• RSS Somali VOA

    • Dhageyso Mukhtaar Rooboow iyo Isbadalka Xaalkiisa June 24, 2017
      Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Mareyknaka ayaa shaley ku dhawaaqdey in ay ka saartey liiska dadka lacagta hore ay u dul-dhigtey kuxigeenkii Alshabab, Muqtaar Roobow Abu Mansoor oo wayadanba si gaar ah u joogay gobolka Bakool.
    • Howlgalka Mareykanka ee Somalia oo u Guuraya Muqdisho June 23, 2017
      Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa sheegay in Mareykanka uu mar kale howl-gal diblomaasiyeed oo rasmi ah ku yeelan doono Soomaaliya, marka ay Muqdisho ka furtaan xafiisyo dhammaadka sanadkan.
    • Milkiilaha Facebook oo la Kulmay Soomaalida Minneapolis June 23, 2017
      Milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg ayaa xalay casho afur ah magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kula yeeshay qaar ka mid ah Soomaalida halkaas ku nool, sida uu ku sheegay farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook.
    • Al-Shabaab oo Weerartay Banki ku Yaalla Kenya June 23, 2017
      Maleeshiyo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin al-Shabaab ayaa weerar ay ku qaadeen banki ku yaalla magaalada Mandera ee Waqooyi-Bari Kenya, waxay ku dileen saddex qof oo laba ay rayid yihiin halka qofka kalena uu ahaa mid ka mid ah ciidamada amniga.
    • Faaqidaadda: Ammaanka Magaalada Muqdisho June 23, 2017
      Ciidamada dowladda Soomaaliya oo magaalada Muqdisho ka wada howlgal xasilin iyo hubka dhigis ah, ayaa dhinaca kale ku guuleysan la’ inay joojiyaan weerarrada qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho ee ururka al-Shabaab uu geysanayo. 10-kii cisho ee la soo dhaafay, saddex qarax oo magaalada ka dhacay waxaa ku dhintay ku dhawaad 50 qof oo rayid u badan. Tan iy […]
    • Xulufada Sacuudiga oo Dalabyo Adag u Gudbiyey Qatar June 23, 2017
      Saudi Arabia iyo dalalka kale ee gacanka ee Qatar xiriirka ugu jaray tuhunada ku saabsan inay taageerto argagixisada, ayaa soo bandhigay liis ay ku qoran yihiin dalabyo ay doonayaan in la fuliyo.
    • Qarax ka Dhacay Pakistan oo lagu Dilay 9 qof June 23, 2017
      Qarax baabuur oo aad u xooggan oo ka dhacay magaalada Quetta ee dalka Pakistan ayaa dilay ugu yaraan sagala qof, islamarkaana dhaawacay 20 qof oo kale.
    • 9 Qof oo ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Muqdisho June 22, 2017
      Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku geeriyootay,19 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay Saldhigga booliska degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
    • 29 Qof oo ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Afghanistan June 22, 2017
      Qarax baabuur oo aad u weyn oo ka dhacay gobolka ku yaalla koonfurta dalka Afghanistan ee Helmand, ayaa dilay ugu yaraan 29 qof, islamarkaana dhaawacay in ka badan 60 kale.
    • Daacish oo Burburisay Masjidkii Caanka ahaa ee Mosul June 22, 2017
      Masjidkii caanka ahaa ee al-Nuri iyo minaaraddiisii dhinaca u janjeertay ee al-Hadba ee magaalada Mosul, ayaan hadda kadib jiri doonin, kadib markii ay burburisay kooxda Daacish.
    • Maxkamad Diiday Heshiiska Badda ee Masar iyo Sacuudiga June 22, 2017
      Maxkamadda Sare ee Dastuurka ee dalka Masar ayaa joojisay laba xukun oo iska soo horjeeday oo horay looga soo saaray heshiiska xadeynta badda ee Dowladaha Sacuudiga iyo Masar, ilaa laga hubinayo sida ay heshiisyadaasi u waafaqsanyihiin dastuurka dalka Masar.
    • Diyaarado Duqeyn ka Geystay Somaliland June 21, 2017
      Diyaarado aan la aqoonsan dalka laga leeyahay oo kuwa dagaalka ah ayaa rasaas ku riday deegaanno ka tirsan Somaliland.
    • Muqdisho: Dad Dhaawac ah oo loo Qaaday Sacuudiga June 21, 2017
      14 ka mid ah oo u badan dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay ayaa maanta loo qaaday dalka boqortooyada Sacuudiga.
    • QM: Macluushii Soomaaliya waa laga Baaqsaday June 21, 2017
      Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in macluushii laga baqayay inay ka dhacdo Soomaaliya in laga baaqsaday.
    • Boqor Salman oo Wiilkiisa ka Dhigay Dhaxal-suge June 21, 2017
      Boqorka Sacuudiga, Salman ayaa wiilkiisa 31 jirka ah ee Mohammed bin Salman u dallacsiiyey dhaxal-sugaha boqortooyada, isaga oo ka dhigay ninka ugu horreeya liiska qofka xiga ee noqonaya boqorka.
    • Galmudug iyo Puntland oo Heshiisyo Kala Saxiixday June 21, 2017
      Kulamo looga xaajoonayo xaalka gobalka Mudug oo u dhaxeeyey mas’uuliyiin ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug, ayaa laga soo saaray qodobo horudhac u ah xasilinta Gaalkacyo iyo deegaano ka mid ah miyiga Mudug oo mudooyinkaan ay ka dhacayeen dilal iyo kala dhac xoolo. Inkastoo wadahadalka labada dhinac aysan jirin cid garwadeen ka ahayd, haddana waxaa wada xa […]
    • Baydhaba: Eedeysanayaal Xukun Lagu Riday June 21, 2017
      Maxkamada Darajadda Kowaad ee Ciidamada Somalia ayaa maanta xukunno ku riday saddex eedeysane oo loo heystay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay dileen wadaad caan ka ahaa Magaalada Baydhabo xili uu ku tukanaayey Salaad Taraawiixda masjid ku yaala Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay. Wariyeheenna Mukhtaat Maxamed Catoosh ayaa warbi […]
    • Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 376 June 21, 2017
      Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 376-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.      
    • Soomaalida Dagan Qahira oo Isu-diyaarisay Ciidda June 21, 2017
      Soomaalida dagan magaalada Qahira iyo Muslimiinta kale ee ku nool Masar, ayaa ku jira maalmihi ugu danbeeyey ee diyaar-garoowga Ciidul-Fitriga.
    • Xal Laga Dhex Raadinayo Jabuuti iyo Eritrea June 20, 2017
      QM iyo ururka Midowga Africa ayaa isku dayaya inay dajiyaan xiisadda iyo muranka dhinaca xadka ah ee u dhaxeeya dalalka Djibouti iyo Eritrea.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Wararkii u Dambeeyay Caalamka oo Koo Kooban iyo Maxaa Taariikhda Maanta oo Kale Dunida Ka dhacay


dunida iyo maanta Waxaan maanta bilaabaynaa qormo Cusub oo aan ku soo qaadan doono

Maalin kasta wararkii u dambeeyay Dunida kuwooda muhimka ah oo aan

 

 

 

isku dayi doono in aan aad u soo koobno qeyta hoose ee isla

 

 

Qoraalkana qeybtiisa waxaan ku soo qaadan doonaa qodob laba ama sadax ka hadlaya wixii dunida hore maalintaas oo kale uga soo dhacay  taasoo aan ugu magac dari doono

maxaa maanta oo kale dhacay

 

Somalia

 

iyadoo ay maalmihii la soo dhaafay oo dhan Madaxtooyada iyo Gollaha wasiirada DKMG ah ka gaabsanayeen Kororsiga xiliga ee ay baarlamaanka dhinaceeda sameysteen ayu maanta Madaxweyne Shariif ku dhawaaqay in Xiliga loo kordhiyo Xukuumada Baarlamaankana ay ixtiraamayaan taasoo loo macneysteen in Sh Shariif u Ciyaaray Ciyaar ah Baarlamaankana isagaa Kororsaday Gollaha Wasiiradana Madaxweynaha ayaa u kordhiyay ama u dalbay Madaxweynahana meel uu kaga haro ma leh

 

Masar

Wdanka Masar oo ay maalmihii u dambeeyay ka socdeen Mudaaharaadyo Lagu doonayay in lagu rido Mubaarak iyo Maamulkiisa ayaa dhicidii Mubaarak kadib Ciidanka Bolisia Millatariga ayay Maanta Xoog Ku kala dareeriyeen dad wali ku sii sugnaa Fagaaraha Taxriir oo ay Ciidanka Talada la wareegay amreen in la faarujiyo dhinaca kalena Jananaka u Sareeya Gollaha Sare ee Ciidanka Al-Mushiir Dhan Dhaawi  ayaa Xiriir Khadka Taleefanka Ah la Yeeshay Wasiirka Gaashaandhiga Israel Ehuud Baraak oo si la sheegay ay ka wada haleen Xuduudaha labada Dowladood iyo Xaalada Masar taasoo la sheegay in ay Israa,iiliyiintu aad ula dhacsan yihiin kuna kalsoon yihiin Mas,uuliyiinta iyo Maamulka Ciidanka

 

Tunisia

 

wadanka Tunisia oo ay Maalmo ka hor dad careysan ka eryeen Madaxweynihii xukumayay wadankaas Sodonkii sano ee u damebeeyay Zeynalcabdeen Bin Cali ayaa ku gacan seyray Soo jeedin ka timid wadanka Talyaaniga oo soo jeediyay in u wadankaas u soo diro Ciidan amaanka kala shaqeeya dowlada Maadaama ay dilaaceen Barakac xoogan kaasoo sababay in Sadaxdii maalmood ee u dambeysay ay Xeebaha Dalka Talyaaniga soo gaaraan wax ka badan Shan Kun oo Tahriibayaal Reer Tunis ah kuwaasoo Magangalayo Siyaasadeed soo weydiistay Dalka Talyaaniga  

 

 

Yemen

 

Wadanka Yemen Madaxweyne Cali Cabdalla Saalix oo la filayo in uu noqdo kan ku xiga Madaxweynihii Masar Mubaarak ayay ku socdaan Mudaaharaadyo la mid ah kuwii Riday Bin Cali iyo Mubaarak kuwaasoo hadii looga guleysto la filayo in ay afaraad iyo shanaad u  tartami doonaan Boutfliiqaha Aljeeriya iyo Asadka Suuriya

 

 

Kenya

 

Wadanka Kenya ayaa maanta laga xusayaa Xasuuqii ka dhacay deegaanka Wagala oo ku yaala meel ku dhow Degmada Wajeer halkaasoo ay 27 sano ka hor Ciidanka Kenya 1984 ku xasuuqeen 3 ilaa Shan kun oo ruux oo Soomaali ah  waxaa xusuusin mudan in kastoo ay Sanad walba dadka deegaanka xiligan oo kale xasuusan jireen wixii loo geystay 1984 ay hada Markii u horeysay Munaasabada ka qeyb galayaan Madax heer sare ah oo u ugu horeeyo R/wasaaraha wadanka Xildhibaano Wasiiro iyo Mas,uuliyiin kale taasoo ay dad badan wali is weydiinayaan in ay tahay Kenya oo is badashay iyo in ay tahay Xisbiga Odinga oo soomaalida ka doonaya Cod iyo garab maadaama uu maalmo ka horba dhulka Soomaalida Kenya Socod ku maray Raashiina ka qeybiyay

 

 

Uganda

 

Wadanka Ugandha oo ay dhamaadka Asbuucan ka bilaaban doonaan Doorashooyinka Madaxweynaha ayaa waxaa ka jirtay cabsi ay isla dowlada dalkaas iyada ku aburtay dadkeeda kadib markii ay tiri waxaa soo socda falal isqarxin ah oo ay geysan doonaan kooxaha al-shabaab iyo Al-qaacida balse mar labaad madaxweynaha dalkaas Yueri Musefani ayaa xalay Barnaamij taleefin kula hadlay dadkiisa isagoo leh waxba ha ka baqina dowlada way isu diyaarisay dhinaca amaanka “hadii hore laguu yiri raashiin kugu filan iibso wadanka waxaa ka dhici doono qalalaase amni doorashada ka hor ama kadib been baa laguu sheegay ee ha baqin ayuu yiri Musefani ; oo la hadlayay dadka Ugandha   

                                                    Maanta oo Kale Maxaa Dhacay ????

                                         

 

salman_rushdie Maanta oo kale 14 febraayo 1989  Khumeynigii Iran ayaa madaxiisa dul dhigay Lacag kaash ah oo gaaraysay $1 million ilaa $3 million oo doolar qoraagii Aflagaadeeyay Diinta islaamka Salman Rushdi oo xiligaas qoray buug u ugu magac daray Aayadaha Sheydaanka Mudo gaaban kadibna waxa uu ka badbaaday dil uu soo maleegay nin ka tirsanaa Ururka Shiiciga ah ee Xisbullah intaas wixii ka dambeeyayna Salaman Rushdi dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay waxa u ku hoos jiray cabsi in usan Fagaaraha imaan ilaalo xoogan iyo in uu dhuumasho ku noolaado

 

Rafik Maanta oo kale 14 Febraayo 2005 Waxaa Qarax Miino lagu dilay R/wasaarihii hore ee Lubnaan Rafiiq Al-Xariiri iyo dad badan oo la socday gudaha Caasimada Lubnaan Ee Beirut Dilka Xariiri Waxaa lagu eedeynayaa Ururka Shiiciga ah ee Xisbullah iyo Dalka Suuriya oo Xiligaas Wadanka Si Dadban u heystay Maadaama ay Ciidankiisa Xooga iyo Sirdoonkaba Si xoogan u joogan dhamaan wadanka Lubnaan in kastoo ay jiraan siyaasiyiin aaminsan in dilka Xariiri ay ka dambeeyeen Mareykanka iyo Israel oo u sameeyay si ay Ciidanka Suuriya uga saaraan wadanka Lubnaan taasoona hir gashay maalmo kadib dilkii Xariiri

 

Muhammad_Ayub_Khan Maanta oo kale 14 Febraayo 1960 waxaa Madaxweynihii labaad ee dalka Pakistan loo doortay Marshal Ayub Khan oo ahaa ninkii Xiligaas ugu sareeyay Ciidanka Pakistan in kastoo lagu eedeeyay in uu isaga isu xiray darajada Field Marshal oo ah tan ugu sareysa darajo Ciidan tan la qaato Sidaas darteedna Marshal Khan waxa uu noqday Madaxweynihii u horeeyay Ee Dalka Pakistan Kana Soo gala dhanka Ciidanka

 

 

 

 

Arab_Federation Maanta oo kale 14 Febraayo 1958 – waxaa sameysmay Midow ay gaareen laba wadan oo carbeed kuwaasoo ahaa wadamada Urdun iyo Ciraaq in kastoo uusan Midowga labadaas wadan waarin oo u lix bilood oo kaliya jiray hadana waxa u ahaa bilowgii Fashilka Midowga wadamada Carbeed oo markaas kadibna dhowr jeer la isku dayay Midowgaas waxaa ku heshiiyay Laba boqor oo ilma adeer ahaa kalana xukumayay wamadamada Ciraaq iyo Urdun 

 

 

 

 

ANC Maanta oo Kale 14 Febraayo 1989 – Waxaa markii u horeysay Caasimada Wadanka Holand Xafiis Ka Furtay Ururkii Dhaq dhaqaaqii Xoriyad doonka South afrika ee la oran jiray  African National Congress (ANC) kaasoo yurub iyo Amerika oo dhan mamnuuc ka ahaa Ururka ANC oo u ay ka soo jeedaan Sadaxdii madaxweyne ee u dambeeyay wadanka South afrika ayaa haysta Magaca ah ururkii wadanka Xureeyay 

valentine_ Maanta oo kale sanad walba waxaa wadamada reer galbeedka laga xusaa Maalinta loo yaqaan VALENTINE’S DAY oo loo sundaday Maalin Jaceyl is jaceyl oo ay laba kasta oo is jecel isu hadiyeeyaan ubaxyo Cas Cas Wadno gudguduudan iyo waxyaabo kale Maalintan ayay taariikh yahanada Reer Yurub sheegayaan in mudo lagu qiyaasay dhamaadka Qarnigii sadaxaad ee Miilaadiga uu Boqor Haysan jiray Boqortooyadii Roma uu soo rogay Sharci lagu joojiyay Gurkii ka dhexeeyay Raga iyo Dumarka taasoo u uga dan lahaa in uusan Ciidankiisa dagaal ka  baajin iyo Jaceylka Xaasaska hadaba waxaa dhacday Baadari la dhihi jiray  Saint Valentine oo si qarsoodi ah iskugu mehrin jiray gabdhaha iyo wiilasha is doonaya arinkaasoo markii la ogaaday Baadarigii Xabsiga lagu tuuray markii dambana si xun loo dilay in kastoo markii dambana boqorki laftiisa si xun loo dilay hadaba Maalinta la xuso ayaa ah maalintii la dilay Baadarigii sida qarsoodiga ah lamaanayasha iskugu meherin jiray oo magacasiisana ahaa Saint Valentine walow hada ay meel kasta gaartay oo xataa wadamad islaamka ay dadka iska feesteeyaan iyagoo aan is weydiin waa maxay Valentin

 

buqaqable.net

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: