• RSS Somali VOA

    • Gundogan oo Mar Kale Dhaawacmay September 21, 2017
      Laacibka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Manchester City Ilkay Gundogan ayaa garoomada ka maqnaan doono muddo todobaadya ah kadib marki uu jilibka ka dhaawacmay Arbacadi.
    • Costa oo Ku Laabanaya Atletico Madrid  September 21, 2017
      Weeraryahanka kooxda Chelsea iyo xulka Spain Diego Costa ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo aadan dib ugu biiro kooxdiisii hore ee Atletico Madrid kadib marki ay labada koox arrinta laacibkani heshiis ka gaareen.
    • Dhageyso Xubinta Ciyaaraha September 21, 2017
      Ku soo dhawaada xubinta ciyaaraha, oo qodobbada aad ku maqli doontaan ay ka mid yihiin kulama xiiso badan oo dhacay xalay illaa shalay gelinkii dambe. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa soo jeednaya.
    • Soomaaliya oo Ku Adkaysatay Dhexdhexaadnimada Xiisadda Carabta September 21, 2017
      Kulan ay yeesheen golaha wasiirada ee Soomaaliya ayaa markale lagu taageeray go’aankii xukuumadda Federaalka ee ahaa, inay door dhexdhexaad ah ka qaadato xiisadda ka dhex aloosan wadamada carabta.
    • Masuuliyiinta Galmudug oo ka Horyimi Go'aankii Madaxweynahooda September 21, 2017
      Waxaa shir jaraa’id ku qabtay Cadaado, Kusimaha Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Guddoomiye ku Xigeenka labaad, WAXAYNA KU GACAN SAYDHEEN go’aanka uu qaatay Madaxweynaha Galmudug ee uu ku taageeray isbahaysiga Sucuudiga.
    • Galmudug oo Taageertay UAE iyo Sucuudiga September 21, 2017
      Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Galmudug, ayaa lagu sheegay in maamulkaasi ka mid noqdey maamul goboleedyada kasoo horjeestey dowlada federalka Somalia aragtideeda dhexdhexaadnimo ee xiisada u dhaxaysa dalalka Gacanka Carabta.
    • Kun Qoys oo Soomaali ah oo Loogu Deeqay Min Kun Dollar September 21, 2017
      Xarunta Q.M shirka uga socda dalalka Caalamka ayaa sanadkan, waxaa jiray shir si gaar ah looga hadlay arimaha bini-aadanimada iyo abaarihii dhowaan ka dhacay dalka Somalia iyo guud ahaanba gobolka Geeska Afrika.
    • Duufaanta Maria oo Korontada Ka Jartay Puerto Rico September 21, 2017
      Duufaanti ugu xooganeyd oo ku dhawaad muddo 90 sana ah ku dhufata Jaziirada Puerto Rico ayaa damisay gabi ahaanba korontada jaziiradaasi oo ay ku noolyihiin 3.4 million oo ruux.
    • Mexico: Millatariga Ayaa Ku Biiray Gurmadka Dhulgariirka September 21, 2017
      Kooxaha gurmadka ee dalka Mexico ayaa baaraya burburka guryaha uu soo riday dhul gariir xoog leh oo Salaasadii ka dhacay magaalada Mexico City iyo hareeraheeda, si ay isugu dayaan in ay gaaraan dad ay nafi ku danbeyso.
    • Real Betis oo 19 Sano Kadib Ka Badisay Real Madrid September 21, 2017
      Kooxda Real Betis ayaa marki ugu horreysay muddo 19 sana ah uga badisay Real Madrid garoonkeeda Bernabeu kadib marki ay xalay 1-0 ku garaacday ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Spain ee La Liga.
    • Napoli oo Hogaanka U Qabatay Horyaalka Talyaaniga September 21, 2017
      Waxaa caawa la ciyaaray wareega shanaad ee horyaalka Seria A-da dalka Talyaaniga, iyadoo inta badan kooxaha waaweyn ay guulo soo hooyeen.
    • Chelsea, Man Utd, Man City Iyo Arsenal oo Wada Badiyay September 20, 2017
      Waxaa caawa dhacay kulamo xiisa leh oo ka tirsan koobka EFL ee dalka Ingiriiska, iyadoo dhamaan kooxaha waaweyn sida Chelsea, Manchester United, Manchester City iyo Arsenal ay guulo soo hooyeen.
    • Borussia Dortmund oo Taariikh Sameysay September 20, 2017
      Kooxda Brussia Dortmund ayaa noqotay kooxdi ugu horreysay oo Jarmal ah oo aanan wax gool ah laga dhalin dhamaan shanta kulan ee ugu horreysay ee horyaalka Bundesliga taariikhda.
    • Qubanaha VOA, Sep 21, 2017 September 20, 2017
    • Benzema oo Saxiixay Heshiis Cusub September 20, 2017
      Weeraryahanka kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa kordhiyay qandaraaska uu kula joogo kooxdiisa kaddib marki uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo afar sana ah.
    • Madrid oo Martigalinaysa Finalka Champions League September 20, 2017
      Xiriirka kubadda cakta Yurub ayaa maanta ku dhawaaqay garoonka lagu qaban doono finalka koobka Kooxaha Horyaalada Yurub ee loo yaqaano Eufa Champions League.  Xiriirka UEFA ayaa u codeeyay in sanadka 2019-ka lagu qabto finalka tartanka Yurub garoonka kooxda Atletico Madridee Wanda Metropolitano stadium. Garoonkan oo qaada 67 kun oo ruux ayaa la furay 17-ki b […]
    • Dilalka Haweenka ee Gobolka Banaadir oo Batay September 20, 2017
      Dilalka haweenka ka shaqeeya gobolka Banadir ayaa ku soo badaneysay waaydan magaalada muqdisho. Dhowr iyo toban haween ah oo xubno ka noqdey maamulka gobolka Banadir ayaa lagu diley meelo kala duwan oo Muqdisho ah.
    • Ciidamada Kenya oo Ka Baxay Baardheere September 20, 2017
      Ciidamada milatariga Kenya ee ka hawlgalayey magaalada Baardheere ayaa halkaasi iskaga baxay saaka iyaga oo u dhaqaaqay dhinaca xuduudda. Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Soomaali ah ayaa xilligan ku haray magaalada Baardheere.
    • Puntland oo Amar ku Soo Rogtay Kalluumaysiga September 20, 2017
      Puntland ayaa sheegtay in ay maamnuuceen inaan muddo laba sano ah la kalluumaysan karin kalluunka nooca lagu magacaabo Indho Buurka oo uu sheegay in hilibkiisa aan la isticmaalin balse beerka oo keliya ay ganacsatadu iibsato.
    • Dhageyso Xubinta Ciyaaraha September 20, 2017
      Kulanti wanaagsan dhageystayaal ku soo dhawaad Xubinta Ciyaaraha, oo maanta qodobbo xiiso badan ayad ku dhageysan doontaan. Maxamuud Mascadde, ayaa soo jeedinaya.
  • Soo Raac

  • Sawiro Xusuus Leh

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 47 other followers

  • your IP adress

    IP address
  • Archives

Shabaab oo Mamnuucday Adeegii Zaad Service Ee Shirkada Hormuud Ama Ex Barakaat DKMG oo Cambaareysay iyo Dadka Walaac Ka Muujiyay


Zaad Dadka Soomaaliyeed ee Dibada iyo kuwa Gudaha dalka jooga ayaa

 

 

La dhacsanaa adeeg cusub oo ay dhowaan hirgaliyeen qaar ka

 

 

Mid ah Shirkadaha Xawaaladaha iyo kuwa  isgaarsiinta ee ka jira

 

 

Soomaaliya taasoo wax badan ka badashay Noloshii dadaka Lacagtii Bacyaha iyo Jawaanada lagu wadi jirayna u badashay

sida looga nool yahay wadamada hor u maray in aan lacag jeebka lagu qaadan meeshaad doontana

wax uga gadan kartid adigoo isticmaalaya Nombaro iyo mopilkaaga kaliya hadaba Kooxaha Muqdisho

Dagaalada ka wada oo iyaga ku caan baxay in ay maalinba Barnaamij Cusub keenaan

ku dhawaaqay in ay Mamnuuceen Adeegan hadalkaasoo dad badan niyad jabiyay Bayaanka Al-Shabaab iyo waxay ku saleeyeen ) halkan ka aqriso   

 

 

    بسم الله الرحمن الرحيم 

     

    Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab

    Xafiiska Siyaasada&Wilaayaadka

    Bayaan ku Aadan Joojinta Adeeg

    Xawaaladeedka Mobilka (MMT) ee Soomaaliya

    الحمدُ لله ربّ العالمين والصّلاة والسّلام على إمام المجاهدين محمّد وعلى آله وصحبه أجمعين أما بعد:

     

     

    Casrigan la nool yahay waxaa baahay heshiisyada ganacsi xilli ay isu furmeen bulshooyinka kala duwan ee ku nool daafaha dunida, waxaa hoos u dhacay isku xakamayntii sharciga Alle . Waxaa soo if baxay xeelado ganacsi oo aan hore loo aqoon, waxaa soo kordhay hab macaamil dhaqaale oo ku dhisan hantigoosad, waxaana faafay ribada Xaaraanta ah.

    Waxaa arrinkaasi barbar soconayay Muslimiinta oo isaga tagay nidaamyadooda dhaqaalaha in ay waafajiyaan Shareecada Islaamka iyagoo taas ku badalay hanaanka dhaqaalaha ribada ku dhisan ee lagasoo minguuriyay reer galbeedka gaalada ah. Shareecada Islaamka ayaa asal ahaan u taagan dhowrista danaha ummadda, nidaaminta ganacsiga iyo ka hortagga cadaalad daradda.

    Sidaasi darteed ayuu Nabigeenuصلى الله عليه وسلمreebay iibsi kasta oo dhaawacaya nidmaaka dhaqaale ee islaamku jideeyay sida qishka, falisaada, khiyaamada iyo ixtikaarka. sidoo kale waxaa la reebay in dadka dhaqaalahooda xaqdarro lagu qaato ama tabaalaha haysta looga faa’iidaysto .

    Cidna kama qarsoona awoodda iyo gacanta adag ee Yahuudu ku leedahay dhaqaalaha waddamada reer galbeedka ah iyo faafitaanka waxa loogu yeero Cawlamada dhaqaalaha.

    Cawlamadu (economic globalization) waa qaab dhaqaale oo loo asaasay in lagu taakuleeyo danaha gaarka ah ee dowladda Yahuuda iyo kuwa reer galbeedku ka leeyihiin daafaha caalamka, si ay u maalgeliyaan dhaqaalaha wadamadooda iyagoo ku tumanaya xuquuqda dowladaha iyo dadka taagta daran.

    Waxa intaas sii dheer faragelinta ay ku hayaan dhaqaalaha Caalamka oo ay u adeegsanayaan sidii ay uga bixi lahaayeen dhibaatooyinka dhaqaale ee sanadihii u danbeeyay la dagay shirkadaha ugu waaweyn dalalkooda. Hadaba mashaariicda ay faafiyeen si loo naaxiyo dhaqaalahooda sii hoobanaya ayaa waxaa ka mid ah adeegga loo yaqaan Mobile Money Transfer ee loo soo gaabiyo (MMT).

    Adeegga MMT wuxuu soo galay Soomaaliya isagoo huwan magaca Zaad/Sahal dadka Soomaalida ahna loogu sheegay in uu u fududeeynayo xawilaadda lacagaha, iyagoo si sahlan oo degdeg ah Moobilkooda wax ugu iibsanaya, ama ugu adeeganaya. Waxaa adeeggani markii ugu horeysey soo bandhigay sadddex shirkadood oo taageero ka helaya bangiyada dowladaha gobolka afrikada bari iyo aduunka. shirkadahaas ayaa kala ah: Hormuud (Muqdisho), Golis (Boosaaso) iyo Telesom (Hargeysa).

    Adeegan MMT ayaa si xowli ah ku fiday isagoo taakulayn xoog leh ka helaya dowladaha galbeedka, gaar ahaan dowladda Mareykanka, taasoo dadaal dheeri ah ku bixisay sidii loogu faafin lahaa dhamaan goobaha ka baxsan dalkeeda.

    Waxey kaloo ugu talagaleen sidii qurbajoogta Soomaaliyeed u isticmaali lahaayeen adeeggaasi marka ay eheladooda lacagta u dirayaan maadaama isha labaad ee ugu weyn dhaqaalaha waxa loogu yeero wadamada soo koraya uu ku tiirsanyahay lacagaha dibadaha ay ka soo diraan dadka qurbajoogta ah.

    Taas marka la fiiriyo, waxaa la oran karaa yoolka Mareykanka ee ah in la faafiyo adeegga MMT ayaa ah mid qaab qorshaysan oo qotodheer ku socda, laguna doonayo in dhaqaalaha Muslimiinta iyo hantidooda gacanta lagu dhigo. Waana waxa keenay in adeeggan uu yahay mid aad uga dhex muuqda waddamada soo koraya iyadoo gebi ahaanba aan laga isticmaalin dalalka loogu yeero wadamada waaweyn sida Mareykanka.

    Kadib markii si qotodheer loo baaray saamaynta xun ee nidaamkan ku leeyahay dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed ee Muslimka ah iyo ujeedooyinka gurracan iyo weliba dhagarta ay reer Galbeedka iyo Yuhuuddu ka leeyihiin hirgelintiisa ayaa waxaa muuqday in hadafkoodu yahay sidan soo socota :

     
  • Gacan ku haynta dhaqaalaha dadka danyarta ah iyo ku xad-gudubkeeda: Shrikadaha taakuleeya adeeggan ayaa waxay dadaalkoodii isugu soo aruuriyeen waddamada dhaqaalohoodu uu hadda soo kacayo kuna yaal Africa iyo Asia, Taasoo ka dhigeysa shucuubta dalalkaasi dad aan marnaba ka maarmin adeega MMT, iyadoona looga faa’iideysanayo baahida ay u qabaan adeeg xawaaladeed si fudud oo degdega ah lacagaha ugu kala xawilanayaan, halka dhaqdhaqaaqa lacageed iyo kala xawilaadda lacagaha si toos ah loo hoos geynayo dawladaha reer galbeedka

    • Dabasocodka dhaqaalaha reer galbeedka:Adeegga MMT ayaa suurtagalay kadib heshiis dhex maray shirkado isgaarsiineed iyo bangiyo caalami ah oo shirkadda MasterCard ee Mareykanka dhexdhexaadiye u aheyd. Dhamaan shirkadahan ayaa ah kuwo ka wada shaqaynayey sidii ay suuqa dhaqaalaha adduunka gacanta ugu dhigi lahaayeen isweydaarsiga dhaqaaluhuna iyaga ugu koobnaan lahaa. Arrinkan ayaa ah mid yaraynaya lacagaha kaashka ah, kana dhigaya bulshada oo dhan mid hoos timaada una afduuban gaalada reer galbeedka.

    • Khalkhal gelinta badqabka dhaqaalaha Muslimiinta:Adeeggan ayaa ah mid halis ku ah.badbaadada ummadda Muslimka ah, gaar ahaan Mujaahidiinta, sababtoo ah waxaa loo adeegsan karaa waxa loogu yeero ‘ladagaallanka fangareynta argagixisada’ taasoo ah marmarsiyo lagu doonayo in lagu bannaysto xoolaha, xuquuqda iyo xorriyada dadka Muslimka ah, dhaqaalahoodana lasoo fara geliyo, isla markaana lagu hayo xilli walba handadaad joogta ah.

    • Khatarta uu leeyahay hadii adeegga la joojiyo ama uu burburo:Waxaa si fudud adeeggan amar ugu joojin kara siyaasiyiinta reer galbeedka iyagoo u cuskanaya eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn sidii hore ugu dhacday shirkaddii ‘Barakaat’. Waxaa kaloo dhici karta in shirkaddu dhaqaala beesho, taasoo dhibaato baaxad leh iyo khasaare aan laga soo kaban dhabarka u saari karta shacabkeena Muslimka ah.

    • Khatarta Xatooyada Xeeladeysan (Hacking):Moobilada oo ah qalab u nugul xatooyada xeeladeysan ayaa ah mid saamayn weyn ku yeelan karta dadka adeeggan isticmaala..

    • Suuqa oo laga saaray lacagta warqadda ah:khatarta ugu weyn ee garab socota adeeggani ayaa waxaa ka mid ah in lacagta warqadda ah suuqa ka baxdo, sababtoo ah adeega MMT waxaa horraantiisiiba loo qorsheeyey in uu lacagahoo dhan meel isugu keeno kadibna lagu taakuleeyo dhaqaalaha reer galbeedka ee hadda sii burburaya.

    • Xawaaladihii oo meesha ka baxaya:Faafitaanka adeeggani wuxuu burburinayaa xawaaladihii ay dadku badanaa isticmaali jireen. Haddii uu sidaas ku sii socdona wuxuu adeeggan gebi ahaanba suuqa ka saarayaa xawaaladaha kuna khasbayaa dadka inay MMT oo keliya ku koobnaadaan.

    • MMT wuxuu bulshada u sanduleynayaa shirkadaha adeegan bixiya:sii faafitaanka adeegga MMT ayaa wuxuu sababayaa in dhaqaalaha malaayiin ka tirsan shacabka muslimka ah si buuxa gacanta uu ugu jiro shirkadaha reer galbeedka ee taakuleeya adeeggan. Taasoo ka dhigeysa adeegga MMT mid uu saameeyo isbeddel kasta oo dhaqaaleed ama siyaasi ee ku yimaada shirkadaha maalgeliya MMT.

    Kadib markii la xaqiijiyey khatarta uu leeyahay isticmaalka adeegga MMT, Xafiiska Siyaasadda iyo Wilaayaadka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa wuxuu go’aamiyey arrimahan soo socda:

  • In dhamaan Soomaaliya laga joojiyo isticmaalka adeegga MMT. Shrikadaha adeegan dadka usoo bandhigay, gaar ahaan Hormuud, Golis iyo Telesom, waa inay joojiyaan adeeggan. Waxaan filaynaa dhamaan shirkadaha, macaamiisha iyo dadka isticmaala adeegga ZAAD/SAHAL in ay amarkan ku dhaqaaqi doonaan.

  • Shirkadaha adeegan qaybiya waxay haystaan ilaa 24 – 02- 1432Hijrioo ku beegan31.01.2011si ay usoo afjaraan adeegan, islamarkaana wixii waajibaat ah ee ka saran adeegga u dhameystiraan.

  • Waxaan uga digaynaa shirkadaha ku haminaya in adeega MMT oo kale keenaan Soomaaliya in ay ka joogsadaan.

  • Go’aankan wuxuu hirgelayaa laga bilaabo marka uu bayaankan soo baxo.

    Ugu dambayntii, waxaan ku dhiiri gelinaynaa dadka Muslimka ah ee Soomaaliyeed in ay iska xoreeyaan sandullaynta reer galbeedku ku hayaan isla markaana raadsadaan beddel xalaal ah oo lagu kalsoon yahay sida dhoofinta dalagyada gudaha, warshadaha yaryar, iyo mashruuc kasta oo xalaala waxtarna u leh dhaqaalaha dalka. Waxaan kaloo ogaysiineynaa Muslimiinta Soomaaliyeed in aanaan marnaba ka caajiseyn difaaca aan iyaga iyo maalkoodaba ka difaacayno wax kasta oo khatar gelinaya.

    ﴿وَلَنْ يَجْعَلَ اللَّهُ لِلْكَافِرِينَ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ سَبِيلًا﴾

    والله أكبر

    ﴿ وَلِلَّهِ الْعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَلَكِنَّ الْمُنَافِقِينَ لا يَعْلَمُونَ

    حركة الشباب المجاهدين

    إصدار مؤسسة الكتائب للإنتاج الإعلامي

    ذو القعدة 1431 هـ الموافق لأكتوبر 2010 م

    لا تنسوا إخوانكم المجاهدين من الدعاء

    buqaqable.com

  • Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

    %d bloggers like this: