Nairobi: Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud u qaabilsan
Arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa hadal qoraal ah oo uu
Maanta soo saaray go,aankii shalay baarlamaanka ku gaareen in
Ay sidooda ku sii joogaan sadax sanoo hor leh waxa u ku tilmaamay arin lagu dag dagay loona baahan yahay in dib loogu noqdo Augustine Mahiga ayaa sheegay in aysan jirin wadatashi iyo doodo gaarsiisan waqti kordhin intaas la eg
Marka laga hadlayo sida looga gudbayo wakhtiga ku meel gaarka ah iyo wajiga siyaasadeed ee xigi doona wixii 20-ka August ka dambeeya .
Mahiga ayaa hadalkiisa qoraalka ah ku xusay in ay hore u jireen wadatashiyo dhex maray Madaxweynaha, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo
Ra’iisul wasaaraha, laakin aysan ahayn kuwo la sii daba galay ama laga gun gaarin .danjire Mahiga wuxuu ugu dambeyn hadlkiisa ku sheegay inuu
Maanta kulan la qaatay Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD, ayna ka wada hadleen natiijada shir madaxeedkii IGAD ee 31-ki January ka dhacay
Addis Ababa, ayna isku afgarteen inay si wadajir ah ula kulmaan dhamaan hogaanada hay’adaha dowliga ah ee soomaaliyeed sida ugu dhaqsiyaha badan.
Dhinaca kale qoraal ka soo baxay dowlada Mareykanka ayaa lagu cambaareeyay go,aankii baarlamaanka iyadoona qolaakaas lagu sheegay in baarlamaanka
uusan waxba u qabanin dadka soomaaliyeed sidaas daraadeedna ay tahay in ay dhageystaan lana shaqeeyaan Xafiiska Qaramada midoobay ugu dambeyna
dadka soomaaliyeed ayaa shalay iyo maanta muujinayay niyad jab ah in uusan isbadal soo soconin hadiiba ay xildhibaanadii Carta ilaa maanta soo joogay sadax sanoo hor leh is doorteen balse waxaa muqata in go,aankoodi la buriyay maadaama biilkooda iyo amaankoodaba meel kale laga hayo
Like this:
Like Loading...
Related
Filed under: "somalia, Buqaqable |
Leave a Reply