• RSS Somali VOA

    • An error has occurred; the feed is probably down. Try again later.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 45 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

19 February Maanta oo Kale Maxaa Dhacay Taariikhda ??


Taariikh 

Maanta oo kale 19 February 2009 Shirweyne ay ka soo qeyb galeen ku dhowaad Sideetan 80 Cullimaa,udiinka Soomaaliya Kuwooda ugu Magaca weyn ah oo mudo dhowr maalmood ah ka socday Hotel Guuleed oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray Sagaal qodob oo ay ka mid ahaayeen in Ciidanka AMSIOM ay mudo Sagaashan habeen ah wadanka uga baxaan Mucaaradkana ay xabada joojiyaan Sadaxdaas bilood si loo wadalsiiyo iyaga iyo Dowlada Sh Shariif oo maalmahaasna un xamar soo gaartay   ( Halkan Ka Aqri

Maanta oo kale 19 February 1920 Dowlada Nederland ama inta badan ku caanka ah Holand  ayaa ka mid noqotay Ururkii la dhihi jiray League of Nation ( LON ) kaasoo ay badashay waxa maanta loo yaqaan Jamciyada Qaramida Midoobay ( UN ) oo ay Maanta wax ku dhow Laba Boqol oo Dowladadood xubno ka yihiin halka ay ( LON ) Xubno ka ahaayeen 58 dowladoos oo kaliya

Maanta oo Kale 19 February 1959 heshiis ay wada gaareen wadamada Turkiga Greece iyo Britain ayaa Xornimo lagu gaarsiiyay Jazeerada Cyprur ama Qubrus oo ah Jazeera Sadexaad ee ugu weyn Jazeerada ku dhexyaala Badda Mediterranean ka   

 

Maanta oo kale 19 February 1945 lix bilood ka hor inta aan Qunbula Duriya ama ( Nuclear ) lagu dhufan Laba Magaalo oo uu Japaan ka lahaa lana yiraahdo Hiroshima iyo Nagasaki waxaa la soo wariyay in 900 oo Askari oo ka tirsanaa Ciidankii Japan ka ay Yaxaasyo ku laayeen mudo laba maalmood gudahood ah Dhul biyood ay ku sugnaayeen

Maanta oo kale 19 February 1969 waxaa Tijaabadii ugu horeysay ku duushay Diyaarada weyn ee Xamuulka qaada ee Mareykanka laga leeyahay Boeing 747 Jumbo Jet ama ku caanka ah magaca Jumbo Jet ama boqorada Cirka 

Maanta oo kale 19 February 1959 Wadanka Gabon ayuu ka dhaqan galay Dastuurkii u horeeyay ee u dalkaas yeesho in kastoo aanay wali xoriyad qaadanin xiligaas waxayna xoriyadda ka qaateen Dalka France August 17 1960  Gabon oo galbeedka afrika dhacda waxaa looga hadlaa afafka faransiiska iyo Fang iyo Myene waxaana mudo dhowr iyo afartan sano ah xukumayay Al-Xaaji Cumar boongo  

Maanta oo kale 19 February 1942 Ku dhowaad Boqol iyo konton 150 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ayaa duqeyn xoogan u geystay Magaala Xeebeedka Darwin oo ku taala wadanka Australia diyaaradahan ayaa laga lahaa Dalka Japan oo xiligaas awood badan ku lahaa Caalamka Ciidamadiisuna ay Xoog ku heysteen inta badan wadamad ASIA

Maanta oo kale 19 February 2008 Fiedel Kastaro ayaa ku dhawaaqay in uu ka dagay Kursigii Xukun ee dalka Cuba kadib markii u Xukumayay ku dhowaad Konton Sanadood isagoona ku wareejiyay Xilka walaalkiis Raul Kastaro oo Da,a ahaan Shan Sandood un un ka yar Walaalkiisa weyn Fiedel oo hada sideetan jir ku sii socda 

 

 

Maanta oo kale 19 February 1986 Boqorkii Jordan ee hore Boqor Xuseen ayaa ka baxay heshiis u dhexeeyay Jordan iyo ururka xoreynta reer falastiin ee PLO heshiiskaa markaas sanad un jiray 

 

buqaqable.net

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: