• RSS Somali VOA

    • Faah-faahinta Maxaabiista Xalay Ka Dagtay Muqdisho July 22, 2017
      Dowladda Soomaaliya faah-faahisay maxaabiis laga soo daayey dalka Itoobiya oo xalay fiidkii ka dagay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.
    • Dowlada Soomaaliya oo Ganacsatada Ku Eedeysay in Ay Dhaqaalo Ku Taageeraan Al Shabaab July 22, 2017
      Laamaha amniga ee Dowlada Federalka Somalia ayaa xaley soo saarey amaro ay dul-dhigeen ganacsada iyo shirkadaha dhinaca ganacsiga ee Somalia, iyaga oo dhinaca kalana ku eedeeyey qaar ka mid ah ganacsasatada in ay dhaqaalo siiyaan kooxda Alshabab.
    • Madaxweyne Trump oo Eedeeyey New York Times July 22, 2017
      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu Sabtidii soo dhigay bartiisa Tuwiiterka ku eedeeyey wargeyska New York Times inuu burburiyey qorshe uu Mareykanka ku rabay inuu ku khaarejiyo hogaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakr al-Baghdadi.  Madaxweyne Trump mu uusan bixin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan sida uu wargeyska ku arbushay qorshaha lagu di […]
    • Maxaabiis lasoo daayay Ethiopia oo Muqdisho gaaray July 22, 2017
      In kabadan 100 maxbuus oo eedeymo kala duwan ugu xirnaa dalka Itoobiya, ayaa caawa lasoo gaarsiiyay garoonka diyuuradaha magaalada Muqdisho.
    • Sool: Qarax Keenay Dhimasho iyo Dhaawac July 22, 2017
      Hal cunug ayaa ku dhintay, 17 qof oo kale oo shan ka mid ah ay caruur yihiinna wey ku dhaawacmeen ka dib markii uu ku qarxay bam iyagoo ku sugan xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ay Abaartii Soomaaliya ku dhuftay ka dhameysay xoolihii.
    • Hargeysa: Bandhigga 10aad ee Buugaagta. July 22, 2017
      Danjireyaal iyo dibloomaasiyiin ka socda dawladaha Yurub oo ay ka mid yihiin safiirka Midowga Yurub iyo safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta gaadhay Hargeysa, si ay uga qaybgalaan sannadguurada 10aad.
    • Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka July 22, 2017
      Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka ee toddobaadkan waxa inoo haya Jamaal Axmed Cusmaan, qoddobada barnaamijkana waxaa ka mid ah xiriirka Dawladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.
    • Hambalyada iyo Heesaha: Daanduray iyo Cuud July 22, 2017
      Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aaden (Cuud)
    • Taliyihii Booliska Minneapolis oo Is-Casishay July 22, 2017
      Taliyaha ciidanka booliska magaalada Minneapolis Janee Harteau ayaa cadaadis la saaray dartiis is-casishay oo xilka ka dagtay, kadib markii nin Soomaali ah oo booliska ka tirsan la sheegay inuu dil u geystay haweenay caddaan ah oo Ausralia u dhalatay.
    • Al-Shabaab oo Gabdho ka Afduubtay Hiiraan July 21, 2017
      Kooxda Al-Shabaab ayaa saddex gabdhood oo la shaqeeya hay’ad dhinaca miino baarista ka shaqeysa saaka waabarigii ka qafaashay deegaanka Far-libaax ee gobalka Hiiraan.
    • Rag Daacish loo Maleynayo oo Dil ka Gaystay Bari July 21, 2017
      Niman hubeysan oo lagu tuhmayo inay ka tirsanihiiin kooxda Daacish ayaa xalay qof ku dilay degmada Balli-Daggan ee gobolka Bari.
    • Madaxweyne Farmaajo: Ha la Joojiyo Dagaalka Xeraale July 21, 2017
      Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Xeeraale ee Gobolka Gal-guduud, oo dad badan ay ku dhinteen.
    • Faaqidaadda: Dhibaatada Amisom ku Hayaan Beeraleyda July 21, 2017
      Qaar ka mid ah beeraleyda Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya inay dib u billaabaan beerashada dalagyada kala duwan, hase yeeshee waxa ay dhibaato kala kulmayaan ciidamada Amisom oo saldhigyo ka sameystay beerahooda. Illaa 12o beerood oo badankood ku yaalla agagaarka deegaanka Qansaxdheere ee gobolka Baay, ayaa la sheegay inay ciidamada Amisom deegaan ka dhigte […]
    • Natiijada Imtixaanka Dugsiyada Somalia oo la Shaaciyey July 21, 2017
      Wasaaradda Waxbarashada dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday natiijada imtixaanka guud ee sannad dugsiyeedki 2016-2017 ee dugsiyada sare ee dalka. Waxaa sidoo kale wasaarada ay soo bandhigtey shaxda ardeyda ku gudubtey imtixaanaadka iyo kuwa ku harey. Faah-faahinta warkaan waxaa Muqdisho kasoo dirtay Saynab Abuukar.      
    • Ragga ka Yar 50 Sano oo Laga Mamnuucay Al-Aqsa July 21, 2017
      Booliiska Israel ayaa ragga muslimiinta ah ee da’doodu ka yar tahay 50 sano jirka ka mamnuucay inay maanta salaadda jimcaha ku tukadaan masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.
    • Dad ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Galgaduud July 20, 2017
      10 qof ayaa ku dhintay dagaallo culus oo maanta ka dhacay deeggaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay ku dagaallameen ciidamo ka tirsan ururka Ahlu-Sunna iyo dadka deegaanka.
    • Roobow oo Diiday Codsi uga Yimid Al-Shabaab July 20, 2017
      Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka codsatay Mukhtar Roobow Abu-Mansuur inuu dib ugu soo noqdo kooxda, hase ahaatee uu ku gacan seyray.
    • Cirro oo Sheegay in la Xiray Taageerayaasha Waddani July 20, 2017
      Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ahna guddomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa sheegay in xubno ka mid ah taageerayaashooda la xidhay.
    • Qubanaha VOA July 20 2017 July 20, 2017
    • Netanyahu oo Go'aan ka Gaaraya Muranka Masjidka Al-Aqsa July 20, 2017
      Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa la sheegay inuu ka tahshanayo inuu masjadka Al-Aqsa ka saaro qalabka sheega birta ee dadku laga baaro, oo ka carreysiiyey dadka Falastiiniyiinta ah.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 46 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Gollaha Wasiirada oo Maanta Ansixiyayna Heshiiskii GMO Registry Int. Ee Furaha internetka .So Agaasimayaal Cusubna Magacaabay


shirka_golaha Waxaa maanta shirkii caadiga ahaa isugu yimid golaha Wasiirada

 

 

Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya kulankaasi waxaa

 

 

Guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed

 

 

 

Cabdullaahi Maxamed Farmaajo. Golaha waxaa loo qeybiyay Agende ay soo diyaarisay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxayna ugu horeyntii goluhu ka doodeen dagaalka ka dhacay degaanka Kalshaale iyagoo u jeediyay baaq inay si dhaqso ah u joojiyaan

dhiiga dadka walaalaha ah dhexdooda ka qubanaya, waxaa kale oo goluhu ka codsaday dhinacyadaasi in caqliga iyo maskaxda taliso, mas’uuliyiinta, oday dhaqameedyada,

Culimaa’udiinka iyo inta kale ee bulshada ka tirsan inay u istaagaan sidii hab nabadeed loogu dhameyn xiisadaasi gacan ka hadalka dhalisay.Golaha Wasiiradu kolkaa kadib,

Waxay ka wada hadleen abaaraha dalka ka jira oo ay ugu horeyntii warbixin ka dhegeysteen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo ka hadlay guddiga Qaranka ee gurmadka Abaaraha

Halka ay wax u marayaan wuxuuna Wasiirku sheegay  inay jiraan deeqo soo gaaray guddiga si wanaagsana dedaalkoodu u socdo.Guddoomiyaha shirka, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed

Cabdullaahi Maxamed ayaa isagoo ku hadlaya magaca golaha Wasiirada wuxuu ka codsaday Guddiga Gurmadka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha in wixii la hayo ee Deeq ah si deg deg ah loo gaarsiiyo

Dadka tabaaleysan lana kordhiyo dedaalka lagula xiriirayo Soomaalida gudaha, Dibadda, Hay’addaha iyo dhamaan beesha Caalamka si loo helo kaalmo ku filan abaaraha ka jira dalka. Wuxuuna si gaar ah uga codsaday in biyo la gaarsiiyo dadka tabaaleysan.

Qaar ka mid ah golaha Wasiirada ayaa soo jeediyay in hay’addaha Dowladda mas’uuliyiintooda oo ay ugu horeeyaan golaha Wasiirada iyo Shaqaalaha Dowladda inay ka qeyb qaataan taakuleynta loo fidinayo

Dadka ay abaaruhu ku dhufteen. Ra’iisul wasaaraha oo talo soo jeedinta Wasiirada guddoominayay ayaa sheegay in muddo labo bilood ah xubnaha golaha Wasiirada bishiiba laga jaro mushaarkooda 

$500 (Shan boqol ooo Dollar), sidoo kalena shaqaalaha dowlada laga jaro %5 (Boqolkiiba shan), iyadoo dhamaan xubnaha goluhu ay isku raaceen arrintaasi. Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha u soo jeediyay

Magacaabis Agaasimeyaal guud oo ay Wasiiradoodu hindise ahaan u soo jeediyeen kuwaasoo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa dood iyo falanqeyn kadib waxay isku raaceen.

Mudane C/llaahi Sheekh Maxamed Axmed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah,

Mudane Maxamuud Maxamed Maxamuud,  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha

Mudane Muuse Faarax Xeyd,   Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

Kolkaa kadib, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu hadalka siiyay Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta oo warbixin golaha ka siiyay heshiiska .SO oo ah Astaanta Internetka ee Soomaaliya oo ay

Shirkadda GMO Registry Int. u filineyso khidmad Wasaaradda qeybteeda Boostada iyo Isgaarsiinta oo ku saabsan arrimaha Farsamada ee la xiriira Astaanta Internetka Soomaaliya. Waxayna goluhu cod u qaadeen heshiiskaasi iyagoo ansixiyay.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha wuxuu golaha u sheegay inay tacsi gashay Wasiirka Haweenka iyo  Arrimaha Qoyska Marwo Maryam Qaasim Axmed oo walaalkeed geeriyooday isagoo tacsi tiiraanyo lehna u diray qoyskii, iyo eheladii uu ka gaariyooday marxuumkaasi, waxayna u rajeeyeen inuu Eebe naxariistiisa jano siiyo.

Xafiiska Afhayeenka Xukuumada FKMG ah

Mudane Cabdi Xaaji Gobdono

media@opm.gov.so 

buqaqable.net

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: