Warar xog ogaal ah oo aan helnay ayaa sheegaya in ninkii ay shalay
Shabaabka ku toogteen magaalada muqdisho gaar ahaan warshadii
Maslax oo magaciisa ahaa Axmed Cali Xuseen “Axmed Kayse
Da’diisana lagu sheegay 44 jir, uu mudo dheer ka tirsanaa xarakaadka islaamiga ah ee Soomaaliya gaar ahaana u xubin sare ka ahaan jiray Xarakadii Al-itixaadka oo Sagaashamaadkii aheyd tan ugu xoogan Soomaaliya iyo geeska afrika oo dhan
Ninkan oo ka soo jeeda deegaanada Waqooyiga Soomaaliya gaar ahaan Hargeysa ayaa waxaana la sheegay in ay qaraabo dhow ahaayeen mid ka mid ah labada nin
Ee ugu sareysa kooxda Al-Shabaab oo ah Ibraahim Miicaad oo Afghaani lagu naanayso ninkan ayaa la sheegayaa in loo dilay khilaaf iyo shaki soo kala dhex galay isagana iyo
Qaar ka mid ah madaxda kooxda alshabaab shakiga ninkan loo dilay ayaa intiisa badan la sheegayaa in uu la xiriiro ku lug lahaanshihiisa Xarakada Al-ictisaam oo ay Shabaabka
Ninka La dilay oo mudo u xirnaa kooxda Al-shabaab ayay Cajalado lagu qasbay uga duubeen qiraalo hada Dab iyo Baaruud isku noqdeen kadib markii ay Cullimada Ictisaamka oo ay ugu horeeyaan Sh Bashiir Axmad Salaad Sh Maxamad Cabdi Umal Sh Shibile Sh Maxamad idriis Sh Cali Warsame ka hor yimaadeen
Waxa ay Shabaabka ka wadaan soomaaliya dad badan ayaa qaba in Cullimadan aan kor ku soo sheegnay iyo kuwo kaloo badan ay ahaayeen kuwii marka horeba soo Saaray
Shabaabka iyo Fekerka Seef la boodnimada iyo cunfiga ku saleysan balse markii ay wadciga iyo waayaha fahmeen diintana si wanaagsan u dhex galeen ay dib uga boodeen
Shabaabkina ay ku xirmeen koox hor leh oo dhiifoon kuwaasoo Afghnistan iyo meelo kale oo ay Siyaasad Mareykanka iyo quwado kale isku hayaan diin looga dhigay ku xirmeen
buqaqable.net
Like this:
Like Loading...
Related
Filed under: "somalia, Buqaqable |
Leave a Reply