Roobow Abu Mansoor oo wayadanba si gaar ah u joogay gobolka Bakool.
    • Howlgalka Mareykanka ee Somalia oo u Guuraya Muqdisho June 23, 2017
      Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa sheegay in Mareykanka uu mar kale howl-gal diblomaasiyeed oo rasmi ah ku yeelan doono Soomaaliya, marka ay Muqdisho ka furtaan xafiisyo dhammaadka sanadkan.
    • Milkiilaha Facebook oo la Kulmay Soomaalida Minneapolis June 23, 2017
      Milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg ayaa xalay casho afur ah magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kula yeeshay qaar ka mid ah Soomaalida halkaas ku nool, sida uu ku sheegay farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook.
    • Al-Shabaab oo Weerartay Banki ku Yaalla Kenya June 23, 2017
      Maleeshiyo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin al-Shabaab ayaa weerar ay ku qaadeen banki ku yaalla magaalada Mandera ee Waqooyi-Bari Kenya, waxay ku dileen saddex qof oo laba ay rayid yihiin halka qofka kalena uu ahaa mid ka mid ah ciidamada amniga.
    • Faaqidaadda: Ammaanka Magaalada Muqdisho June 23, 2017
      Ciidamada dowladda Soomaaliya oo magaalada Muqdisho ka wada howlgal xasilin iyo hubka dhigis ah, ayaa dhinaca kale ku guuleysan la’ inay joojiyaan weerarrada qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho ee ururka al-Shabaab uu geysanayo. 10-kii cisho ee la soo dhaafay, saddex qarax oo magaalada ka dhacay waxaa ku dhintay ku dhawaad 50 qof oo rayid u badan. Tan iy […]
    • Xulufada Sacuudiga oo Dalabyo Adag u Gudbiyey Qatar June 23, 2017
      Saudi Arabia iyo dalalka kale ee gacanka ee Qatar xiriirka ugu jaray tuhunada ku saabsan inay taageerto argagixisada, ayaa soo bandhigay liis ay ku qoran yihiin dalabyo ay doonayaan in la fuliyo.
    • Qarax ka Dhacay Pakistan oo lagu Dilay 9 qof June 23, 2017
      Qarax baabuur oo aad u xooggan oo ka dhacay magaalada Quetta ee dalka Pakistan ayaa dilay ugu yaraan sagala qof, islamarkaana dhaawacay 20 qof oo kale.
    • 9 Qof oo ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Muqdisho June 22, 2017
      Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku geeriyootay,19 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay Saldhigga booliska degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
    • 29 Qof oo ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Afghanistan June 22, 2017
      Qarax baabuur oo aad u weyn oo ka dhacay gobolka ku yaalla koonfurta dalka Afghanistan ee Helmand, ayaa dilay ugu yaraan 29 qof, islamarkaana dhaawacay in ka badan 60 kale.
    • Daacish oo Burburisay Masjidkii Caanka ahaa ee Mosul June 22, 2017
      Masjidkii caanka ahaa ee al-Nuri iyo minaaraddiisii dhinaca u janjeertay ee al-Hadba ee magaalada Mosul, ayaan hadda kadib jiri doonin, kadib markii ay burburisay kooxda Daacish.
    • Maxkamad Diiday Heshiiska Badda ee Masar iyo Sacuudiga June 22, 2017
      Maxkamadda Sare ee Dastuurka ee dalka Masar ayaa joojisay laba xukun oo iska soo horjeeday oo horay looga soo saaray heshiiska xadeynta badda ee Dowladaha Sacuudiga iyo Masar, ilaa laga hubinayo sida ay heshiisyadaasi u waafaqsanyihiin dastuurka dalka Masar.
    • Diyaarado Duqeyn ka Geystay Somaliland June 21, 2017
      Diyaarado aan la aqoonsan dalka laga leeyahay oo kuwa dagaalka ah ayaa rasaas ku riday deegaanno ka tirsan Somaliland.
    • Muqdisho: Dad Dhaawac ah oo loo Qaaday Sacuudiga June 21, 2017
      14 ka mid ah oo u badan dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay ayaa maanta loo qaaday dalka boqortooyada Sacuudiga.
    • QM: Macluushii Soomaaliya waa laga Baaqsaday June 21, 2017
      Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in macluushii laga baqayay inay ka dhacdo Soomaaliya in laga baaqsaday.
    • Boqor Salman oo Wiilkiisa ka Dhigay Dhaxal-suge June 21, 2017
      Boqorka Sacuudiga, Salman ayaa wiilkiisa 31 jirka ah ee Mohammed bin Salman u dallacsiiyey dhaxal-sugaha boqortooyada, isaga oo ka dhigay ninka ugu horreeya liiska qofka xiga ee noqonaya boqorka.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

20 February Maanta oo Kale Maxaa Dhacay Taariikhda ??


Taariikh 

Maanta oo kale 20 February 2009 R/wasaare Cumar C/ashii Cali Shar,ma,arke ayaa ku dhawaaqay golle wasiiro oo sadomeeyo ah kuwaasoo ahaa wasiiradii u horeeyay ee ay soo dhisaan Madaxweyne shariif iyo R/wasaare Shar.ma,arke

Maanta oo kale 20 February 1975 Margaret Hilda Thatcher oo caan ku aheyd  ( Margaret Thatcher ) ayaa loo doortay in ay hogaamiso ama madax u noqoto Xisbiga weyn  ee British Conserv Party ama ( Conservative Party  ) M, Thatcher ayaa markii dambana qabatay Kursiga R/wasaaraha Dalkaas iyadoona Xukumaysay Britain laga soo bilaabo 4 may 1979 ilaa 28 November 1980 

Maanta oo kale 20 February 1971 General Iddi Amin Dada  ayaa loo doortay Madaxweynaha Dalka Uganda Iddi Amin ayaa wadankaas Xukumayay 1971 ilaa 1979 Amin Waxa u ahaa Sarkaal Ciidan oo Xukunkiisii lagu sheegay in u Gacan Kululaa  Iddi Amin waxa uu u cararay Markii Xukunka Laga Tuuray Wadanka Libya halkaasoo uu uga sii gudbay Sacuudiga oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday 16 kii Augost 2003

Maanta oo kale 20 1910 waxaa wadanka Masar lagu dilay R/wasaarihii Wadankaas oo la dhihi jiray Butros Ghali oo ahaa Aabihii Ninka Maanta Nool ee Lagu Magacaabo Butros Butros Ghali kaasoo Xilal badan ka soo qabtay wadanka Masar ka hor inta uusan noqon Xoghayaha Guud Ee Jamciyada Qaramada Midoobay  Sanadadii u dhexeeyay  1992 ilaa 1996  Butros Aabihiis waxaa la dilay nin la dhihi jiray Ibrahim Nassif al-Wardani kadib markii R/wasaare Butros oo Masiixi Qibdhi ahaa lagu eedeeyay in uu u laab jilcan yahay Ingriiska

Maanta oo kale 20 February 1947 Dowlada Britain ayaa ku dhawaaqday in ay Bisha Jun ee isla Sanadkaas ka baxeyso ama Xornimo siinayso Dalka Hindia iyadoona Xiligaas u Magacawday Lord Louis Mountbatten in uu Noqdo Wakiilkii u dambeeyay Ee Boqortooyada Ingriiska u joogo india

Maanta oo kale 20 February 2002 Dalka Masar Dab ka kacay Tareen Kuwa Rakaabka qaada ah ayay ku dhinteen Sadax boqol lixdan iyo kow 361 ruux taasoo aheyd Masiibadii ugu weyneyd ee ka dhacada Shilalka Tareenada Dalka Masar  

 

buqaqable.net

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: