Kismaayo ) Wararka ka imaanaya Magaalada kismaayo ayaa
Sheegaya in taliye ka tirsanaa Saraakiisha kooxda shabaab iyo
Ciidamo u hogaaminayo ay ka Goosteen Shabaabka
Jubbooyinka Maamula ninkan oo lagu magaacbo Cabdiraxmaan Fiilow ayay wararka sheegayaan in uu la goostay maleeshiyo iyo hub badan kadib markii sida la sheegay uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo maamulka Shabaabka
Ee Jubbooyinka oo isbadalo lagu sameeyay Fiilow,na uu ka mid ahaa dadkii xilka laga qaaday
C/raxman ayaa lagu sheegay in uu yahay kii labaad ee maleeshiyadka Al Shabaab ka goosta
Mudooyinkii damba qaar ka mid ah madaxda maamulka Jubooyinka ayaa qirsan in nikan uu goostay
balse waxay ku eedeeyeen in uu la baxsaday lacag gaareysa 70 kun $ oo doolar.lixdii bishii
October ee sanadkan ayay ahayd markii Shabaabka Jubbooyinka uu ka baxsaday madaxii maaliyadda
Cali bashiir Cabdi, kaasoo isna la goostay lacag uu lahaa maamulka Al Shabaab ee Jubbooyinka.
Like this:
Like Loading...
Related
Filed under: "somalia, Buqaqable |
saa saa la rabaa