• RSS Somali VOA

    • Wicitaanka: Prof. Xuseen A. Warsame March 26, 2017
      Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkani waxa uu ku saabsan yahay sida kor loogu qaadi karo tayada waxbarashada ee dugsiyada iyo jaamacadaha Somalia, waxaana marti ku ah Prof. Xuseen Axmed Warsame.
    • Burco: Xaaladaha Abaaraha March 26, 2017
      Xaalada abaaraha ee mudooyinkanba ka taagnayd deegnada Soomalida ayaa ah mid saamaysay dad iyo xoolaba islamarkaana keentay inay dadkii xoolo dhaqatada ahaa ay ku waayaan badi xoolahoodi, iyadoo geela oo ka mid ah xoolaha kiisa ugu adkaysiga badan uu hada yahay kani ugu liita.
    • Ohio: Toogasho ka Dhacday Goob lagu Caweeyo March 26, 2017
      Masuuliyiin ku sugan magaalada Cincinnati ee gobolka Ohio ee dalkan Maraykanka ayaa sheegay in ugu yaraan 15 qof la toogtay, kuwaas oo qof ka mid ah xaaladdiisu ay halis tahay, ka dib markii xalay rasaas lagu furay xarun lagu caweeyo oo dad badani ku sugnaayeen.
    • Mosul: 100 ku Dhimatay Duqeymaha Cirka ah March 26, 2017
      Isbahaysiga Milateri ee uu hoggaamiyo Maraykanku ayaa weeraro xagga cirka ah ku qaaday Mosul, waxaana dad goobjoog ahi ay sheegeen in weeraradaas ay ku dhinteen in ka badan 100 rayid ah.
    • Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington March 25, 2017
      Dhageystayaal ku soo dhawaada barnaamijka Caweyska Washington, waxa la diyaar ah Sahra Ciidle Nuur.
    • Dhageyso Martida Makrafoonka March 25, 2017
      Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Martida Makrafoonka, waxa London ka soo diyaariyay Ridwaan Xaaji Cabdiwali.
    • Holland: Dowlad Isbaheysi oo ay Tahay In La Soo Dhiso March 25, 2017
      Muddo 10 casho ah ayaa ka soo wareegtey marki lasoo gaba-gabeeyey doorashadi dalka Holland oo indhaha adduunka oo dhan soo jiidatey.
    • Abaaraha ka Jira Gobolka Sanaag March 25, 2017
      Gobolka Sanaag waxa uu ka mid yahay deegaanada ay abaaruhu sida daran u saameeyeen, iyada oo lix milyan bar Soomaali ah ay abaarahani saameyn xoog badan ku yeesheen.
    • Hambalyada iyo Heesaha: Danduray iyo Cuud March 25, 2017
      Barnaamijka Hambalyada iyo Heesha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
    • Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo dhaceysa 10-ka April March 25, 2017
      Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Cadaado waxa ay isku raaceen in 10ka April la qabto doorashada Madaxweynaha Galmudug.
    • Shir Nairobi Uga Furmay Madaxda IGAD March 25, 2017
      Waxaa galabta ka furmay magaalada Nairobi shirka madaxda dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD.
    • Dad Lagu DIlay Muqdisho March 25, 2017
      Rag hubeyan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dilay xoghayihii maamulka degmada Wadajir, Cabdiraxmaan Sheikh Axmed Calasow iyo laba ka mid ah ilaaladiisa,.
    • Mareykanka oo Adkeynaya Bixinta Dal-ku-galka March 25, 2017
      Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa weydiisatay Safaaradaha iyo qunsuliyadaha Mareykanka ee caalamka in ay baaritaano dheeraad ah ku sameyaan dadka qaar marka ay dalbanayaan fiisooyinka.
    • Golaha Ammaanka ee Q.M. oo ka Hadlay Soomaaliya March 24, 2017
      Golaha Amaanka ee Q.M ayaa ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada New York waxay uga hadleen arrimaha abaarta sii baahayso ee Soomaaliya.
    • Turkiga oo Maanta Gargaar Geeyey Muqdisho March 24, 2017
      Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dejisay diyaarad sidey hal tan oo raashiin nafaqeysan ah oo loogu talagay dadka ay abaaruhu ku saameyeen qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan caruurta nafaqo darrada la ildaran.
    • Sawirro: Qarax Baabuur oo ka Dhacay Muqdisho March 24, 2017
      Qarax loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka Hotel Naasa-Hablood 2 ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa meel aad muhiim ah oo dadka ay ku badan yihiin, oo ku dhow isgoyska Xaawo taako ee magaalada caasimadda ah. Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa ah qeybta baabuurta la dhigto ee maqaayadda. In […]
    • Faaqidaadda: Golaha Wasiirada Cusub March 24, 2017
      Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ee uu dhowaan magacaabay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Sandheere  
    • Dad Kale oo loo Xiray Weerarkii London March 24, 2017
      Booliska magaalada London ayaa maanta sheegay in laba qof oo kale ay u xireen weerarkii ka dhacay meel ku dhow xarunta baarlamanka Britain.
    • Trump oo Jeediyey Hanjabaad la Xiriirta Obamacare March 24, 2017
      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xubnaha xisbiga Jamhuuriga ugu hanjabay inuu barnaamijka daryeelka caafimaad ee Obamacare sidiisa ku deyn doono, oo uu arrimo kale diiradda saari doono, haddii aysan maanta u codeyn barnaamij kaas beddel u noqon doona.
    • Uhuru iyo Farmaajo oo Heshiisyo ku Saxiixday Nairobi March 23, 2017
      Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya, Maxamed Cabdullhi Farmaajo iyo Uhurro Kenyatta ayaa maanta kullan ku yeeshay magaalada Nairobi, iyagoo kulankooda ka dib kala saxiixday heshiis dhowr qodob ka kooban.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

    More Photos
  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 45 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Soomaaliya Waa Dad Sabool Ah iyo Dal Barwaaqo Ah ( MAQAAL Dheer oo uu qoray Avv.Xussein D.Afrax )


avvxdafrax1 Waddan markii loo baahdo in Dhaqaalihiisa daraasad 

 

 

Lagu Sameeyo waxaa lagama Maarmaan ah in fiiro loo yeesho

 

 

1.XOOLAHA Soomaalida waa dad Qoowmiyad ahaan aad u cuna

 

 

 

Hilbaha, kuna xeel dheer suuq geyntooda,xoolahoodana waxay la mid yihiin duur joogta oo cid si gaar ah u dhaqaaleyso ama u xanaaneyso ma jirto, haddana waa waddanka afrika ugu xoolo badan.

2.BEERAHA,Soomaaliya waxaa deris la ah labo waddan oo aad ugu xeel dheer wax tacbashada,dalagga beerahooda waxa uu ku diyaar garooba ugu yaraan lix bilood meesha midka soomaalida uu ka yahay

 

Seddex bilood,arrintaas waxay ku tusineysaa in soomaalida sanad waliba ay beeran karaan affar jeer meesha labada dowlad ee deriska la ahna ay beeran karaan kaliya labo jeer. Soomaaliya waa waddan

 

Qeyraadkiisa badan yahay,dhul ahanna aad u dahan oo bacrin uma baahna,waa dhul siman buuraha ku yar yihiin,cimilad fiican leh meel kastana si dhib yar wax lagu beeran karo.3.BIYAHA,soomaaliya,waa waddan leh

 

Xeeb badeedka Afrika ugu dheer, labo webi iyo dhowr tog biyo mareen, cimiladdana waxay u saamaxday bad biyaheeda kuleel yihiin ayna ka buuxaan kalluun nooc waliba oo sanadka dhan laga jillaaban karo,

 

Balse dadka soomaalida u badnaan qeyraadka badda waxay ka door bideen reer miyinimo iyo xoolo raacato. 4.MACDANTA,soomaaliya waxay ku fadhisaa dhul baaxad weyn oo sida la hubo ay ka buuxaan

 

Nooc kasto oo macdan ah sida shidaal,dabah,dheeman,uranio iyo kuwa kale taas waxaa daliil ugu filan sida ay ugu hartamayaan quwadaha shisheeye,nasiib darro se dadkii waddanka leh  waxay ka badin waayeen

 

is dil,is dhac iyo is barakicin. dhaqaalaha Soomaaliya marka laga hadlaayo waxa lama huraan ah in la xasuusto muuska oo ka mid ahaa dalagga yar oo waddanka soo gelin jiray lacagta adag,qiyaas ahaan muuska

 

Waxaa uu 20% ka ahaa qeyraadka ay soomaalida dibadda u dhoofiso.Beeridda iyo dibad  suuq u geynta  muuska waxa uu la kowsaday waqtigii gummeystaha,ilaa lixdameeyadii dhoofinta muuska wuu xaddidnaa,

 

waxaa xoogga la saaray sidii loo deegaameen lahaa dhulka ay maraan labada webi, Jubba iyo Shabelle,waxaa unkumay beero yar-yar oo la xiriiro jiinka webiyada,balse muus beeridda xooggiisa waxa uu billawday

 

Kaddib  markii ganacsade Guido De Nadai uu maalgelin ku sameeyay soo saarka muuska  sidaasna ku as-aasantay shirkaddii Somalfruit oo saami ahaan reer Nadai ku lahaayeen 51%,dowladda 20%,isutagga 143 beeraley 29%.

 

Muddo ayaa Somalfruit si fiican u shaqeysay balse dagaaladii ahliga ahaa oo ilaa waqti xaadirkaan waddanka ka socdo ayaa Soomaaliya salka dhulka ugu dhuftay oo wax waliba ugu yaraan labo qarni dib u dhac ku keenay,

 

Fowdada waxaa isku dayay in ay ka xoolo maalan qaar ka mid ah  dagaal ogayaashii caanka ahaa oo waddanka ku soo martiqaaday David Murdock ganacsadaha iska leh shirkadaha Dole Food Company iyo Standard Fruit,

 

Loolaanka ka ganacsiga inta yar muuska haray waxay dhalisay in uu dagaal dhex maro labada shirkad Somalfruit iyo Dole ayadoo shirkad waliba adeegsatay qab-qable dagaal,isku dhacaas waxaa ku geeriyooday rag badan oo

 

Soo saarka muuska can ka ahaa. SHIDAALKA,Meeshi dagaal ka jiro petrol ayaa yaalla, meeshii petrol yallana dagaal ayaa ka jiro,dowladda mareykanka petrolka ay ka hesho Afrika aad ayuu uga badan yahay midka ay ka miirato

 

Bariga dhexe,intaas waxaa u dheer raadinta in ay petrol ka hesho meel ka fog marinka  HORMUZ oo ah quuri u dhexeeyo dowladda Iraan iyo jasiiradda MUSNADAM,meeshaas oo ah waddada kaliya oo ay soo maraan

 

Maraakiibta petrolka iyo gaaska ka soo qaaddo Ciraaq,Baxreyn,Qadar,Kuweit iyo Sacuudiya. Mareykanka markii uu daraasad dheer sameeyay keddib waxa uu garwaaqsaday jiritaanka qatarta ka imaan karto marinka Hormuz

 

Wuxuu na baadi goob u galay  meel ammaankeeda la isku haleyn karo sidaas ayaa Soomaaliya ilaa waqti aad u fog ay noqotay meesha ugu horeyso oo mareykanka isha ku hayay,sidaas ayaa shirkadaha petrolka mareykanka

 

CONOCO,AMOCO,CHEVRON iyo PHILLIPS ay waqti hore heshiis la galeen dowladihii lixdameeyada,ilaa haatanna waxa uu waddanka ka degi la’yahay waa hanqal taagga shirkadahaas oo baaris hore ku ogaaday in dhulka iyo badda

 

Soomaaliya uu ceegaago petrol ka badan kan bariga dhexe,intaas waxaaba sii dheer in waddanka Soomaaliya uu kulaalo BADDA CAS oo strateji ahaan laga maamuli karo marin biyedka Badda Cas. Waayihii uu kacaanka waddanka

 

Ka talinaayay ayaa waxaa dhacday Allaah ha u naxariistee in Siyaad Barre uu diiday kana hor yimid qorshe ay wadatay shirkadda CONOCO, madax adkaanta Siyaad waxay sababta in mareykanka uu Sacuudiya ka dhaadhiciyo in

 

Soomaaliya ka jaro ganacsiga petrolka,Sacuudiga ayaa ammarka mareyanka fulisay una diiday soomaalida in ay ka iibsadaan petrol,arrintaas ayeey ahayd markii Xamar shidaal qaadashada baabuurta laga kala dhigay A iyo B,

 

Mudo markii ay dhibaatada petrolka taagneed ayaa waddanka waxaa u soo gurmaday Ciraaq oo Xamar ka dhisay warshad petrolka sifeyso,hiiladaas Ciraaq waxay u keentay in mareykanka u qaado cadawtinimo gaar ah oo ilaa maanta taagan.

 

Soomaaliya muddo hore ayey noqotay dhulka ay ku hartamaan shirkadaha waaweyn ee petrolka,si himiladaas looga dhabeeyo dayuuradaha mareykanka waxa ay dhowr jeer weerareen goobo ay degen yihiin dad rayid ah,

 

Askari mareykan ah oo ka qeyb galay dagaalkii seddexda oktoobar 1993 ayaa mar uu wareysi siiyanayay wargeys waxa uu yiri:anigoo Xamar meel go’doon ku ah oo agagar keyga ay guryo badan ku gubanaayaan ayaa oday soomaali ah

 

waxa uu igu yiri dhibaatadaan iyo dilkaan badan ma waxaa idunku kallifay sidii aad ku hanan laheydeen petrolka ku jiro dhulka Soomaaliya!!!! dagaalada ka socdo koofurta Soomaaliya iyo midka dhawan ka dhacay tuulada GALGALA

 

Ma aha dagaal diimeed ama mid xag jireed,dhinac waliba haddii laga eego waxa uu salka ku hayaa dagaal looga hor tagayo quwadaha cusub sida Shiinaha,shirkadda Australiyanka Range resources Ltd ama midda kanada

 

Afrika Oil Corp oo gaas iyo shidaal baarisba ka billaaway qeybo badan oo ka mid ah gobollada soomaaliya.Shirkad waliba mid mareykan ama mid kale waxay u dagaallameysaa sidii ay ku soo xasilin lahayd danaheeda qaaska ah,

 

Sidii danaha gaarka ah looga hortagi lahaa waxa uu yalla inta wax garadka ah ee soomaaliyeed,haddiise sida haatan ay wax ku sii socdaan waxaa halis loogu jiraa in waddanka uu gacanta u galo quwado shisheeye sida Black Water,

 

SKA Air Logistic, SARACEN Intenational iyo kuwa la mid ah oo waqti xaadirkaan sida daadka ugu soo qulqulaayo goobaha ay ka mid yihiin caasimadda Muqdisho iyo Puntlan oo ay qiyaasayaan in laga fulin karo hagar daamada ay la damacsan yihiin geyiga Soomaaliya.

Avv.Xussein D.Afrax

Edmonton  London

 

buqaqable.net

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: